Araweelo News Network.

 

Hargeysa(ANN)-Maxkamadda Sare ee Jamhuriyadda Somaliland, ayaa gebi ahaanba laashay go’aanka xukuumadda ee Hay’adda Caymiska Qaranku si gaar ah ugu xidhay Shirkadda Caymiska ee Amaano adeega caymiska gaadiidka dekeda Berbera,

 

Maxkamadda, ayaa sidoo kale waxay ayiday go’aamo gaadiidka lagu farayo in ay caymiska qaataan, halka Wasaaradda Gaadiidka iyo Hay’adda Caymiska Qarankana la faray in ay dib-u-eegaan kharashaadka laga cawday ee culayska ku ah gaadiidka kasoo degaya dekedda Berbera.

 

Sidaa awgeed go’aanka Maxkamadda Sare oo ku taariikhaysan 18/09/2021,  waxay go’aan ka soo saartay dacwad Idaari ah oo ay u soo gudbiyeen Shirkaddaha Caymiska Geeska Afrika (Horn of Africa Insurance) iyo Shirkadaha Gaadiidleyda, kuwaasi oo ka cabanayay adeegyo loo xidhay shirkadda Caymiska ee Amaano (Amanah Insurance).Shirkada caymiska ee Geeska Afrika ayaa ka cabanaysay in adeega caymiska ee dekedda Berbera loo xidhay shirkada Amaano halka ay shirkadaha gaadiidleydu ka cabanayeen khidmada adeegyada caymiska ee shirkadaha caymiska iyo khidmadaha kale ee laga qaado.

Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland markay daristay cabashooyinka shirkada Caymiska Geeska Afrika (Horn of Africa Insurance iyo Shirkadaha Gaadiidleyda iyo jawaab celinta Hay’adda Caymiska Qaranka, waxa ay tirtirtay go’aan ay Hay’adda Caymiska Qaranku gaar ugu xidhay shirkadda Caymiska ee Amaano adeega caymiska gaadiidka ka soo dagaya dekeda Berbera iyo gaadiida galaya dekeda muddo sannad ah,

 

Sidoo kale Maxkamaddu, waxay ayiday go’aamo ay Hay’adda Caymiska Qaranku, ku fartay gaadiidleyda in ay qaataan caymiska maadaama shilalku ka mid yihiin waxyaabaha dhimashada badan dhaliya.

 

Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland si wadajir ah u fartay Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka JSL iyo Hay’adda Caymiska Qaranka JSL in ay dib-u-eegaan kharashaadka laga cawday ee culayska ku ah gaadiidka ka soo degaya dekedda Berbera ee kala ah:-

  1. Ganaaxa Basaska gurran.
  2. Badqabka gaadiidka (BBG).
  3. Qalabka dhimista xawaaraha gaadiidka (GPRS)
  4. Lacagta gaadiidka waaweyn lagaga qaado dekedda gudaheeda.

 

Go’aanka Maxkamadda Sare

 

  1. Waxay ay laashay oo ay tirtirtay go’aanka Hay’adda Caymiska Qaranka, kaas oo go’aaminayay in shirkadda Caymiska Amaano (Amanah Insurance) oo kaliya ay bixiso adeegga caymiska ee gaadiidka kasoo dagaya dekedda Berbera iyo gaadiidka galaya muddo sannad ah oo ka bilaabmaya 15/09/2021-14/09/2021.
Alt: Araweelo News Network

Dhismaha Maxkamadda Sare ee Somaliland, Image File Araweelo News Network.

  1. Waxay fartay Hay’adda Caymiska Qaranka JSL in ay shirkadaha kale ee caymiska ka shaqeeya ee haysta liisanka ay u ogolaato in ay bixiyaan caymiska gaadiidka kasoo degaya dekedda Berbera iyo kuwa gelayaba.

 

  1. Waxay ayiday oo ay dhaqangal ka dhigtay go’aamadda ka soo baxay Hay’adda Caymiska Qaranka JSL ee waajibinayay in caymiska gaadiidka la qaato, maadaama shilalka baabuurtu ay ka mid yihiin waxyaabaha dhimashada badan keena.
  2. Waxay faraysaa dhammaan shirkadaha gaadiidka kasoo dejiya dekedda Berbera iyo kuwa ka dhoofinaya iyo kuwa xuduudaha kale ka soo dejiya ama ka dhoofiya iyo sidoo kale shirkadaha ku shaqaysta gaadiidka dalka gudihiisa iyo dhammaan gaadiidleyda oo dhan in ay u hoggaansamaan dhammaan go’aannada ka soo baxay Hay’adda Caymiska Qaranka.
  3. Waxay go’aamisay in shirkadaha ka shaqeeya caymisku in ay u madax bannaanyihiin khidmaha adeegyada caymiska iyaga oo aan dhaafayn xadka khidmaddaha ee ugu hooseeya ama ugu sarreeya ee ay Hay’adda Caymiska Qaranku u goysay.
  4. Waxa la farayaa Hay’adda Caymiska Qaranka JSL in ay wareegtooyin ku soo saarto xadka ugu hooseeya iyo xadka ugu sareeya ee khidmahaddaha adeegyada caymiska gaadiidka kala duwan.
  5. Waxa si wadajir ah loo farayaa Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka JSL iyo Hay’adda Caymiska Qaranka JSL in ay dib u eegaan kharashaadka laga cawday ee culeyska ku ah gaadiidka kasoo degaya dekedda Berbera oo kala ah:-
  6. Ganaaxa basaska gurran
  7. Badqabka gaadiidka (BBG)
  8. Qalabka dhimista xawaaraha gaadiidka (GPRS)
  9. Lacagta gaadiidka waaweyn lagaga qaado dekedda gudaheeda.
  10. Go’aankan waxa loo cuskaday qodobada 11, 97, 98 ee Dastuurka JSL iyo qodobada 10, 259 XHM iyo qodobada 7aad, faqradiisa 1aad, 3aad, 6aad 10aad iyo qodobka 16aad, faqradiisa 8aad ee Xeerka Caymiska Qaranka Xeer Lr 92/2021.
  11. Go’aankani waxa uu soo baxay maanta oo ay taariikhdu tahay 18/09/2021.ayaa lagu yidhi qoraalka Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Guddida Garsoorka ee soo saaray Go’aanka

 

  1. Aadam Xaaji Cali Axmed guddoomiye
  2. Maxamed Cumar Geelle Xubin
  3. Cabdiraxmaan Xasan Nuur Xubin

Oo ay kaalinaysay kaaliyaha Maxkamadda Sare Sahra Ismaaciil Cabdilaahi

Wa bilaahi Tawfiiq.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews Facebook@AraweeloNews instagram@araweelonews By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist. info@araweelonews.com.