Araweelo News Network.

 

Addis Ababa(ANN)-Safaaradda Jamhuuriyadda Somaliland ku leedahay dalka xarunta dalka Ethiopia ee Addis Ababa, ayaa bilawday qorshe ay muwaadiniinta kaga caawinayso adeegyada ay uga baahan yihiin dalkaa iyo qorshe lagu siinayo kaadhadh aqoonsi oo ay Safaaraddu bixinay.

Ambassador Barkhad Maxamuud Kaariye, ku xigeenka Safiirka Somaliland ee Addis Ababa, isla markaana ah ku simaha Safiirka, ayaa ka hadlay ujeedada kulanka oo sharaxaad ka bixiyay, sidoo kale,  Cabdifataax Maxamed Cabdiraxmaan, oo ah kaaliyaha ergayga gaarka ah ee JSL u qaabilsan Midowga Yurub iyo IGAD, iyo xubnho ka socday Ardayda Jaamacaddaha dalka Ethiopia wax ka barta iyo qaar ka mid ah ganacsatada degan dalkaa, ayaa dhankooda ka hadlay kulankaa, waxayna dhammaantood soo dhoweeyeen hawlaha iyoa adeegyada cusub ee ay Safaaraddu soo kordhisay.

Alt: Araweelo News Network

Ambassador Barkhad Maxamuud Kaariye, Image Araweelo News Network 19 Jun 2021.

Qorshaha cusub ee Safaaradda Somaliland ku leedahay Addis Ababa, ayaa lagu soo bandhigay kulan ay masuuliyiinta Safaaraddu ugu yeedheen muwaadiniinta Somaliland eek u dhaqan dalkaa oo isugu jira kuwa u jooga ganacsi iyo hawlo caafimaad iyo kuwo kale oo hawlo iyo adeegyo kale u jooga.

Kulankaa oo ay sidoo kale ka qaybgaleen masuuliyiinta safaaradda Somaliland ee Addis Ababa ee soo qaban qaabiyay iyo muwaadiniinta ku sugan dalkaa, ayaa maanta ka qabsoomay hoolka dhismaha xarunta safaaradda ee Addis Ababa.

Furitaanka kulanka, oo ay kasoo qaybgaleen muwaadiniin ka socday ganacsatada, Ardayda iyo dadka deggan magaalada Addis Ababa, ayaa sidoo kale masuuliyiinta Safaaradda iyo muwaadiniintu isku xogwaraysteen, waxayna markaa kaddib masuuliyiintu u sheegeen muwaadiniinta ujeedada kulanka iyo inuu yahay mid lagu daahfurayo adeegyo ay safaaraddu u soo kordhisay muwaadiniinta ku dhaqan dalka Ethiopia, waxayna masuuliyiinta Safaaraddu u sheegeen muwaadiniinta in laga caawinayo dadka adeegyada caafimaadka u yimaadda dalka Ethiopia iyo sidoo kale aqoonsiga jaaliyadda Jamhuuriyadda Somaliland  ee Ethiopia (Somaliland Community in Ethiopia).

Kulanka safaaradda Somaliland ee Addis Ababa iyo muwaadiniinta ku sugan dalkaa ee ka qabsoomay hoolka dhismaha xarunta safaaradda ee Addis Ababa, Image Araweelo News Network 19 Jun 2021

Ambassador Barkhad Maxamuud Kaariye, ku xigeenka Safiirka Somaliland ee Addis Ababa, isla markaana ah ku simaha Safiirka, ayaa hadal uu ka jeediyay halkaa ku sheegay in kulanka ay ugu yeedheen muwaadiniinta ka dhashay kulamo ay muddooyinkii u danbeeyay safaaraddu la yeelanaysay dhinacyada kala duwan ee bulshada jamhuuriyadda Somaliland ee ku dhaqan dalka Ethiopia.

Wuxuuna tilmaamay adeegyada ay safaarad ahaan ay bixiyaan ee ay muwaadiniinta u hayaan oo sida uu sheegay Ambassador Barkhad isugu jira dhinac socdaalka, waxbarashadda iyo adeegyada caawinta muwaadiniinta intii karaankooda ah.

 

Ambassador, Barkhad, ayaa madasha ka shaaciyay in safaaraddu maanta daahfuray aqoonsiga jaaliyadda Jamhuuriyadda Somaliland ee  ku nool dalka Ethiopia (Somaliland Community in Ethiopia ID), isla markaana la siinayo muwaadiniinta Kaadh aqoonsi ah (ID), kaas oo ka caawin doona wax badan dadka deggan  dalka Ethiopia.

