Araweelo News Network.

Alt, Araweelo news Network

Ahmedyasin Mohamed Jama, Image file Araweelo News Network.

#Somaliland Runtii xilligan waa xilli wanaagsan oo ay soo gaadhay horumar la taaban karo oo dhinac walba, isla markaana ay aamintay inay keligeed lugaheeda isku taagi karto, bulshada caalamkana tustay inay 30 sano taagnaato iyadoon taageero balaadhan ka helin caalamka, isla markaana aanay qaranimada Somaliland aanay marnaba gorgortan geli karin oo dhiig badan Iyo maal badanba ku lumeen, isla markaana loo huri doono dhiig Iyo hantiba hadii ay qasab noqoto

Waxa lagu jiraa waqti caalamka intiisa badan ay ka taliyaan kali taliyayaal, siiba qaarada Afrika inteeda badan

Waxayaabaha la taaban karo ee Somaliland ku faanto ka kow ah Geeddi-socodka doorashooyinka ku-dayashada mudan ee Somaliland soddonkii sano ee la soo dhaafey ka dhacay, una dhacay si xasiloon, nabad gelyo Iyo wadaniyad ku dheehan tahay, isla markaana adduunka oo dhan qiray una aqoonsaday inay tahay talaabo ama sawir wanaagsan oo Ku dayosho mudan, siiba qaarada Afrika ee masiibada kali-talismimadu ku habsatay

*Sidee ayay hadaba Somaliland ku noqotay dal madax-
bannaan?*

Somaliland waxay ahayd dal xor sanadii 1960 kii, ka dib iyadoo xor ah oo markaa uun xoriyada ka qaadatay ingiriiska ay wax Ku darsatay wadankii la odhan Somali Italians ama talyaanigu gumaysan jiray 60 sano ka hor, ka dib markii ay isku darkii ay iyagu fikirka lahaayeen ay ku hungoobeen ay marka ama 30 sano ka bacdi la soo noqdeen xoriyadii ay iska lumiyeen ama lagu khasaaray sanadkii 1991.

Sidaa daraadeedna ay mar labaad xoroobeen, sidaa daraadeed ayay Somaliland imika sodon sano ay xoriyadooda haysteen ama xor ku ahaayeen

Somaliland waxaa xor ka dhigay oo ay xor ku tahay inaanay marnaba wax amaah ah ama dayn ah aanay ka dalban ama ka helin bangiyada caalamka sida world bank, ururo caalami ah ama wadamada caalamka ah, dadka qaar baa laga yaabaa inay ku andacoodaan inay sabab amaah la,aantu ay tahay aqoonsi la’aanta, laakiin anigu shaqsi ahaan waxaan qabaa ama aan leeyahay inay tahay wax fiican, isla markaana la odhan karo waa sida saxda ah ee ay xor ku tahay maadaama meeqaamkani uu Somaliland ka dhigay dalka keliya ee adduunka ah ee aan deyn loo haysan isla markaana xor ka ah fara gelin qaawan oo la soo badheedheaan ama ugu amar ku taag leeyaan kuwa amaahaha ama daynta bixiyaa ku lahayn siyaasada ama arimaha Somaliland ee gudo Iyo dibadba leh, sida inta badan ka dhacda waddamada Geeska Afrika ee amaahda ama daynka xaddhaafka ah lagu gooyay boqnaha , sida jaararka Somaliland ee Jabuuti iyo Itoobiya, iyo dhammaan Afrika, guud ahaan sababtayna in wadamo badan oo afrka Iyo caalamka ahba lala wareego ilahooda dhaqaale sida dekedaha, badaha, laydhka, warahadaha Iyo ilo dhaqaale oo dhan ka dib markii ay tahli kari waayeen inay celiyaan ama iska bixiyaan bilyano doolarka maraykanka ah.

Waxaa Somaliland dal xor ah ka dhigay. Somaliland waxaa soddon sano ku jirtay nidaam dimuqraadi ah oo shaqynaya Soddon sano, dhisid ciidan adag oo tayo leh, waxa xor ka dhigay inay 30 sano nabad Iyo xasilooni ka jirtay, waxay xor ka dhigay inay heshay 30 oo waayo aragnimo dhinac walba leh, sida xalinta khilaafaadka.

Soddon sano oo aayo-ka-tashi ah. Soddon sano oo isku kalsooni ah.

