Maxay Ka YidhaahdeenDablayda Qafaalatay Gaadiid Ay Leedahay Hay’adda Hello Trust

#Araweelo_News_Network.

 

Hargeysa(ANN)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in ay go’aansadeen labada Xisbi WADDANI iyo UCID aannay aqbalin dalabka Madaxweyne Biixi ee ahaa in kulan lagaga hadlayo xaalladda dalka iyo arrimaha murrugsan ee doorashooyinka maanta oo Arbaca ahayd laysigu yimaado Madaxtooyadda.

Hase yeeshee guddoomiyaha UCID, Eng. Faysal, wuxuu sheegay in markii ay wax iska weydiiyeen qoraalka Madaxweynuhu kaga dalbaday inay la kulmaan labada Xisbi go’aansadeen in aannay aqbalin, isagoo yidhi, “waxay ahayd tiiq-tiiqsi, sababtoo ah waad ogaysdeen wuxuu soo saaray (muddaynta Doorashooyinka), ma jirto cid muddaysa doorasho aan xeerkeedii diyaar ahayn ayuu yidhi.

Guddoomiyaha UCID, wuxuu yidhi, “Ma jirto doorasho ka dhacaysaa dalka, ficilka iyo sharciga sharcigaa horeeya” ayuu yidhi, guddoomiye Faysal, wuxuuna ugu baaqay bulshada inay tashadaan, isagoo carabka ku adkeeyay in aannay dalka ka dhacayn doorasho aan laysla ogolayn.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in haddii la wadatashan waayo la kala tashanayo, isagoo yidhi, “Haddii la qabanwaayo Muuse, waa la kala tashanaaya yaan hadhow la odhan caala geel laayay, waar dalka waa in la badbaadiyaa.”

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Xisbiga UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa ka hadlay dablay laba gaadhi oo ay lahayd Hay’adda miinada ee Hello Turst lahayd afduubay, kuwaas oo toddobaadyadii u danbeeyay isku urursanayay Buurta Gacan-Libaax ee dhinaca Bariga Hargeysa.

Guddoomiye Faysal, wuxuu dhacdadaa ku tilmaamay mid ka dhalatay khilaafka siyaasadeed oo marar hore uu ka digay, sida uu sheegay, sidaa awgeed wuxuu ku baaqay in xaaladda dalka loo gurmado oo laga badbaadiyo burbur..

.Xisbiga Mucaaradka ee WADDANI, ayaa dhankiisa sheegay innay canbaaraynayaan falka Dablayda ku sugan Buurta Gacan-libaax ee Bariga Magaalada Hargeysa, gaar ahaan deegaanka Cadaadley ay  saaka ku weerartay tuulada Daba-gorayaale oo ka tirsan deegaanka dhinaca hawdka ee u dhow xadka Somaliland iyo dawlad deegaanka Soomaalida Ethiopia, waxayna sheegeen inay canbaaraynaayan falkaa oo ahaa mid amnidaro ah, sidaana waxa warbaahinta u sheegay Cabdullaahi Geel-jire oo ka mid ah saraakiisha Xisbiga WADDANI.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/ 

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com