Araweelo News Network.

 

 

Somaliland, Hargeysa(ANN)-Dallada SONSAF, ee middaysa Ururada Bulshada Rayidka ah ee aan dawliga ahayn, oo kaashanay Ururka SOYDAVO,  ayaa daah-furtay kulan lagu agaasimayo fahamka doorka iyo waajibaadka xildhibaanada cusub ee gollaha wakiillada ee kusoo baxay natiijadda hordhaca ah ee doorashooyinkii dalka ka dhacay Somaliland 31 May 2021.

Kulankaa oo ahaa mid ujeedadiisu tahay aqoon-korodhsi oo ay kasoo qaybgaleen xildhibaanada saddexda Xisbi qaran uga soo baxay doorashada, ayaa maanta ka furmay Magaalada Hargeysa, waxaana sidoo kale ka qaybgalay guddoomiyayaasha isbahaysiga labada xisbi mucaarad, Wasiirro ka tirsan xukuumadda, xildhibaan ka socday Baarlamaanka Kenya,  Agaasimaha dallada SONSAf, ee daah-furtay kulankaa iyo khuburo casharada siinay xubnaha gollaha wakillada cusub.

Alt: Araweelo News Network

Kulanka Xildhibaanada cusub ee Dalllada SONSAF iyo SOYDAVO, ayaa daah-furtay kulan lagu agaasimayo fahamka doorka iyo waajibaadka , Image file Araweelo News Network. 28 Jun 2021.

Tabobarka lagu dhisayo fahamka xildhibaanada cusub ee gollaha wakiillada oo ay bixinayaan casharrada xeel-dheerayaal aqoon durugsan u leh shaqada baarlamaanada, waxay si faah-faahsan xildhibaanada cusub ugu lafa-guri doonaan muddada uu socdo tababarku waajibaadka iyo masuuliyaadka saaran iyo hannaanka wanaagsan  ee laga doonayo in uu u shaqeeyo xildhibaanku muddada uu hayo xilka iyo xasaannada.

Alt: Araweelo News Network

Anwar Abdurrahman Warsame Sonsaf, Image file, Araweelo News Netwok

Sida uu sheegay Agaasimaha Dallada SONSAf, Cabdiraxmaan, wuxuu kulanku soconayaa muddo laba maalmood ah,“Waxay maanta tani fursad noogu tahay inaynu maanta is-barano haddii aanu nahay Ururada bulshada rayidka iyo Gollaha Wakiillada cusub. Aqoon-korodhsigani ma noqonayo kii danbeeyey, laakin aqoon korodhsiyo baddan oo is-daba socda ayaanu wadnaa haddii ILAAHAY yidhaahdo, oo aanu is leenahay waxay wax baddan ka tari doonaan hawl-maal-meedka ay gacanta ku hayaan Gollaha Wakiillada qaranku. Waxaan rajaynayaa in aan macluumaad baddan aanu idinla wadaagi doono.” Ayuu yidhi, Guddoomiyaha SONSAF, Anwar Cabdiraxmaan Warsame oo ka hadlayay furitaanka kulanka aqoon-isweydaarsiga ah.

“Waxaan Rajaynayaa Inaanu si fiican u wada shaqayn doonno Golahan Wakiillada ee Cusub, maadaama oo aanu muddo 10 sannadood ah si dhow ula shaqaynaynnay golihii kan ka horreeyay….”sidaa waxa yidhi, Guddoomiyaha dalladda SONSAF .

Anwar, wuxuu madasha ka sheegay in daladda SONSAF,  ballan-qaaday in gollaha cusub ay is garab taagayaan, wuxuuna Allah uga baryay in ay noqdaan mid anfaca bulshadii soo doortay oo an dhibaato kala kulmin hawlaha horyaala, “waxaan gollaha cusub la garab istaagynaa taageero hiil i”.Ayuu yidhi , Guddoomiyaha SONSAF.

Alt: Araweelo News Network

Kulanka Xildhibaanada cusub ee Dalllada SONSAF iyo SOYDAVO, ayaa daah-furtay kulan lagu agaasimayo fahamka doorka iyo waajibaadka , Image file Araweelo News Network. 28 Jun 2021.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo ka hadlay madasha aqoon is weydaarsi ee xubanaha cusub ee golaha Baarlamaanka ayaa ugu baaqay mudanayaasha inay ka fikiraan sidii ay dalka uga saari lahaayeen nidaamka qabyaaladda ee dalka barriinsaday dalkana ugu xidhi lahaayeen adduunyada kale.

Alt: Araweelo News Network

Labada Guddoomiye ee UCID Iyo WADDANI oo ka hadlaya kulanka aqoon is weydaarsiga Xildhibaanada cusub ee Dalllada SONSAF iyo SOYDAVO, ugu daah-furteen fahamka doorka iyo waajibaadka hawshooda , Image file Araweelo News Network. 28 Jun 2021

Sidoo kale, Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cabdiraxmaan-Cirro) ayaa ugu baaqay xildhibaannada cusub ee gollaha Wakiillada  inay ka faa’idaystaan aqoon korodhsiga ay u qabteen dalladda SONSAF iyo SOYDAVO, waxaanu ballan qaaday inay ku kordhin doonaan wixii khibrad ah.

