#Araweelo_News_Network.

 

Muqdisho(ANN)-Xukuumadda Federaalka ayaa sheegtay innay diyaarinay waraaqaha Aqoonsiga Muwaadinka, taas oo wax weyn ka taray arrimaha amniga dawladnimada iyo dimuqraadiyadda.

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta ku daah-furay munaasabad ballaadhan oo la xidhiidha qaadashada Kaadhka Aqoonsiga iyo Diiwaan-gelinta Dadweynaha, taas oo lagu beegay maalinta Caalamiga ah ee Aqoonsiga Dadweynaha oo ku beegan 16 Septembar 2023.

Qoraal saxaafadeed kasoo baxay xafiiska Ra’iisal Wasaaraha oo nuqul ka mid ah soo gaadhay Shabakaddaha Araweelo News Network,  ayaa lagu sheegay in aqoonsiga Qaran uu xal u yahay caqabado baddan oo haysta bulshada, kuwaas oo ay ka mid yihiin, amniga, bixinta adeegyada, dimuqraadiyeynta, doorashooyinka, maalgashiga, isu socodka iyo dammaanadda qofeed ee muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Ra’iisal Wasaaruha, ayaa xusay in Xukuumadda DanQaran ay meel marisay shuruucdii ilaalin lahayd xogta muwaadiniinta, isla markaana hagi lahayd Hay’addaha ku shuqul leh bixinta iyo keydinta Aqoonsiga Qaran.

“Maanta laga bilaabo dadkeennu waxay heli doonaan Kaadhka Aqoonsiga Dadweynaha oo ah xaq dastuuri ah, taas oo u fududeyn doonta in ay helaan xuquuqda buuxda ee ay dalka ku leeyihiin”. Ayuu yidhi Ra’iisal Wasaare Xamsa.

Mar uu ka hadlayey munaasabadda daah-furka barnaamijka diiwangelinta iyo Aqoonsiga dadweynaha, wuxuu hoosta ka xariiqay in hannaankani uu ka tarjumayo dowladnimada casriga ah ee dalka ka hana-qaaday, isagoo u mahadceliyey Dowladda Pakistan oo gacan weyn ka geysatay iyo hey’addaha kala ah Bangiga Adduunka iyo UNDP.ayaa lagu yidhi, qoraal saxaafadeedka oo uu ku saxeexnaa fhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xidhiidhka Dadweynaha XRW Farxaan Maxamed Jimcaale

 

 

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/ 

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com