“Shacabka iyo Beesha Caalamkaba waxa lagu  war-gelinayaa inuu Qaranka Somaliland dagaal kula jiro kooxo argagixiso caalami ah” Bayaanka Xukuumadda.

#Araweelo_News_Network.
Hargeysa(ANN)-Fadhi deg-deg ah oo ay yeesheen Gollaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo galabta ka qabsoomay Qasriga Madaxtooyada, ayaa laga soo saaray go’aamo khuseeya arrinta Laascaanood.
shirkan oo uu shir-gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinayeen Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdullaahi Ismaaciil (Saylici), waxa lagu sheegay in ujeedadiisu ahayd qiimaynta xaaladda ka taagan Laascaanood.
Dood iyo falan-qayn dheer ka dib waxa shirka ka soo baxay go’aamaddan:-
1. Goluhu waxa uu u cadaynayaa Bulshada Jamhuuriyadda Somaliland iyo Beesha Caalamkaba inuu u taagan yahay Nabad. Sidaa awgeed waxa uu diyaar u yahay Qaranka Somaliland in lagu dhammeeyo xaaladda Laascaanood ka taagan wada-hadal iyo is-afgarad.

2. Goluhu wuxuu go’aamiyey in dadkii ku barakacay dhibaatadaasi loo fidiyo gargaar degdeg ah, waxaanu goluhu beesha caalamka ugu baaqay in ay gargaar kaasi qayb weyn ka qaataan.
3. Golluhu waxa uu Shacabka iyo Beesha Caalamkaba ku war-gelinayaa inuu Qaranka Somaliland dagaal kula jiro kooxo argagixiso caalami ah oo in muddo falal amni daro ka maleegayey gudaha Laascaanood.
4. Goluhu waxa uu ku dheeraaday in shaqaaqada Laascaanood ka bilaabantay ay saamayn ku yeelanayso degenaanshaha Mandaqada Geeska Afrika iyo Caalamkaba, sidaa darteed ay u baahan tahay in layska kaashado.

5. Gollaha Wasiirradu wuxuu ugu baaqayaa madax-dhaqameedka, haldoorka, culimada, ganacsatada, dhalinyarada iyo haweenka Magaalada Laascaanood iyo cidkasta oo danaynaysa nabadgelyada iyo daganaanshaha Laascaanood in ay qayb ka qaataan sidii magaalada nabad loogu soo dabaali lahaa.

6. Goluhu waxa uu boggaadinayaa sidii ay Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland uga hortageen weerarkii gaadmada ahaa ee lagu soo qaaday hiirtii hore ee saaka.

7. Ugu damabayn golluhu waxa uu go’aamiyey in gacan adag lagu qabto cidkasta oo hubaysan oo khal-khal iyo falal nabadgelyo darro ka wada Magaalada Laascaanood.

ALLAA MAHAD LEH
Naasir Yuusuf Daahir
Agaasimaha Saxaafadda iyo Warbaahinta Madaxtooyada JSL.