#Araweelo_News_Network.

 

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa qaar ka mid ah shacabka ku dhaqan caasimadda Hargeysa, gaar ahaan masjid-jaamaca weyn kula tukaday salaadda ciidal-Adxa.

 

Madaxweynaha oo ay wehelinayaan guddoomiye ku xigeenka gollaha wakiillada, qaar ka mid ah taliyayaasha kala duwan ee ciidamada, xildhibaanno, xubno ka mid ah gollaha wasiirrada masuuliyiin kale.

 

Wasiirka wasaaradda Diinta iyo Aw qaafta Jamhuuriyadda Somaliland oo markii uu dadweynaha tujiyey khudbad kooban u jeediyey, ayaa Eebbe uga baryay inuu ka aqbalo Acmaasha wanaagsan, wuxuuna kula dardaarmay inay midnimo iyo isku-duubni mar walba muujiyaan.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa salaada kaddib khudbad kooban u jeediyay shacabka, wuxuuna ugu horrayn bulshada reer Somaliland ugu hambalyeeyay maalinta ciidda barakaysan ee Ciidal-Adxa, waxana uu ku adkeeyey inay ku dedaalaan caawinta iyo gacan-siinta inta baahan.

 

Sidoo kale, Madaxweynuhu wuxuu shacabka faray inay ku dedaalaan bixinta Sekedda oo ah shayga keliya ee bulshada lagaga saari karo faqriga iyo baahida taagan, isagoo yidhi,“Haddii sekedda la isu geeyo oo magaalo kastaaba xaafadaheedu sekedda isu geeyaan maalin walba tiro baddan baa laga saari lahaa faqriga oo adduun ay ku shaqaystaan loo samayn lahaa,” ayuu yidhi.

 

 

Sidaa awgeed “waxan leeyahay sekedda Ilaahay baa waajibiyey islaamkana waxa ay ka noqotay tiirka koowaad ee dadka faqriga ka saara, waxana aan ku talinayaa in dadku sekeda intay iska ururiyaan mar qoys faqriga lagaga saaro.”

 

Madaxweyne Biixi, ayaa salad Ciida kaddib, wuxuu qasriga madaxtooyada ku qaabilay qaybaha kala duwan ee shacabka Hargeysa qarkood oo munaasibadda Ciidal-Adxa  awgeed salaan ugu tegey.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/ 

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com