Araweelo News Network.

 

“Waad aragteen Degmada waxa lagu soo xoojiyay ciiddamo aan hore u joogin,” #Maxamed @kaahin

 

#Berbera(ANN)-Wasiirka Arrimaha Guddaha #Somaliland, Maxamed Kaahin Axmed, ayaa farriin adag oo dar-daaran ah u jeediyay xildhibaanada gollaha deegaanka ee Berbera oo maanta Guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Saaxil Xamse Cabdullaahi ansixiyay xildhibaanada cusub ee dhowaan lagu doortay doorashadii 31 May 2021.

Fadhiga xildhibaanada gollaha deegaanka Berbera Maxkamadda gobolku ku ansixisay, waxa ka qaybgalay Wasiirka Arrimaha Guddaha, Maxamed Kaahin, Wasiirka Gaadiidka iyo waddooyinka Cabdullaahi Abokor iyo Badhasaabka gobolka Saaxil,  Dr. Axmed Maxamed Xaashi iyo masuuliyiin kale.

 

Wasiirka Arrimaha Guddaha Somaliland, Maxamed Kaahin oo hadal uu ka jeediyay markii maxkamaddu ansixisay xildhibaanada, ayaa u sheegay in ay ku dhaqmaan xeerka lagu maamulayo gollayaasha deegaanka ee dalka oo maxkamadda horteeda looga akhriyay.

Alt: Araweelo News Network

Ka bilaw Dhexda Wasiirka Arrimaha Guddaha, Maxamed Kaahin, Midig, Wasiirka Gaadiidka iyo waddooyinka Cabdullaahi Abokor iyo Badhasaabka gobolka Saaxil, Dr. Axmed Maxamed Xaashi Bidix, Image Araweelo News Network, 13, Jun 2021.

Sida uu sheegay Wasiirku waxay fadhiga ugu horeeya yeelanaayan maalinta beri ah, wuxuuna si adag u faray in ay ilaaliyaan nidaamka iyo sharciga dalka, isla markaana ay oggaadaan xeerka lagu maamulayo gollayaasha deegaanka dalka ee Xeer Lan/r, 23 2019.

Wasiirka, ayaa sheegay in kulnaka maalinta beri lagu dooranayo guddoomiyaha iyo guddoomiye xigeenka (Maayarka iyo ku xigeenka), ay goob joog ka ahaanaayan isaga iyo masuuliyiinta kale ee Wasiirka Gaadiidka iyo Waddooyinka iyo Badhasaabka gobolka Saaxil.

Balse, waxa uu xusay in ay jirto xaallad sababtay in magaalada la keeno ciiddamo badan, isagoo yidhi, “Waad aragteen Degmada waxa lagu soo xoojiyay ciiddamo aan hore u joogin, iskama iman ee wer-werkeeda ayay leedahay, annagana taas ayaa na keentay oo kuwii kale umma socono hadda.” Ayuu yidhi, Wasiir Maxamed Kaahin.

Wuxuu sheegay in loo baahanyahay in ay Magaaladda Berbera laba arrimood ka muuqdaan, isagoo tilmaamay  in maaddaama ay Berbera tahay magaalo xadaarad iyo ilbaxnimo ah, aannay waxyeelin Berberada danbe ee xilligan, sidaa awgeed waxa uu sheegay in xildhibaanada laga rabo in ay xeerka ilaaliyaan.

“Xildhibaanada waxaan leeyahay wixii hadda ka danbeeya waxaa laydinku maamulayaa xeer, xeerkaa ninka ku xadgudba, wuu qabanayaa, xasaanadda wuu ka qaadayaa, xildhibaanimada ayuu ka qaadayaa, meelaha qaar kiisaska Maxkamad ayay gaadhi kartaa” ayuu yidhi, wuxuuna ku dar-daaray in aannay is mahadin ee ay ixtiraamaan sharciga iyo dadkii bacadka isu taagay ee soo doortay, sidoo kale, wuxuu tilmaamay Wasiirka Arrimaha Guddaha in xildhibaanada soo baxay kusoo baxeen kuwii hadhay codadkooda, maadaama  xisbi walba codkii uu helay ee guud ay xildhibaanadu kusoo baxeen. Sidaa awgeed ay sharciga iyo xisbinimada ixtiraamaan.

Dhinaca kale, waxa jira in loollan adag oo loogu jiro Maayarka uu ka jiro Magaalada Bebera, iyadoo loollanka ugu adag ee ilaa hada la ogyahay in uu dhexeeyo Maayarkii hore ee Berbera, Cabdishakuur Maxamed Xasan (Ciddin) oo hore u qorshaystay inuu kusoo laabto Maayarnimada, kaddib markii uu kasoo baxay Xisbiga KULMIYE, oo ah xisbul xaakimka, balse waxa dhankiisa loollan adag kula jira  Maxamed Ibraahim ismaaciil (Dable) oo ka mid ah xildhibaanada kasoo baxay Xisbiga mucaaradka ee UCID, iyadoo ay hore u sheegeen heshiis ay labada xisbi mucaarad ee UCID iyo WADDANI, oo guul weyn ka gaadhay doorashooyinka isku lamaanaa ee gollayaasha deegaanka iyo Wakiillada Somaliland in ay qaysanaayaan shirgudoonka wakiillada iyo Maayaradda Dalka, waxaase muuqata sida wasiirka arrimaha guddaha Maxamed Kaahin qiray in Magaalada Berbera  ay xukuumaddu ka qabto wer-wer weyn, iyadoo aannay cadayn waxa kasoo bixi doona shirka gollaha deegaanka ee Berbera ka dhacaya maalinta beri 15, Jun 2021.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

 

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com