Araweelo News Network.

 

Gollaha Wasiirradu Waxay Ka Hadleen Mawjadii Saddexaad Ee Coronavirus Oo Somaliland Soo Gaadhay

Hargeysa(ANN)-Shirka gollaha wasiirrada Somaliland, ayaa laga soo saaray weedho u muuqday hanjabaad ku waajahan warbaahinta, wallow aan si cad loogu qeexin, sidoo kale shirka gollaha wasiirrada, ayaa lagaga hadlay xaaladda xannuunka Coronavirus oo dalka kusoo badanaya, isla markaana ay lagama maarmaan tahay in shacbigu ka digtoonaadaan.

Shirka gollaha wasiirrada Somaliland ee maanta ka qabsoomay qasriga Madaxtooyadda, waxa guddoominayay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay oo nuqul ka mid ah shebekaddaha Araweelo News Network soo gaadhay, waxa shirka war-bixino lagaga dhegeystay Wasiirrada Wasaaradaha Arrimaha Gudaha, Horumarinta Caafimaadka iyo Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland.

 

Wasiirka Arrimaha Guddaha, ayaa ugu horayn gollaha Wasiirrada war-bixin la xidhiidha amniga iyo nabadgelyada guud ee dalka ka siiyay. Wasiirku waxa uu si gaara uga hadlay xaaladda amni ee gobolka Sool, wuxuuna gollaha la wadaagay dilalka soo noq-noqday ee gobolka Sool, qoraal saxaafadeedka ayaa lagu xusay warbixinta kaddib  goluhu u saaray guddi ka kooban wasiiro sidii arrinta amniga ee gobolka Sool xal loogu heli lahaa.

 

 

Sidoo kale, Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka ayaa gollaha warbixin ka siiyay xaaladda Somaliland ee caabuqa Covid-19, isagoo ku dheeraaday khatarka ka soo cusboonaatay xannuunka Covid-19, kaas oo ah mawjaddii saddexaad soo gaadhay Bulshada qaybeheeda kala duwan,

Warbixinta la siiyay gollaha wasiiradda, ayaa lagu sheegay in todobaadkii u danbeeyey oo keliya ay u geeriyoodeen Afar iyo labaatan ruux (24), tiradaa oo ah intii is diwaangelisay ee soo gaadhay goobaha caafimaadka, iyadoo lagu tilmaamay mid muujinaysa in uu si ballaadhan u fidayo xanuunku. Sidaa darteed, gollaha wasiirrada, ayaa soo jeediyey tallaabooyin iyo tallooyin Guddida Ka-hortagga iyo la dagaalanka xannuunka Covid-19 oo ay ku dardar-gelinayaan hawlaha ay ugu xil-saaran yihiin qaranka ee ka hortaga iyo la tacaalida xannuunka.

 

 

“Ugu danbayntii, gollaha Wasiirradu iyagoo maanka ku haya ahmiyadda balaadhan ee ay dalka ugu fadhido warbaahintu iyo in ay tahay tiir ka mid ah dhismaha dawladda iyo dimuquraadiyadda, hase yeeshee iyadoon laga tegay wixii lid ku ah diinta, dhaqanka iyo amniga dalka ee cadawgu ugu soo gabanayo ama u soo dhexmarayo xorriyada saxaafadda, waxa goluhu xusay in loo raaci doono sharciga dalka Jamhuuriyadda Somaliland, cidii loo arko inay dhibaato ku tahay qaranka.” Ayaa lagu yidhi, qoraal saxaafadeedka kasoo baxay qasriga Madaxtooyadda Somaliland.

 

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews Facebook@AraweeloNews instagram@araweelonews By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist. info@araweelonews.com.