Araweelo News Network.

 

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa ku amaanay markii u horaysay axsaabta mucaaradka doorka lexejeclada ah ee ay dalka kaga jiraan horumarkiisa iyo nidaamka geedi socodka doorashooyinka.

Sidoo kale, wuxuu qiray guushii axsaabta mucaaradka ee doorashooyinkii isku sidkanaa ee 31 May 2021, kuwaas oo loogu awood sheegtay xisbul xaakimka uu guddoomiyaha ka yahay ee KULMIYE,  balse Madaxweyne Biixi wuxuu xilligan Xisbiyada mucaaridka iyo madaxdooda ku amaanay doorka ay ka qaateen hannaanka doorashooyinka dalka.

Madaxweyne Bixii, ayaa xusay sida ay axsaabta mucaaradku tallada dalka ugu yeesheen door muhiim ah, wuxuuna sidaa ka sheegay mar uu maanta ka qeyb-galay Xaflada Qalin-jabinta  dufcadii 18aad ee Jaamacada Hagreysa  oo ay ka qalin-jabiyeen 1,157-Arday kuwaasi oo dhamaystay kulliyadaha kala duwan ee Jaamacadda Hargeisa University.

 

Hase yeeshee Madaxweyne oo hanbalayeeyay Ardayda dhammaysatay Jaamacadda, wuxuu yidhi, “Walaalayaal in shaqo la helo in caafimaad la helo  in horumar la helo waxay ku xidhan tahay in talo wanaagsan la helo, talada wanaagsan ee maanta Somaliland maraysaa, sannadka u danbeeyey guulaha Somaliland ay gaadhay waxa ka mid ah inay maanta halkan wada joogaan oo ay tartan galaan oo ay kala badiyaan oo ay haddana is hambalyeeyaan, Axsaabta Somaliland iyo madaxdoodu iyagoo walaalo ah oo midaysan oo dalka hoggaaminaya, in badan oo jaarkeena ah ama Geeska Africa ah ayaan taa haysan murcaarad iyo muxaafid waa wada Somaliland”.

 

Dhinaca kale, Madaxweyne Biixi, wuxuu ka hadlay xafiiltanka siyaasada ee inta badan fagaarayaasha siyaasada lagu arko, isagoo yidhi, “Dhammaanteena waxaa laga rabaa gaar ahaan da’ayarta in aanay marmarka qaarkood xafiiltanka siyaasada ku qaldamin ee yoolkeenu ahaado Somaliland oo mid ah, horumarta, walaalnimo oo aan kala qoqobnayn, haddaad taariikhda dib u raacdo Somaliland markasta oo marxalad adagi ku timaado Ilaahay wuxuu waafajiyaa talada toosan”.

 

Madaxweyne Biixi oo ka hadlayay doorka Xisbiyada mucaaridka iyo madaxdooda hannaanka doorasho ay galleen iyo lexejecladooda, ayaa yidhi, “Waxaan aad iyo aad ugu mahad naqayaa Xisbiyada mucaaridka iyo madaxdooda, mucaaridku markasta wuxuu tirsanayaa in aanu waxba haynin in la riixayo in la gacan bidixaynayo, waxaan aad ugu mahad naqayaa inay soo adkaysteen, doorashadii aqbaleen oo ay soo galeen waliba ay guulo gaadheen oo xilkii nala wadaagaan oo ay qeybtooda hayaan oo aan leeyahay waxaa laynaga wada rabaa intaad haysaana inay wanaag muujiso, wax ka fiican waxaanu hayno inaad keentaan baanu idinku dhiirinaynaa dalkana aan wada dhisno, sidaa ayaynu horumar ku gaadhi karnaa” ayuu yidhi, Madaxweyne Biixi.

 

 

Dhinaca kale, Madaxweyne Biixi, wuxuu ka hadlay arrinta Magaalada Muqdisho iyo kooxda sheegata mumateliinta Somaliland, wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi,  “Ragga jooga Xamar ee maalin walba yidhaahda Baarlamaankii Somaliland Xamar ba ku shiraaya waa nabar inagu yaalla, waa wax aan la qaadan Karin waa meel ka dhac, waxaan idinka doonayaa dhalinyarada maanta qalin-jabisay iyo kuwii ka horeeyey iyo kuwa ka danbeeya in marka qarannimada ciddi daan-daansato aad noqotaan ciidanka u horeeya ee maskax iyo maal iyo nafba u huraaya, waana sida ay Somaliland ku jiri kartaa.”ayuu yidhi, Madaxweyne Biixi.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews Facebook@AraweeloNews instagram@araweelonews By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist. info@araweelonews.com.