“Innaga oo Is Neceb  ma wada joogi karo, waa innaynu wada joognaa innagoo is jecel,” Madaxweynihii Hore Daahir Rayaale

 

#Araweelo_News_Network.

Hargeysa(ANN)-Madaxweynihii hore ee Somaliland, Daahir Rayaale, ayaa ka dayriyay dhawaaqyada warbaahinta aan saxda ahayn laysu marinayo , taas oo uu sheegay innay qaranka u horseedi karto dhibaato iyo burbur.

Madaxweynihii hore ee Somaliland, wuxuu arrimahaa iyo kuwo kale oo la xidhiidha xaalladda dalka ka sheegay kulan ballaadhan oo dalka London lagu maamuusay, isagoo tilmaamay in Nidaamka Axsaabta loo sameeyay in lagaga baxao qabyaalada , sidaa awgeed, wuxuu sheegay in siyaasiyiintu aannay dadka u adeegsan qabyaalad iyo innay kala qaybiyaan Bulshada.

“Xisbiyadii qabyaalad bay inala galeen, waxaan leeyahay Xisbiyada  halagu soo celiyo innay noqdaan kuwo qaran dadka ku hoggaamiya, qurba joogana waxaan leeyahay dadlka waxbaa ka dhisteen, laakiin beryahan danbe waxay qurba joogu noqdeen meesha ay kasoo burqanay qabyaalada iyo cunfigu , waxay ahayd inaad ilbaxnimo noo keentaan.” Ayuu yidhi, Daahir Rayaale.

Mar uu ka hadlay waxyaabaha la baahinyao, wuxuu yidhi, “Maanta ma odhan karo waxan warbaahin (Media maanta) waxan ku sheego garanmaayo, waxa ka burqanaya ceeb, cay, karaahiyo, nacayb ilaa aynu taa joojino kob caleenle kasoo durudurin mayno.”

“Markii aan Madaxweynaha ahaa waxaan odhan jiray, “Dhiigiina haygu daadinina qabyaalad” maanta waxaynu gaadhnay innay qoryo isu qaadano,  waar fidnadan hadaynaan qaban hadhow masoo dabaali karo oo waxay gaadhaysaa meel aynaan kasoo qaban karin.” Ayuu yidhi, Madaxweynihii hore ee Somaliland, Daahir Rayaale Kaahin.

Dhinaca kale, Madaxeynihii hore Rayaale, wuxuu si gaar ah farriin ugu diray qurba jooga reer Awdal, kuwaas  oo qaarkood dhaqdhaqaayo ka dhan ah qaranimada Somaliland , nabada iyo xasiloonida ka wada dibbadaha.

“Magacyo baddan oo “Awdal State, Awdal Land” iyo magacyo kale ayay kasii daayaan meelahaa, waar Awdal 1991, waqtigii ugu adkaa ayay tashatay oo ku tashatay innay Somaliland dhismaheeda ka qayb qaadato, derejadii ugu saraysay ayay ka gaadheen Somaliland, Madaxweynihii ugu horeeyay ee la doortay ilaa lixdankii 1960, reer Awdal ayuu ahaa oo anniguu ahaa. Waxaan leeyahay hadaad wax keenaysaan keena wax horumar ah oo dalka wax tara, lama kala guurayo ilaa maalinta suurta la afuufayo mana kala guurayno.” Ayuu yidhi.

“Innaga oo Is Neceb  ma wada joogi karo, waa innaynu wada joognaa innagoo is jecel, doorashaeenu waa taas,, waxaana looga baahanyahay cid walba oo xilka qabata in caddaalad iyo xaqsoor dadku helaan, haddii kale “Rag cadaalad waayaa sidii cawsha kala yaacye” Annigu markaan xilka hayay mucaaradkaan uga badiyay reer Awdal, nacaybkana ha la joojiyo si aynu himiladeena u hirgelino,”

Mar uu ka hadlay dadka kasoo jeeda Somaliland ee xilalka u doonta Muqdisho, wuxuu sheegay in aannay wax ba u dhimayn qadiyada Somaliland iyo jiritaanka nidaamka dawladnimo oo ay ugu danbaynta marka shaqadu ka dhammaato cafis soo dalbadaan.

Muuqaalkan Ka Daawo Dardaaranka Daahir Rayaale.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com