#Araweelo_News_Network.

 

Hargeysa(ANN)-Waxa soo baxayay saacadihii u danbeeyay warar sheegaya inuu xilkii iska casilay Taliyaha Booliska Jamhuuriyadda Somaliland, Sareeye Guuto Maxamed Dabagale, kaas oo is- casilaadiisa lala xidhiidhiyay khilaafka siyaasadeed ee dalka ka jira iyo arrimaha murranka doorashooyinka ee aan xalka loo helin.

Dhacdooyonkii u danbeeyay ee ka dhashay arrimahaa ayaa ahaa koox dablay ah oo Buurta Gacan-Libaax ee duleedka dhinaca Bari ee Magaalada Hargeysa isu urursaday, kuwaas oo maalintii doraad ay isku dhaceen Ciidanka Booliska, iyadoo isku dhacaasi keenay khasaare dhimmasho iyo dhaawac ah.

Labadii toddobaad ee u danbeeyay markii ay soo baxeen sheekooyinka la xidhiidha kooxda dablayda ah, waxa soo baxay warar aan si dhab ah loo xaqiijin oo sheegaya in Sareeye Guuto Maxamed Aadan Sanqadhi (Dabagale) uu jiray kulan hoose oo dhexmaray qaar ka mid ah Odayaal iyo shaqsiyaad kale oo hore uga tirsnaa dagaalyahankii SNM, isla markaana kasoo jeeda deegaanka ay dablaydu kasoo jeedaan.

In kasta oo aannay Shabakaddaha Araweelo News Network xaqiijin karin jiritaanka kulanka iyo arrimaha lagaga hadlay, balse wararka la xidhiidha ayaa sheegaya in uu ahaa mid ay si gaar ah ugula garnaqsadeen Taliyaha Sareeye Guuto Maxamed Dabagale, iyagoo ku cawday dhibaatooyinkii dhimashada iyo dhaawaca lahaa ee mudaharaadyadii ay sameeyeen labada Xisbi Mucaarad (WADDANI iyo UCID) August 2022, sidaa awgeed aannu xilligan dhexqaadin xiisaddaha siyaasadeed ee waqtigan taagan.

Xoogaha ayaa intaa ku daraya in Taliyaha ay kooxdaasi ku qancisay inuu sababo caafimaad uga baxo dalka, ama iska casilo xilka, balse aannu noqon mid hawlgalada xilligan loo adeegsado, Araweelo News ma xaqiijin karto in Taliye Dabagale ku qancay, wallow ay wararka aan la xaqiijin iyo xoggaha soo baxayay sheegayeen inuu soo jeedintaa ka garaabay oo madaxa u ruxay, iyadoo markaa kaddib Taliye Dabagale u anbabaxay dhinaca dalka Turkiga.

Sheekooyinka la xidhiidha arrimahaa waxa sii xoojiyay warar saacadihii u danbeeyay si weyn u hadal haysay Bulshadu, isla markaana sheegaya inTaliye  Sareeye Guuto Maxamed Dabagale xilka iska casilay, isla markaana is casilaadiisa sababo uga dhigay arrimo caafimaad, waxayna wararkani kusoo beegmeen laba maalmood kaddib markii dagaal ku dhexmaray Ciidanka Booliska iyo Kooxda Dablayda ah Buurta Gacan-Libaax ee duleedka Hargeysa iyo sidoo kale iyadoo aan muddo laba Toddobaad ku dhow lagu arag Taliyaha saaxadda, taas oo sii xoojisay wararka laysla dhexmarayo ee la xidhiidha is-casilaadiisa.

Markii ay soo baxeen wararka sheegaya inuu Taliye Dabagale iscasilay, waxaan xidhiidho la samaynay ila wareedyo kala duwan, kuwaas oo awoodi waayay innay xaqiijiyaan, ama si cad u beeniyaan, laakiin xidhiidh kale oo aannu la samaynay Taliska Guud ee Booliska ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay jiritaanka warka sheegaya is casilaada Taliyaha, wallow aanu faah-faahin dheeri ah ka bixin arrimahaa, isla markaana aannay xukuumaddu weli si cad uga jawaabin, balse waxaynu eegi doonaa saacaddaha soo socda sida ay xukuumaddu uga jawaabto.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/ 

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com