Araweelo News Netrwork.

 

Vienna (ANN)- Booliska Dalka Austria, ayaa xaqiijiyay geerida laba hablood oo Soomali ah, kuwaas oo qudha lagaga jaray Tooray, kaddib markii Nin Soomaali ah oo ka mid ahaa dadka loo diiday in la siiyo Magacngelyada qoxootiga uu qudha ka jaray labada hablood.

Alt: Araweelo News Network

Maydadka labada hablood oo lagu dejinayo qolka baadhista Maydadka, kaddib markii laga qaaday guriga  dilku ka dhascay Image Araweelo News Network, Vienna 14 Sep 2021.

Booliska ayaa lagu war geliyay dilkaa, waxayna tageen guri dilku ka dhacay oo ku yaal xaafadda Favoriten, halkaas oo ay ugu tageen maydadka labada hablood oo magacyadoodu kala yihiin, Shukri Axmed Abtidoon 37 jir ah  iyo Faadumo Maxamed Xirsi 35 jir, waxyana Boolisku halkaas oo ay kula kulmeen Maxamed Ibraahim oo ah Soomaali 28 jir ah, oo u sheegay Booliska in uu dilka labada gabdhood isagu geystay. Kaddina waxa Ninkaa loo taxaabay xabsiga.

Alt: Araweelo News Network.

Maydadka labada hablood oo laga qaadayo goobta dilku ka dhascay Image Araweelo News Network, Vienna 14 Sep 2021.

 

Dadka Soomaalida ee degan xaafadda Favoriten ee Vienna oo dilku ka dhacay ayaa qaarkoood sheegayaan in labada dumarka ah ay mid ahayd xaaska Maxamed Ibraahim, balse aannay xilligan ahayn xaaskiisa oo ay kala tageen, isla markaana ay u haysay gabdh yar, halka gabadha kale ay ahayd saaxiibadeed.

 

Maxamed ayaa markii booliska ay baadheen, waxay ogaadeen inuu isticmaalay maandooriye, iyadoo baadhitaanka lagu sameeyay laga helay Alchohol heerkeedeedu sareeyo oo qiyaastiii lagu sheegay 2.2. in ay jidhkiisa ku jirto. Sidoo kale waxa jira warbixino kale oo sheegaya in Ninkaas marka laga yimaado daroogada uu isticmaalay aannu xiskiisu dhamayn oo uu qabay xanuun dhanka maskaxda ah, waxaana jiray dacwado hore oo sababay in loo diido dharciga dalkaa.

Alt: Araweelo News Network

Qaar ka mid ah haweenka Soomaalida ee jaarka la ahaa hablaha la dilay oo goobta yimi markii Maydadka labada hablood laga qaadayay guriga dilku ka dhacay xaafadda Favoriten ee Vienna Image Araweelo News Network, Vienna 14 Sep 2021.

Labada gabdhood mid ahaan oo magaceedu yahay Shukri, waxay walaalo yihiin xildhibaan Maxamed Axmed Abtidoon, oo ka tirsan golaha shacabka Soomaaliya, wuxuuna qoraal uu soo dhigay bartiisa facebook kaga hadlay geerida gabdhahaa, isagoo yodhi,  “Inaa lilaahi wa inaa ileyhi raajicuun, waxaa maqribkii lagu dilay Dalka Austaria, Vienna walaasheey: Marxuumad Shukri Axmed Abtidoon Iyo Saaxiibadeed Marxuumad Faaduma Maxamed Xirsi, Allah  u wada naxariisto, dambigooda allaha dhaafo, Allah waxan uga baryayaa inuu hooy uga dhigo Janatul Firdaws naxariistiisa darteed, Aamiin”

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews Facebook@AraweeloNews instagram@araweelonews By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist. info@araweelonews.com.