Araweelo News Network.

 

Maxaa Ku Ajburay Madaxweynaha Inuu Guddoomiyhii Iyo Agaasimhii Baanka Mar keliya Is Raaciyo.?

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa maanta soo saaray wareegtooyin uu  xil ka qaadis iyo magcaabis ku sameeyay qaar ka mid a masuuliyiinta xukuumadda, taas oo noqonay masuuliyiintii ugu badnayd ee Madaxweyne xil ka qaadis, isku shaandhayn iyo magcaabis ee uu sameeyo tan markii uu ku guulaystay doorashadii Madaxtooyadda Nov 2017.

Wareegtooyinka Madaxweyne Biixi maanta soo saaray ayaa noqonaya markii labaaad muddo tobban maalmood ah, wuxuuna maanta xilalkii ay hayeen ka qaaday shan masuul oo isugu jira guddoomiyayaasha gobollada Sanaag, Hawd iyo saddex masuul oo kale oo uu ku jiro Agaasimihii Guud ee Hore ee Baanka Dhexe Axmed Xasan Cabdi Carwo, sidoo kale Madaxweyne Biixi ayaa magcaabay sagaal masuul oo kale.

“Sida aad la socotaan, xilka Qaranka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo, oo hadba loo igmado ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilkii aad hore ugu hayseen Qaranka,” ayuu ku yidhi, Madaxweyne Biixi qoraalka xilka qaadista iyo magcaabista ee kasoo baxay xafiskiisa manta oo Sabti ah.

Hase yeeshee Madaxweyne Biixi oo maalmo ka hor wareegtooyin xil ka qaadis magcaabis iyo isku bedel uu ku sameeyay masuuliyiinta xukuumadda, wuxuu xilka kaga qaaday Guddoomiyihii hore ee Baanka Dhexe Cali Ibraahim Baqdaadi, isagoo xilkaa u magcaabay masuul kale, balse wareegtada uu maanta soo saaray Madaxweyne Biixi ayuu sidoo kale xilka kaga qaaday Agaasimihii Guud ee Hore ee Baanka Dhexe Axmed Xasan Cabdi Carwo.

Laxidhiidha: Madaxweyne Biixi Oo Magcaabis Iyo Xil Ka Qaadis Ku Sameeyay Masuuliyiin

Agaasimaha xilka laga qaaday, ayaa saacado kaddib markii ay soo baxday wareegtada Madaxweynuhu farriin uu ku qoray bartiisa Twitter ku sheegay inuu qaliin lagu sameeyay kaddib dalka Imaaraadka u tegey xaalad caafimaad, sidaa awgeed wuxuu ka codsaday bulshada Somaliland in ay usoo duceeyaan.

Qalliin baa laygu sameeyey Hargeysa, imikana Dubai ayaa lagu daaweynayaa si fiican baan u bogsanayaa waxaanan u baahanahay ducadaadiina. Allah ha i siiyo caafimaad degdeg ah oo dhammaystiran.” Ayuu ku yidhi, farriinta Agaasimihii Guud ee Baanka Dhexe ee Somaliland ku qoray bartiisa Twitter.

Dad badan ayaa su’aalo iyo doodo iska weydiiyay sababta Madaxweyne Biixi uu mar keliya Guddoomiyihii iyo Agaasimihii Baanka Dhexe xilka uga wada qaaday xilligan iyo sababaha keenay in lama masuul oo cusub loo magcaabo hay’ad miisaankaa leh oo xaasaasi ah,

Balse waxa mar kale doodo iyo su’aalo ka dhasheen sababta Agaasimaha Guud ee Baanka Dhexe oo weliba ahaaa haldoorkii Somaliland iyo aasaasayaashii Xisbiga KULMIYE, isla markaana ah aqoonyahan si weyn loo ixtiramo Madaxweyne Biixi xilka uga qaaday isagoo ku jira xaalad caafimaad, wallow aan murran ka taagnayn in Madaxweynuhu leeyahay awoodda magcaabista iyo xil ka qaadista masuuliyiinta hay’addaha dawladda iyo isku bedelka oo dastuurku awood u siiyay xilliga iyo goorta uu doono inuu sameeyo, laakiin waxay doodaha iyo su’aalaha ka dhashay arrimahan noqdeen kuwo bulshadu su’aalo ka keentay, iyagoo is weydiinaya sababta Madaxweynaha ku ajburtay in labada masuulba uu xilka ka wada qaado muddo tobban maalmood gudohood ah, iyadoo weliba Agaasimaha guud ee Baanka Dhexe xilligan ku jiray xaalada caafimaad oo dalka dibeddiisa ugu maqnaa, waxaase suurtagal ah iyo jawaabaha su’aalahaasi soo baxaan maalmaha soo socda.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews Facebook@AraweeloNews instagram@araweelonews By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist. info@araweelonews.com