Masuuliyiinta Bangiga Caalamiga Ah Ee IBS, Oo Sheegay inay Soo Kordhiyeen Qorshayaal Cusub Iyo Adeegyo Casri Ah

 

#Araweelo_News_Network.

Hargeysa(ANN)-Bangiga Caalamiga ah ee IBS, ayaa laga daah-furay Somaliland, iyadoo munaasibad balaadhan oo xadhiga lagaga jarayay lagu qabtay Magaalada Hargeysa.

ALT: Araweelo News "IBS Bank"

Ka qaybgalayaasha Munaasibadda lagu daaf0furay Bangiga Caalamiga ah ee IBS,Hargeysa 13 Jun 2023, Image Araweelo News Network.

Munaasibadda daah-furka, waxa kasoo qaybgalay Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan Ismaaciil Saylici, Guddoomiyaha Baanka Somaliland, Cali Cabdullaahi, Guddoomiyaha IBS ee Somaliland, Cabdikariim Muruq-liqe, Guddoomiye ku xigeenka Bangiga IBS, Cabdirisaaq Warsame, masuuliyiin xukuumadda ka socotay, shirkaddaha gaarka loo leeyahay iyo marti sharaf kale.

ALt: Araweelo News "IBS Bank"

Ka qaybgalayaasha Munaasibadda lagu daaf-furay Bangiga Caalamiga ah ee IBS,Hargeysa 13 Jun 2023, Image Araweelo News Network.

Guddoomiyaha Bangiga IBS, ee Somaliland, Cabdikariim Muquq-liqe, ayaa furitaanka munaasibadda ka sheegay in Bangigani yahay mid la wada leeyahay, isla markaana lagacta IBS laga qaato dhammaan Bangiyada Somaliland, wuxuuna sheegay in Banigagu muddo sannad ah kasoo shaqaynayay Somaliland, sidoo kalena uu yahay Bangi hormood u  ah sidii Bangiyada ka jira Somaliland u wada shaqayn lahaayeen.

ALt: "Araweelo News Network "IBS"

Guddoomiyaha IBS ee Somaliland Cabdikariim Muruqliqe oo ka hadlaya Munaasibadda lagu daaf-furay Bangiga Caalamiga ah ee IBS,Hargeysa 13 Jun 2023, Image Araweelo News Network.

Mr. Cabdikariim, wuxuu sheegay in Bangigu shaqo-abuur u samayn doono dhalinyarada jaamacaddaha  kasoo baxa, isla markaana ay samayn doonaan maalgelin iyo in shaqooyin ay soo kordhiyaan.

ALt: "IBS Bank Araweelo News"

Guddoomiye ku xigeenka Bangiga IBS, Cabdirisaaq Warsame oo ka hadlaya Munaasibadda lagu daaf-furay Bangiga Caalamiga ah ee IBS,Hargeysa 13 Jun 2023, Image Araweelo News Network.

Guddoomiye ku xigeenka Bangiga IBS, Cabdirisaaq Warsame oo munaasibadda ka hadlay ayaa dhankiisa ka hadlay adeegyada ay soo kordhiyeen ee aan hore uga jirin Somaliland iyo Soomaaliya, iyadoo kaadhadhka Bangiga IBS uu yahay mid caalamka lala mari karo.

IBS, ayaa noqday Bangi soo bandhigay adeegyo cusub oo si weyn Bulshadu ugu baahnayd, iyadoo dhammaan masuuliyiinta ka kadlay munaadibadda daah-furka u muujiyeen dareen soo dhowayn ah, iyagoo tilmaamay inuu kaalin weyn ka geysanayo shaqa-abuurka, maalgelinta iyo adeegyada kale ee dhanka ganacsiga.

 

Muuqaalkan Ka Daawo.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/ 

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com