ALT: Araweelo News Network

MidigL Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland, Saleebaan Cali Koore iyo Wasiirka Xidhiidhka gollayaasha iyo arrimaha Dastuurka Somaliland, Mohamed X Aadan Cilmi b Bidix, Image file, Araweelo News Network, 28 Jun 2021.

Dhinaca kale, Wasiirka Xidhiidhka Gollayaasha iyo Arrimaha Dastuurka Somaliland, Mohamed X Aadan Cilmi oo kulankaa ka hadlay ayaa u sheegay xubnaha cusub ee wakiillada in ay wasaarad ahaan u diyaariyeen khubarro ka taageeri doonta dhanka shuruucda oo ka socda dalka ingiriiska, waxa kale oo wasiirku ku dooday in gollaha ay u diyaariyeen xarun xubanaha golluhu ku qabsadaan hawlahooda.

Waxa sidoo kale, ka hadlay furitaanka kulanka, Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland,  Saleebaan Cali Koore, isla markaana ka hor intii aan loo magcaabin wasiirka ahaa xildhibaan ka tirsan gollaha xilligiisu dhammaaday, wuxuuna isagoo ka hadlaya  khibradiisa gollaha wakiillada yidhi, “Waxa idin hortaagan aniga oo muddo 12-sannadood ka baddan Gollaha Wakiillada xubin ka ahaa, waxaan qiyaasi karnaa waxa maskaxdiisa ku jirta xildhibaanka la soo doortay, ama ku fekerayo  iyo marxalada uu waddanku ku sugan yahay haday tahay dhaqaale, iyo awood kale oo waddanku leeyahay. Qaabka loo wada shaqeeyo Xukuumadda iyo Wakiilada, sida sharciga loo curiyo. Cidda xaq u leh inay curiso, waxa jooga Xoghayihii Gollaha Wakiilalada oo ah maskaxdii Golaha Wakiillada Cabdirisaaq Siciid Ayaanle.”

 

Wasiir Koore, wuxuu sheegay in aannay jirin wax cuqdad ah oo xukuumadda iyo gollaha wakiillada dhexyaal, isagoo yidhi, “Waxaan idin leeyahay soo dhawaada, cuqdad, yay ina kala qaadin, Waxaynu nahay dad isku doon saaran, oo wada shaqeynaya oo shaqo kulmisay, oo Dastuurku kulmiyay, oo midnimadu kulmisay, oo umadda reer Somaliland kulmisay, oo idinkuna waxaad leedihiin Waajibaad Dastuuriya.”

Sidoo kale, waxa kulankaa ka hadlay, Xildhibaan Adan Macallin oo ka tirsan Baarlamaanka Dalka Kenya, wuxuuna dawladda Somaliland iyo dadkeeda ugu baaqay in aanay hawlo baddan oo ay qabsan karaan uga maagin in aanay aqoonsi haysan. Soomaliya Iyo Somaliland-na ay yihiin laba dal oo kala gaar ah, isagoo xildhibaanada cusub ku kaabay khibrada uu leeyahay ee hawsha Baaralamaanka iyo waajibaadka saaran xildhibaanka iyo waxa ay bullshada soo dooratay ka filanayso.

Alt: Araweelo News Network

Kulanka Aqoon korodhsiga ee loo qabtay xildhibaanada cusub, waxa si wada-jira usoo agaasimay  dallada SONSAF iyo Ururka waddaniga ah ee SOYDAVO, wuxuuna socon doonaa muddo laba maalmood ah

Dallada guud ee ururada aan dawliga ahayn ee SONSAF ayaa kaalin kasoo qaadatay doorashooyinkii dalka ka qabsoomay, waxayna kulanka xilligan ay qabatay kusoo beegtay, iyadoo aan weli xildhibaanada cusub la dhaarin, isla markanaa aannay weli maxkamaddu ansixin liiska rasmiga ah ee xubnaha ku guulaystay doorashada si ay waajibkooda u gutaan oo ay u qabsadaan fadhigooda, balse waxa la fillayaa in horaanta July ay fadhiga ugu horeeya yeeshaan, kaddib marka la shaaciyo liiska rasmiga ah ee ay maxkamaddu sare soo afjarto dacwaddaha ka taagan natiijadda doorashada, wallow uu durba jiro loolan labada xisbi ee mucaaradka oo heshiis isbahaysi u dhexeeyo si ay u hantaan shirguddoonka, maadaama ay haystaan aqlabiyada xildhibaanada kusoo baxay doorashada, balse ay loolan adag waajahayaan, iyadoo xukuumadda iyo xisbigeedu si adag ugu hammuuyayaan hanashada shirguddoonka gollaha wakiillaada cusub ee Somaliland.

 

Published Araweelo News Network.

Please share with your friends the news and information provided by the networks Araweelo News Network.

 

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com