#Araweelo_News_Network.

 

Hargeysa(ANN)-Munaasibad ballaadhan oo si weyn loo muuneeyay ayaa lagu xusay maalinta dhalashada rasuulkii suubaana Maxamed ibn cabdulle oo ku beegan 12 Rabiical Awal ee taariikhda Miilaadiga Islaamka, taas oo sannad walba si weyn looga xuso Somaliland.

Munaasibada xuska waxa ka qaybgalay masuuliyiin uu ugu horeeyo Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan Ismaaciil Saylici, Guddoomiye ku xigeenkii hore ee gollaha wakiillada Sh. Axmed Yaasiin Sh. Cali Ayaale, Culimo waaweyn oo qadiriya ah iyo boqolaal qof oo isugu jira qaybaha kala duwan ee Bulshada.

ALt: Araweelo News

Xuska Dhalashada Ruuskii Suubanaa Nebi Maxamed NNKH,ee ku beegan 12 Rabiical Awal 1445 Hijriyada oo ku beegantay 27 Sep 2023, oo Hargeysa si weyn loo xusay, Image Araweelo News Network.

Huteelka Guuleed ee Magaalada Hargeysa, ayaa lagu qabtay munaasibada, waxaana lagaga hadlay muhiimada ay leedahay maalintan iyo qiimaha ay ku fadhido, waxaana lagu soo bandhigay taariikhda Rasuulka NNKH, iyadoo sidoo kale lagu muujiyay suugaan iyo qasiidooyin kala duwan.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan Saylici iyo Masuuliyiinta iyo Culimada ka hadashay munaasibada ayaa sheegay in loo baahan yahay in la weyneeyo maalinta dhalashada Rasuulka NNKH.

Muuqaalkan ka Daawo Munaasibada Oo Dhamaystiran.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/ 

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com