#Araweelo_News_Network:

Kampala (ANN)-  Midowga Yurub, AU, Maraykanka ayaa farriimo hanjabaad ah u diray dhinacyada ku dagaalanaya Suudaan. Waxay sheegeen in dagaalka Suudaan iyo xiisadda Soomaaliya kala dhexaysa Ethiopia ay halis ku tahay xasiloonida Geeska Afrika.

Midowga Afrika, Midowga Yurub, Qaramada Midoobay iyo Maraykanka ayaa ku baaqaya xabbad-joojin degdeg ah iyo wadahadal wax-ku-ool ah oo dhexmara dhinacyada isku haya Suudaan.

Michael Hammer, oo ah Ergeyga Gaarka ah ee Maraykanka u qaabilsan Geeska Afrika, ayaa ugu baaqay dhinacyada Suudaan inay u hoggaansamaan waajibaadka ka saaran sharciga caalamiga ah ee bini’aadantinimada, isla markaana ay fuliyaan ballanqaadyadii dhawaa ee ahaa joojinta dagaalka.

“Waxaa la joogaa waqtigii ay qaadi lahaayeen tallaabo waafaqsan sheegashadooda ah innay doonayaan inay joojiyaan dagaalka ayna daboolaan baahida dadka,” ayuu yidhi Hammer.

Waxa uu ka hadlay arrintaa kaddib markii urur goboleedka IGAD, ay shir deg deg ah ku yeesheen magaalada Kampala, kaas oo madaxda dalalka ay kaga hadleen dagaalka Suudaan iyo xiisadda sii kordhaysa ee Soomaaliya iyo Tallaabada ugu horraysa waa xabbad-joojin la dhaqangelin karo oo si dhow loola socon karo, ayuu yidhi Ramtane Lamamra, ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan Suudaan.

“Waa in la aamusiyo hubka,” ayuu yidhi, isaga oo intaa ku daray in dagaalku khatar gelinayo “xasiloonida gobolka oo dhan iyo wixii ka baxsan.”

Salaasadii, dawladda Suudaan waxay hakisay xidhiidhka ay la lahayd urur goboleedka Bariga Afrika, iyada oo ku eedaysay inay ku xad-gudbeen madax-bannaanida Suudaan markii ay ku casuuntay shir madaxeedkii hoggaamiyaha ciidammada. Hemedti ayaa ka qeyb galay shirkii Khamiislaha ahaa ee Kampala balse kama uu hadlin.

Iyadoo ay socdaan baaqyada xabbad-joojinta ee dib loo soo cusboonaysiiyay, Qaramada Midoobay ayaa Khamiistii ay ku dhawaaqday in Hawlgalka Xaqiiqo Raadinta ee Qaramada Midoobay ee Suudaan, oo loo haysto baadhitaanka xadgudubyada xuquuqda aadanaha iyo sharciga caalamiga ah ee bini’aadanimada tan iyo 15-kii April, uu bilaabay shaqadiisa toddobaadkan.

Mohamed Chande Othman, oo ah guddoomiyaha guddiga xaqiiqo raadinta ayaa sheegay in baadhitaanada la xidhiidha xadgudubyada lagu eedeeyay ciidamada qalabka sida ee Suudaan, xoogaga taageerada degdega ah iyo dhinacyada kale ee dagaalamaya ay socdaan, waxaana si gaar ah isha loogu hayn doonaa tacadiyada dhanka galmada ah iyo xadgudubyada kale ee ka dhanka ah haweenka iyo carruurta. sida uu sheegay afhayeenka Qaramada Midoobay Stephane Dujarric.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews /

Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com