“Ciidamadda Qaranka waxay fuliyeen in cadowgii ina soo weeraray ay jebiyaan oo cashar u dhigaan” Madaxweyne Biixi

#Araweelo_News_Network

 

 

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka hadlay dagaalkii ugu danbeeyay ee ka dhacay xarunta gobolka Sool ee  Laascaanood iyo qorshaha xukuumadda eek u waajahan Ardayda waxbaarshadooda ku weyday dagaalka ee deegaamadaa.

 

Sidoo kale, wuxuu Madaxweynuhu ka hadlay qaabkii loo xusay munaasibadda 32-guurada 18 May ee laga xusay guud ahaan Somaliland iyo dacalada dunida, taas oo si weyn looga dareemay meelo baddan, isla markaana muujisay sida ay shacbiga Somaliland u ilaashanayaan maalinta qaranimadooda ee qiimaha baddan.

 

Madaxweyne Bixii, wuxuu arrimahaa iyo kawo kale kaga hadlay shirka gollaha wasiirrada oo Khamiistii maanta ka qabsoomay Qasriga Madaxtooyadda, sidaana waxa lagu sheegay qoraal kasoo baxay shirka kaddib oo lagu sheegay in golluhu bogaadinayo wacdarihii ay shacabka reer Somaliland gudo iyo dibadba ka dhigeen dabbaal-deggii munaasibadda 32-guurada kasoo wareegtay 18-ka May iyo weliba sidii geesinimada lahayd ee ciidamada kala duwan ee qaranku dhirbaaxada ugu dhufteen cadowgii maalintaas isku dayey inuu dabbaaldegga carqaladeeyo.

 

“Golle ahaan waxaynu isku raacsannahay xaaladdii lagu maray 18-kii inay ahayd mid ugub ah oo taariikhda geli doonta oo ah in maalintaa aynu dabbaaldegaynay iyo 16-kii oo ka horreeyey huwanta cadowga ah ee gobolka Sool dagaallada gardarrada ah ka wadaa soo weerareen si ay u carqaladeeyaan dabbaaldegga Somaliland ee 32-aad.”ayuu yidhi, Madaxweyne Biixi.

 

 

Sidoo kale, wuxuu sheegay Madaxweyne Biixi in cadawga Somaliland  far soo gelin kari waayay xuska 18May, isagoo yidhi, “Waxa aan aad ugu mahadnaqayaa oo taariikhda baal dahab ah ku leh dhammaan ciidamada kala duwan ee qaranka, kuwa militeriga, Asluubta, badda, Booliska, socdaalka iyo Ilaalada Xuduudaha Somaliland, kuwa amniga iyo nabadda ilaaliya, dhammaantood ciidamadaas iyo wasaaradahoodu waxay fuliyeen in cadowgii ina soo weeraray ay jebiyaan oo cashar u dhigaan, dalka oo dhanna dabbaaldeggii iyo isu soo bixii uu noqday amni uu far lasoo geli karin waayey cadowgii”

Dhammaan shacbiga Somaliland miyi iyo magaalana waxan ku bogaadinayaa inuu qof waliba halkiisa ka muujiyey waddaninnimadisii oo uu isu xilqaamay, ayuu raaciyay.

 

Qoraalka ayaa lagu sheegay in shirka uu Madaxweynuhu guddoominayay lagu soo qaaday xaaladda ardayda gobolka Sool ee dagaalku saameeyay waxbaarshadooda iyo qaabka loo qorsheeyay imtixaanaadka sannad dugsiyeedka, kuwaas oo golluhu go’aan kasoo saaray.

 

 

 

Dhinaca kale, Madaxweyne Biixi, ayaa xusay inuu golaha wasiirradu hanbalyaynayaan jaaliyaddaha reer Somaliland ee daafaha caalamka, isagoo ku amaanay sidii waddaniyadda iyo dal-jacaylka lahayd ee ay qaddiyadda Somaliland kor ugu qaadeen, dunidana u tuseen in aannay qaddiyaddu ku imanin dheel dheel.

 

“Dadka Somaliland ee daafaha adduunka jooga meel wal iyo qaarad walba waxay noqotay xafladdii ugu weynayd ee jaaliyadaha reer Somaliland ee dibaddu ku muujiyaan waddaninnimadooda, taas oo ay ku muujiyeen inaanay Somaliland ciyaar ahayn ee ay tahay rabitaan shacab, Somaliland dhismaheeda iyo difaaceeduna yahay rabitaan shacab oo aanu dheel dheel ahayn, qaran ahaan iyo golle ahaanna aad iyo aad baanu ugu mahadnaqaynaa dadka reer Somaliland gudo iyo dibadba.”

 

Sida lagu sheegay qoraalka kasoo baxay Madaxtooyadda Somaliland shirka gollaha wasiirrada kaddib, waxa guud ahaan xuska 18-ka May ee sannadka 2023-ka looga dabbaal degay 64 magaalo oo ku kala yaalla 33 dal oo ku yaal shanta qaaradood ee Afrika, Yurub, Waqooyiga Maraykanka, Eeshiya iyo Ustaraaliya, halka laga dabbaaldegay 33 magaalo oo Yurub ah, 11 magaalo oo Afrika ah, 9 magaalo oo Waqooyiga Maraykanka ah, 4 magaalo oo Canada ah, 7 magaalo oo qaaradda Eeshiya ah iyo 4 magaalo oo Ustaraaliya ah, lana qabtay ku dhawaad 100 munaasibadood oo kulamo dadweyne ah oo ay ku jiraan laba shir oo ka qabsoomay Hague iyo Washington DC ah oo ay wehelinayaan Afar isu soo bax oo ka kala qabsoomay Washington DC, Toronto, London iyo Geneva.

Please share with your friends the news and information provided by   Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net

http://archive.araweelonews.com

www.araweelonews.com/archi/ 

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com