“Ethiopia Waxaan U Sheegnay In Arrinta Laascaanood Tahay Mid Somaliland Gudeheeda Ah, Laakiin ” Madaxweyne Biixi

#Araweelo_News_Network.

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka hadlay mawqifka xukuumaddiisa ee dedaalada la doonayo in lagu damiyo collaada Magaalada Laascaanood.

Madaxweyne Biixi oo maanta ka hadlayay munaasibad lagu soo bandhigay qorshaha hrumarinta qaranka ee saddexaad (National Development Plan 2023 – 2027), ayaa ka hadlay mawqifka xukuumadda ee dedaalada dhexdhexaadinta arrinta Laascaanood oo dawladda Ethiopia isaga dab qaadasay todobaadyadii lasoo dhaafay dhinaca xukuumadda iyo Garaaddada gobolka Sool.

Madaxweyne Biixi, wuxuu si cad khudbadiisa ugu sheegay in mushkiladda Laascaanood oo ah mid xagganaysa qof walba oo muwaadin ah xukuumad ahaan diyaar u yihiin in lagu dhammeeyo wadahadal, isagoo masiibada collaada hurisay ku tilmaamay kooxo sida uu hore u sheegay Argagixiso ah oo dilalka Laascaanood masuul ka ahaa, kuwaas oo sida uu sheegay doonayay inay iska horkeenaan shacbiga gobolka Sool iyo Xukuumadda Somaliland.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in dad kale dhaqaale ku bixinayaan sidii loo sii wadi lahaa collaada, balse xukuumad ahaan ay mar walba diyaar u yihiin in arrinta nabad lagu soo dabaalo, isla markaana wixii ay shacbiga gobolka Sool ka tirsanayaan xukuumadda ay diyaar u yihiin inay ka garaabaan.

“Maanta Mudanaanta waxaynu siinaynaa oo inoo taal dhibaatada Sool ee Laascaanood, waana dhibaato aynaan filayn oo dad innagaga dhintay, dhaawacmay khasaare baddan gaadhay, maanta qof walba oo Somaliland ah, wuxuu ku fekerayaa dhibaatadaa sidii loo xalin lahaa.” ayuu yidhi, Madaxweyne Biixi, isagoo intaa ku daray in marar baddan uu halkan ka sheegay xabbad-joojin, balse aan Allah qadarin.

“Maanta sansaankii nabaddu wuu muuqdaa, wayna naga go’antahay xukuumad ahaan in arrinta Laascaanood nabad lagu dhammeeyo oo nabada loo dhega-nuglaado si aynu inta nool ugu talino.” ayuu yidhi.

Madaxweyne Biixi oo ka hadlayay aragtida xukuumadda ee xalka Laascaanood, wuxuu yidhi, “Waa dad Somaliland oo wax ka tirsanaya dawladda, waxay u baahan yihiin in la dheggaysto, loo fadhiisto, dawlad ahaan diyaar ayaan u nahay in wixii ka qaloocan laga saxo, wuxuu ku khaldan laysaga garaabo iyaguna wixii ka khaldan ka garaabaan, waana waxaynu dhammaysan karo haddaynu nahay Somaliland.” ayuu yidhi, isagoo tusaale usoo qaatay in dhacdooyin sidan oo kale ahi soo mareen Somaliland oo ay iyadu dhammaysatay, wuxuuna ka digay faragelinta dawlad goboleedka Soomaaliya ee Puntland, iyagoo adeegsanaya hab qabali ah, kaas oo Madaxweyne Biixi sheegay inuu khatar ku yahay nidaamka Afrika. sidaa awgeed wuxuu uga digay inay arrimaha Sool faraha kala baaxan.

Mar uu ka hadlayay dedaalka Ethiopia, wuxuu sheegay inay dawladda Ethiopia ka codsatay xukuumadda Somaliland inay nabada wax kala qabato marka laga hadlayo arrinta Laascaanood, isla markaana xukuumad ahaan ay soo dhoweeyeen oo ay diyaar u yihiin cid walba oo nabada wax kala qabanay.

Madaxweyne Biixi oo ka hadlayay mawqifka xukuumaddiisa ee dedaalka Ethiopia iyo sida ay xukuumadda uu hoggaaminayaa doonayso in arrintaa loo dhammeeyo, wuxuu yidhi, “Laakiin qaabka lagu dhisayo arrinta nabada waa inay marka hore ahaataa inay arrintu tahay mid Somaliland dhexdeeda ah, maanta cidda u hadlaysa Sool waa Garaaddada diyaar ayaanu u nahay fagaaraha ay doonayaan iyo cidday doonayaan innaanu kula hadalo, waxaana diyaar u ah arrintaa inay xalkeeda keenaan madax-dhaqameedkii Somaliland oo annay ku jirin Sool, iyagaana iga wakiil ah, waxaana rajaynayaa inay xalkeeda keeni doonaan, ayuu yidhi, Madaxweyne Biixi.

Muuqaalkan Ka Daawo.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/ 

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com