“Illaahaw Aan Waaga Waraabe Cunnin”

>Xildhibaan Aamina Fariido Miyay Ku Jirtaa Loollanka Shirguddoonka?

#Araweelo_News_Network.

 

Hargeysa(ANN)-Loollanka loogu jiro kursiga shirgudoonka gollaha wakiillada ayaa si weyn xamaasadeeyay saaxadda siyaasadda Somaliland saacadihii u danbeeyay, kulamo goos goos ah oo la xidhiidha kaanbaynka ayaa ka socda meelo kala duwan.

Xildhibaan Yaasiin Maxamuud (Xiir) oo ah guddoomiye ku xigeenka Ururka KAAH, isla markaana hore ugu loollamay kursiga ayaa xilligan mar kale kaanbayn ugu jira, isagoo garab ka helaya Xukuumadda Madaxweyne Biixi iyo Xisbiga KULMIYE oo ay ku wada socdaan Urur Siyaasadeedka uu ka tirsanyahay ee KAAH oo uu hoggaamiyo Siyaasiga Maxamuud Xaashi Cabdi oo hore u gawracay Faratoon xilligii uu la loollamay Guddoomiyihii hore ee is casilay Cabdirisaaq Khaliif Axmed.

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee  gollaha wakiillada xilligan Cali Xaamuud Jibriil oo ka tirsan Xisbiga UCID, isla markaana taageero ka helaya Xisbiga Mucaaradka ayaa si weyn ugu loollamaya kursiga Guddoomiyaha Gollaha Wakiillada, isagoo doonaya inuu ku ruqaansado, iyadoo kursigiisa ay ku tartamayaan xildhibaano kale oo xisbiga WADDANI kasoo jeeda.

Dooddo baddan ayaa ka taagan loollanka loogu jiro kursiga Guddoomiyaha gollaha wakiillada oo maalinta Beri ee Sabtida ay kala cadaanayaan wax baddan, waxaana sii xoogaysanaya kulamada kaanbaynka, iyadoo sawiro lagu baahiyay baraha Bulshada oo muujinayay wararr sheegaya kulan dhexmaray Madaxweyne Biixi iyo Guddoomiye Cali Xaamud inuu jiro, kaas oo la xidhiidha arrimaha kaanbaynka.

Hase yeeshee Xildhibaan Cali Xaamud ayaa u sheegay shebakaddaha Araweelo News Network in aannu jirin kulan dhexmaray Madaxweyne Biixi, isla markaana aannay waxba iska beddelin loollanka iyo kaanbaynka uu ugu jiro kursiga Guddoomiyaha gollaha Wakiillada.

Dhinaca kale, warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in xukuumadda iyo Ururka KAAH qorshaynayaan in jagada shirgudoonka ee Guddoomiye ku xigeenka labaad oo ah kursiga uu banaynayo Xildhibaan Cali Xaamud Jibriil loo carbinayo Aamina Fariido oo ah xildhibaanka keliya ee haween ah oo gollaha ka mid ah, isla markaana kasoo jeeda gobolka Awdal, iyadoo Madaxweyne Biixi u magcaabay wasiir ku xigeen ka hor intii aannay kusoo biirin gollaha dhowaan,  iyadoo ay jiraan xidhibaano kale oo dhanka labada xisbi ee mucaaradka kasoo jeeda oo loollan ugu jira xilka guddoomiye ku xigeenka labaad ee gollaha wakiillada Somaliland.

Xildhibaano ka mid ah kuwa qaybta ka ah loollanka mucaaradka, ayaa ka qayliyay kaanbaynka, iyagoo warbaahinta ka sheegay in xod-xodasho aan macquul ahayn iyo gor-gortan aan wanaagsanayn uu kaga yimi dhanka Xukuumadda, gaar ahaan Madaxtooyadda oo ay carabka ku dhufteen. Laakiin kuwa kale ee kasoo horjeeda oo u ollolaynaya Faratoon ayaa ku hanjabaya weedho ay leeyihiin “Illaahaw aan waaga waraabe cunin”, iyagoo si xamaasadaysan ugu jira kaanbaynka.

Xamaasasadda siyaasadeed ee kaanbaynka loollanka loogu jiro shirgudoonka gollaha, ayaa kusoo beegantay iyadoo Xisbiga UCID ee Mucaaradku ku gacansaydhay mudadda doorashooyinka ee ay shaaciyeen guddida doorashooyinka, halka Xisbiga kale ee mucaaradku weli ku mashuulsanyahay mawqifkiisa ku waajahan dhawaaqa guddida doorashada, waxaana jira warar hoose oo shabakaddaha Araweelo News Network heshay oo sheegaya in Xisbiga WADDANI mawqifkiisa shaacin doono marka lagu kala calaf qaado shirgudoonka wixii ka danbeeya 23 july 2023. Iyadoo Sabtida lagu wargeliay xildhibaanada tartamaya inay araajidooda iyo CV-yada u gudbiyaan xafiiska Xoghyaha  Laakiin xoggaha ma caddayn in mawqifkaasi noqonayo mid ay ku aqbalaaan iyu inuu noqonayo mid ay ganafka ku dhuftaan go’aanka Kommishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland ee lagu kala hor mariyay doorashooyinka, waxaase la saadaalinayaa in go’aanka waddani ku xidhanaan doono natiijadda sida loogu kala guulaysto Kursiga shirguddoonka gollaha.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/ 

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com