“#Baaqa #Garaaddada waxa Loogu #Walqalay Xabadda iyo #Dagaalka Ka Dhacday #Laascaanood” Wasiir Maxamed #Kaahin

#Araweelo_News_Network. Laascaanood(ANN)-Xaaladda Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, ayaa isku beddeshay goob dagaal, kaddib markii saaka Waaberigii uu ka bilaabmay dagaal.

Dagaalka ayaa bilaabmay markii uu soo baxay Bayaan muddo todobaadyo ah laga sugayay Garaadada ku shirsanaa xarunta gobolka Sool, kuwaas oo ugu danbayntii soo saaray xilli danbe oo hebeenimo ah.

jawiga magaalada oo yool-yool iyo deganaansho la’aan ka muuqatay saacadihii ugu danbeeyay, kaddib markii maalinimadii ay Garaadadu sheegeen in ay saacaddaha soo soocda soo saarayaan mawqifka Bayaankooda kasoo baxay shirka u socday maalmihii lasoo dhaafay, kaas oo ay muuqatay in natiijadiisu horseedayso dagaal iyo collaad ka bilaabanta Magaalada oo muddooyinkii u danbeeyay dadku ka qaxayeen, isla markaana ay maalinba maalinta ka danbaysa sii xumaanaysay xasiloonida Magaaladu.

Wasiirka Arrimaha Guddaha Somaliland, Maxamed Kaahin maanta goor sii horaysay warbaahinta kula hadlay Magaalada Laascaanood, ayaa sheegay in “Bayaanka Garaadada loogu walqalay Dhiig iyo collaadii ay horeba ugu baaqayeen.” Wasiir Maxamed Kaahin, wuxuu sheegay inkasta oo ay dedaal iyo juhdi badan geliyeen inay la kulmaan Garaadada aannay suurta gelin, isagoo si gaar ah u tilmaamay in Guddoomiyaha Gollaha Wakiillada Cabdirisaaq Khaaliif oo dedaal baddan sameeyay isla markaana qaaday dalabkooda kualnka Garaadada ay si cad u diideen kulankaa, balse wuxuu xusay inay jireen kulan ay la yeesheen Guddida 33-ka ka kooban, kuwaas oo iyana aannay meel mar noqon wixii ay ku balameen, laakiin wuxuu sheegay inay jireen ergooyin ku dhexjiray arrinta iyo dad waayeel ah, wallow aannay waxba kasoo bixin dedaalkaa.

“Dedaal baddan waxa sameeyay oo guddida dhawr jeer la kulmay Garaadadana mar la kulmay Guddoomiyaha Wakiillada Cabdirisaaq Khaliif, balse umay suurtagelin inuu mar kale la kulmo. Isimadu ugu danbeyntii waxay shalay (Axaddii), ku dhawaaqeen inay soo saarayaan go’aan, maanta oo Isniin ah, horena waxay ugu baaqeen in dagaal la samaynayo, waxaana fadhigii ay saaka yeelan lahaayeen kasoo hormaray in shantii subaxnimo 5:30 ay ciidan hubaysan oo Tigniko iyo Hoobiyaal wataa ay weerareen saldhig ciidamada Qaranka ah, wayna iska caabiyeen ciidanku ee weerar may qaadin iyagu, waxa ilaa xilligan aan idinla hadlayo dagaalka iyo weerarka wada waa ciidamadii ay Garaadadu soo abaabuleen.” ayuu yidhi. Kaahin.

Wasiirka Arrimaha Guddaha Somaliland, Maxamed Kaahin ma sheegin khasaaraha ka dhashay dagaalka, isagoo dhinaca kale, xusay in warbaahinta laga arkayay Garaad Jaamac Garaad Cali oo leh “ka Kacaay Dagaalama” iyo Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil oo leh “nabada hala ilaaliyo” ayuu yidhi.

Dhinaca kale, Wasiir Kaahin, wuxuu sheegay in Garaadada qaarkood aannay joogin goobta lagu soo saaray qaraarka, sidoo kale wuxuu xusay in aannay u dhamayn Garaadadu, isla markaana aan laga soo saarin goobtii shirku ka socday, waxa kale oo uu xusay in Garaadada qaarkood shalay ka baxeen Magaalada, halka kuwo kale ay doonayaan inay isla maanta (Isniinta) ka baxaan Magaalada. laakiin wuxuu carabka ku adkeeyay in dagaalka ka bilaabmay Laascaanood uu yahay kii ay horeba ugu baaqayeen Garaadadu.  “Nasiibdaro Baaqaa waxa walqal iyo duca looga dhigay xabadda saaka ka dhacday Laascaanood

https://www.youtube.com/watch?v=KBI6GFSxFts&t=310s https://www.youtube.com/watch?v=KBI6GFSxFts&t=310s

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network. Published by  Araweelo News Network. Follow us on Twitter@Araweelonews Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews Follow us on /instagram@araweelonews Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews Follow us on /araweelonews.tumblr.com https://mursaljamasspace.quora.com/ YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv @araweelonews / Araweelo News Network. www.araweelonews.com www.araweelonews.net www.araweelonews.com/archi/  By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist. info@araweelonews.com