#Araweelo_News_Network.

 

“Bannaanbaxyo iyo Dumar Shaashaddaha Ka Hanjabaa Wixii Dhacay Maydhimaayaan” Xisbiga WADDANI

Hargeysa(ANN)-Xisbiga Mucaaradka ee WADDANI, ayaa ku eeddeeyay Madaxweyne Biixi inuu adhaxda ka jebiyay ciidanka Qaranka Somaliland, isla markaana sabab u ahaa wixii dhacay, sidaa awgeed loo baahanyahay in gollaha wakiiladdu di degdeg ah ugu saaro guddi baadhis ku samaysa oo madaxbanaan.

Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga Mucaaraadka ee WADDANI, Maxamuud Aadan Jaamac (Galaal) oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in aannay dunida ka dhicin eeddaysane isagu baadha, sidaa awgeed loo baahanyahay in wixii dhacay guddi gollaha wakiilladda ah ay baadhaan.

“Madaxweynuhu isagaa wixii dhacay eeddaysane ku ah, isagay fartu ku godantahay, aduunka meelna laguma arag, eeddaysane isagu is baadha, mana aha wax la aqbali karo in Madaxweynuhu magcaabo guddi xukuumaddiisa ah oo wixii dhacay baadhaya,” ayuu yidhi, Galaal, wuxuuna si addag u xusay in aannay arrintaasi ahayn mid shacbiga Somaliland aqbalayaan oo kalsooni siinay, isagoo xusay innay soo jeediyaan in guddida waxa dhacay baadhaysa ay ku jiraan Saraakiishii hore ee Millateriga, Dad aqoonyahan ah, Xildhibaano mucaarad iyo muxaafid ah oo aannay ku jirin masuuliyiin xukuumadda hay’adda fulinta ka mid ah.

Sidoo kale, wuxuu ka hadlay go’aamada ay arrintii khilaafka kasoo saareen, isagoo dhinaca kalena ka hadlay maxaabiista lagu hayo Laascaanood oo warar naxdin leh iyo muuqaalo aan wanaagsanayn laga soo tebiyo, kuwaas oo la wareejinayo baraha bulshada.

 Muuqaalkan Ka Daawo

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/ 

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com