Soddon sano oo aan laga amaahin Bangiga Adduunka ama beel kale oo caalami ah ama ururo caalami ah, Soddon sano oo sharci fulin ah. Soddon sano oo xeebaha Somaliland looga dhaariyay ama fogeeyay burcad badeedkii ku habsatay Somalia ee dhaqaalaha aduunka cidhiidhi geliyay maadama xeebaha Somaliland ay maraan boqol kiiba 42 dhaqaalaha reer galbeedka oo kaliya Iyo in ka badan 30 boqolkiibasiida khaliijka,
Somaliland waxa xor ka dhigay oo ay xor ka noqotay inay argagixisada caalamka, siiba kuwa ugu khatarta badan ee jaarka Somaliland ee Somalia ka dhigay dawlad la,aan 30 sano isla markaana bara kiciyay dad ka badan malaayiin kuna lumeen hanti badan oo malaayiin ah.

Somaliland waxay buuxisay sodonkaa sano dhammaan shuruudaha Iyo sharciyada waddan madax-banaan looga
baahan yahay, kana badan shuruudaha caalamka gaara
ahaan shuruudaha ay reer dadka baraan ama u sheegaan.

Somaliland waxay xor ku noqotay inay Soddon sano isticmaalaysay lacag ay iyadu leedahay. Waxa xor ka dhigay in Soddon la doortay shan madaxweyne oo xilka isugu wareejiyay si dimuqraadiyad ah oo xasilooni Iyo wadaninimo ku dheehan tahay, isla markaana lagu doortay cod bixin hal qof Iyo hal Cor ah oo aan caalamka badi ka dhicin oo dimuqraadi ah, Soddon. Muddo 30 sano ah, halka ay beesha caalamku siiba reer galbeed ay waqti badan, dadaal badan Iyo lacago trillions ah geliyeen Somalia si ay dowlad uga dhisi lahaayeen Muqdisho.

Somaliland waxay xor ku noqotay ama xor ka dhigay inaanay ka dhicin rabshado ama xasilooni daro abuurta mid dhib keenta Iyo dhiig daata. Waxay xor Ku noqotay inay Soddon sano gaadhay inay iskeed isu maamusho isla markaana gaadho isku filaansho dhinacyo badan ah oo la taaban karo,

Muddo 30 sano ah Somaliland waxaa xor ka dhigay in beesha caalamku ay afduub ku haysay si mar uun loo hoos geeyo ama la isugu daro dawlad ay iyagu soo dhoobdhoobeen oo ay hir geliyaan soomaaliyadaa loo Taag waayay ee kharash badan Iyo waqtiba kaga lumay, Tusaale waxaa 30kaa sano, maraykan oo kaliya waxa Somalia kaga lumay lacag dhan 4 bilyan oo dollar oo lagu kala bixiyay hawl galo milateri iyo shirar badan oo fashilmay a, halka in dhiganta 0.0025% ee lacagtaa 4 billion ah loo qoondeeyay dadaallada nabdoon oo ay Somaliland ka faaiidaysatay kuna guulaysatay ay ka mid yihiin dadaallada dhismaha nabadda ee Somaliland.

Somaliland waxay 30 sano xidhiidh adag la yeelatay dowladaha deriska ah, Aasiya, Bariga Dhexe iyo reer galbeed kaba.

Somaliland waxay 30kaa sano ku guulaysatay inay soo jiteen maalgashiyo caalami ah, taasoo horseeday istiraatiijiyad iyo heshiisyo ku saabsan kaabayaasha dhaqaalaha Somaliland , sida Imaaraadka oo ay la gashay ama saxiixday heshiis maalgashi ah oo ay DP world ku maareynayso dekedda Berbera, soona xarayn doona dhaqaale badan oo Somaliland wax wayn ka badali doona, isla markaana dhalin kara inay keento In wadamo kale iyo maalgashiyo caalami ahi inay Ku soo hirtaan oo yimaadaan Somaliland, isla markaana.

Somaliland ka dhigay inay noqotay meel xor ah, nabad ah oo la maalgashan karo. Somaliland waxay 30 sano awooday inay iscaawiso iyadu oo ay dib isu dhisto dhinac walba burburkii dhacay intii u dhaxaysay 1988 ilaa 1991 isla markaana dibu u dhisto dhaqaale la taaban karo kaabayaasheeda, isla markaanaay awooday ina shacabkeeda malaayiinta ahaa ee u qaxay xeryaha qaxootiyada wadamada jaararka Iyo xeryaha qaxootiga sida Ethiopia, jabuuti ay iyadu iskeed dib u dejisay iyadoon caalamka ka helin wax caawimo ah oo dadkaa malaayiinta ah lagu dejiyo.

Miisaaniyada Somaliland

Somaliland miisaaniyadeeda sanadka 2021 waxaa uu noqday $339 milyan, waxa kordhay 2.9 % boqolkiiba miisaaniyadii 2020, ahna mid ka badan miisaaniyada humaaga ah ee ay dawladaha shisheeye u dhoobdhoobeen ama usoo odoroseen dalka jaarka ah ee Somalia.