Sidoo kale, wuxuu sheegay Safiir ku xigeenka Safaaradda Somaliland ee Addis Ababa in ay safaarad ahaan iyo ardayda caafimaadka ka barata amma dhakhaatiirta ka shaqaysa cisbitaallada dalka Ethiopia ee Somaliland ka soo jeeddaa ay iska kaashan doonaan sidii loo caawin lahaa dadka adeegyada caafimaadka usoo doonta dalka Ethiopia oo dhibaatooyin badan kala kulma, balse aannay waxyaabaha caqabadaha ku noqda aanay hadda kaddib la kulmi doonin.

Alt: Araweelo News Network

Kulanka safaaradda Somaliland ee Addis Ababa iyo muwaadiniinta ku sugan dalkaa ee ka qabsoomay hoolka dhismaha xarunta safaaradda ee Addis Ababa, Image Araweelo News Network 19 Jun 2021

Ambassador, Barkhad Maxamuud Kaariye, ayaa sidoo kale ugu bushaareeyay in Safaaraddu, iyadoo gudanaysa waajibkeeda ka saaran muwaadiniinta loo soo kordhiyay warqada ku laabashada dalka Hooyo ee (Go Home),  iyo Kaadh aqoonsi ah oo ay bixinay Jaaliyadda Somaliland ee Ethiopia, waxaana la siinayaa sida uu sheegay qofkasta oo muwaadin ah oo buuxiya shuruudaha looga baahanyahay.

Dhinaca kale,  Cabdifataax Maxamed Cabdiraxmaan,  oo ah kaaliyaha ergayga gaarka ah ee Jamhuuriyadda Somaliland u qaabilsan Midowga Yurub iyo IGAD. Ayaa dhankiisa tilmaamay muhiimadda ay leedahay isku-xidhnaanta iyo xoojinta wada-shaqaynta safaaradda iyo muwaadiniintu.

Marwo Nimco Maxamed Cismaan oo Safaaradda Somaliland ee Addis Ababa u qaabilsan arrimaha socdaalka oo ka hadashay kulanka, ayaa sheegtay in ay soo dhowaynay ujeeddada kulanka, oo sida ay sheegtay marka laga yimaado adeegyada ay Safaaraddu soo kordhsiay uu leeyahay ahmiyad kale oo ah in isbarasho guud, waxayna si cad u sheegtay in safaarad ahaan ay ka go’an tahay taakulaynta, caawinta iyo adeegga muwaadiniinta Somalialnd ee deggen dalka Ethiopia.

Waxa iyaguna madasha kulankaa ka hadlay Maxamuud Cabdikariim Maxamuud oo ka mid ah Ardayda wax ka barata jaamacaddaha dalka Ethiopoia oo ku hadlayay codka Ardayda iyo Ganacsade Maxamuud Muuse oo ku hadlayay codka ganacsatada degan dalka Ethiopia, iyo sidoo kale Cadnaan Rashiid oo ka mid ah ganacsatada ka qaybgalay kulanaka, waxayna dhammaantood sheegeen in adeegyada ay soo kordhisay safaaraddu yihiin kuwo wax weyn ka taraya baahiyaha muwaadiniinta ku dhaqan dalka iyo kuwa u yimaada hawlo caafimaad, iyadoo ku ammaanay hawshaa iyo dedaalkeeda Safaaradda oo uu ugu horeeyo Ambassador, Barkhad Maxamuud Kaariye oo ah Safiir ku xigeenka Safaaradda xilligana ah ku simaha Safiirka Safaaradda Somaliland ee Addis Ababa.

Kaulanka, ayaa muujiyay dedaal horleh oo ay Safaaradda Somaliland ee dalka Ethiopia, soo kordhisay, kaas oo waxyaabaha ay usoo banadhitay muwaadiniinteeda ay waxa badan ka tarayaan adeegyada ay u baahan yihiin oo qaar badan oo ka mid ah ay caqabadu kala kulmi jireen marka ay dalkaa u tagaan hawlo caafimaad, waxbarasho, ama arrimo ganacsi, waxayse masuuliyiinta Safaaraddu sheegeen in hadda wixii ka danbeeya aannay dhibaatooyinkaa la kulmayn muwaadiniintoodu.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

 

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com