#Araweelo_News_Network.

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in aan laga werwerin xaalladda dalka, isagoo tilmaamay in aannay wax dhib ah oo dalka ka taagan jirin, sidaa awgeed aan la dhegeysan waxyaabaha laga wado Social Media.

Madaxweyne Biixi, wuxuu kaloo ka hadlay arrimaha Xisbiga KULMIYE, iyo doorashooyinka, wuxuuna arrimahaa iyo kuwo kale kaga hadlay munaasibad lagu soo bandhigay Buugga Madaxweynihii uu xilka kala wareegay Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo lagu qabtay caawa Huteelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa.

Sidoo kale, Madaxweyne Biixi, wuxuu ka waramay aqoonta uu Axmed Siilaanyo u leeyahay iyo qofka uu yahay, isagoo tilmaamamay wax baddan oo uu ka bartay muddo dheer oo halgan ay ku wada jireen ilaa xilligii uu Madaxweynaha ka ahaa Somaliland 2010 -2017.

Muuqaalkan ka Daawo Madaxweyne Biixi oo arrimahaa ka hadlaya.


Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com