#Araweelo_News_Network.

 

Hargeysa(ANN)-Fadhigii Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda oo uu Shir-guddoominayay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa lagaga hadlay qodobola xidhiidha arrimaha amniga dalka.

Sida lagu sheegay qoraal kooban oo kasoo baxay qasriga Madaxtooyadda oo nuqul ka mid ah soo gaadhay Shabakaddaha Araweelo News Network, fadhigaa waxa Madaxweyne Biixi ku weheliyay  Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici).

 

Sida lagu sheegay qoraal saxaafadeedka waxa ugu horayn war-bixin guud oo la xidhiidha amniga dalka goluhu ka dhegeystay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Guddaha, Cabdilaahi Xuseen Maxamed.

 

Sidoo kale, wuxuu golluhu dood iyo falanqayn dheer ka yeeshay arrimaha dhaqaal;aha dalka, maalgashiga, wax-soo saarka iyo horumarinta arrimaha bulshada.

 

Fadhiga gollaha Wasiirrada ayaa lagu lafa-guray masiibada dabka soo noq-noqday ee saamaynta ku yeeshay dhaqaallaha, waxayna dood kaddib golluhu isla qaateen in laga feejignaado khasaaraha uu dabku keeno, isla markaana si hufan loo baadho arrimaha dhaliyay ee ka dhexeeya dabkii suuqyada Wajaale iyo Waaheen.

 

Waxa golluhu soo jeediyey in Hay’addaha dhaqaaluhu mid dawladdeed iyo kuwa gaarka loo leeyahayba ay dardar-geliyaan kobcinta dhaqaalaha dalka, lana dhiirrigeliyo maalgashiga shisheeyaha iyo ka gudahaba.

 

Dhinaca kale, waxa golaha loo qaybiyey qabyo qoraalka xeerka wax ka beddelka iyo kaabista xeerka Xannaanada Xoolaha oo ay soo diyaariyeen garyaqaanka guud ee qaranka iyo wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo horumarinta Kalluumaysiga, sida lagu sheegay qoraal saxaafadeedka.

 

Gunnaanadkii waxa shirka ka soo baxay qodobbadan:-

 

  1. In la xoojiyo Difaaca Qaranka meelna looga soo wada jeedo, sidoo kalena feejignaan loo yeesho Amniga Guddaha.
  2. Waxa goluhu cod gacantaag ah ku ansixiyey qabyo qoraalka Xeerka Hawlgabka iyo Xaqsiinta Shaqaalaha Dawladda.

ALLAA MAHAD LEH

Naasir Yuusuf Daahir

Agaasimaha Warbaahinta Madaxtooyada JSL.