#Araweelo_News_Network.

 

Garoowe(ANN)-Madaxweynaha Maamul gobolleedka Soomaaliya ee Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ganafka ku dhuftay go’aamada kasoo baxay Madaxda Gollaha Wadatashiga Qaran ee ku shiray Magaalada Muqdisho.

 

Madaxweyne Deni, wuxuu si weyn u daadafeeyay in aannay maamulka Puntland waxba ka khusayn waxa kasoo baxay shirka, isagoo tilmaamay mawqifkooda ku aaddan heshiiska ay toddobaadkan gaadheen madaxda federaalka iyo madaxda afarta maamul goboleedka ee kale iyo duqa magaalada Muqdisho..

“Puntland qayb kama aha waxa kasoo baxay, dawladda Federaalka iyo qaybo ka mid ah dawladdaha xubnaha ka ah, mana khusayso, sababtoo ah qayb kama ahayn Puntland” ayuu yidhi, Deni.

“Waxaanu arkaynay in dalkan meel khladan loo wado, oo aasaaskii heshiiskii Bulsho ee dawladda jirta lagu dhisay la doonayo in la baalmaro,” ayuu yidhi, isagoo sheegay taas bedelkeeda in dalkan oo ah mid jilicsan, isla markaana loo baahnaa in lagu dhiso sharci addag oo lagu wada kalsoonyahay.

Madaxweyne Deni, wuxuu sheegay in Puntland waxa ay doonayso uu ku qoranyahay dastuurkeeda, sidaa awgeed aannay marnaba aqbalayn waxa kasoo baxay shirkaa oo aannay qayb ka ahayn.

Madaxa Gollaha Wadatashiga Qaran ayaa sheegay inay ku heshiiyeen inay dalka oo dhan ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah, oo ay ku tartamayaan laba xisbi qaran oo keliya.

Go’aankooda ayay ku sheegeen in doorashada ay doonayaan noqonay mid ah nidaamka matelaadda isu-dheellitiran ee Liiska Xidhan (Proportional Representation-Closed List).

Sidoo kale, dalwadda Federaa iyo maamul goboleedyada ayaa  ku heshiiyay in dalka uu qaato nidaam Madaxweyne iyo Madaxweyne ku-xigeen, kaas oo beddelaya nidaamka xilligan ka jira Soomaaliya ee dawladda Federaalka oo ah mid uu awoodda leeyahay Madaxweyne soo magacabaya ra’iisal wasaare, iyadoo marka Madaxweynuhu magcaabo ra’iisal wasaaraha u gudbinayo gollaha wakiiladda ee sharcidejinta oo anisixnaya si uu dawladda usoo dhiso, mana jiro Madaxweyne ku xigeen, balse qorshaahaa oo aan weli si dhab ah loo ogayn inuu ka hirgelayo Soomaaliya ayaa ah mid ceedhiin oo u baahan in laysla qaato, isla marakaana la waafajiyo dastuurka.

 

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/ 

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com