Waxay Somaliland xor ku noqotay Soddon sano inay Sugto amnigeeda , cadaalada, caafimaadka, waxbarashada, wax soo saarka beeraha oo aan badnayn, deegaanka, tamarta, maamul wanaaga doorashooyinka iyadoo aan helin kaalmo caalami ah.

Somaliland waxay Soddon sano hir gelisay inay dimuqraadi mucjiso ku noqotay caalamka oo wadamada waaweyn ee dimuqraada ku dhaqmaa ay qoreen oo qireen inay tahay tahay mucjiso aan hore loo arag oo ka dhacday wadan sida Somaliland ay dagaalo u burbiriyeen oo weliba jabhado xoreeyeen isla markaana wax walba u qabsaday oo loo qabanayo ilaa iyo hada.

Dimuqraadiyada Somaliland ka hir gashay waxay noqotay mid bara dheeraysiisa ama ka badan inta reer Galbeedku ku wacdiyaan ee aanay iyaga laftoodu badankeeda ku dhaqminba.

Somaliland 30-kii sano ee la soo dhaafay waxay astaan u yeelatay in loogu mucjida Afrika Iyo nabada,

Dimuqraadiyadda iyo dowlad-wanaagga, halka deriska Somaliland ee Soomaaliya ay weli ku mashquulsan tahay
ama dhex dabaalanayaan ama Ku dhex jiraan dagaalo noocyo badan leh oo isugu jira dagaalo sokeeye Iyo kuwo
diimeedba, dagaaladaa oo oo u muuqda qaar dilaa ah oo u eeg kuwo aan heshiish waara marnaba laga gaadhi karin, marka laga reebo mucjiso rabaani ah oo xaga ilaah uga timaada mooyee.

Somaliland in kasta oo ay caalamka ka doonsanayd ictiraaf, hadana Somaliland mar walba waxay wadatay hawsheeda dib isu dhiska ahayd, isla markaana waxay Somaliland qayb muhiim ah ka tahay ama ka noqotay siyaasadda Geeska Afrika. Si kasta oo ay ahaataba Somaliland waxa u baryay waa cusub ama u bilaabmay weji cusub oo taariikhi ah, gobol ahaan iyo caalamkaba.

Mudadaa 30 sano ah, Somaliland waxay muujisay siyaasad cusub iyadoo ka faaiidaysanaysa meesha istraatiiga ah ee ay ku taalo isla markaana diirada saartay danaheeda gaarka, isla markaana cayaartay door neutral ama dhexdhexaad ah oo mar walba danaheeda ay kow ka yihiin wax walba, sla markaana aan cid gaar ah garabka saarayn ama ka cadhaysiinayn, waxaa tusaale wanaagsan loo soo qaadan karaa xidhiidhka ay Somaliland la gashay Taiwan ahna mid laga gaadhay horumar dhinac walba ah, haday tahay xag siyaasadeed Iyo mid dhaqaalaba, ahna mid Somaliland u furtay dhabadii baadi-goobka iyo raadintii aqoonsiga caalamka ee ay Somaliland lumisay 1960 kii, isla markaana ah heshiis si hufan looga baaraan degay, loona adeegsaday oo looga faaiidaystay goobta istaraatiijiga ah ee ilaahay Somaliland ku beeray oo ah meel imika caalamka oo dhami rabaan inay xidhiidho dhaqaale iyo mid siyaasdeedba la yeeshaan

Somaliland Horumarkaa baaxada leh ee siyaasadeed iyo dhaqaaleee ay Somaliland si hufan oo taxadar leh u bilowday sanadihii u danbeeyay ayaa ah mid u baahan in la joogteeyo oo hore loo sii wado, taasi waxay noqon kartaa, ama noqon doontaa, shaki la’aan mid u horseeday inay Somaliland ay cagta saartay dhabadii ama toobiyihii saxda ahaa ee ay Somaliland mar kale kula soo noqon lahayd xoriyadii iyo aqoonsigeedii ka lumay sanandkii 1960 kii oo ahaa isla sanadkii ay somaliland xoriyadeeda ka heshay boqortooyada ingiriiska.

Sannadkii 2019 iyo 2020 wixii ka danbeeyay waxay ay noqdeen bilowgii ay Somaliland indhaha caalamka mar kaliya soo jiidatay, isla markaana ah mid bilow cusub siyaadada arimaha dibada ee Somaliland, runtiina noqotay xaalad siyaasadeed oo kalsooni Iyo hufnaan lagu soo dhiraandhirayay, keentayma mid ka Somaliland ka saartay go’doonkii siyaasadeed iyo dhaqaale ahaa heer gobol iyo mid caalamiba.

Somaliland waxay 30 sano si kalsooni leh ku aamintay gobonimadooda iyo jiritaankooda, isla markaana aaminsan in 30 sano oo kale ku sii jiri karaan inay iskeed u jirto, horumarkeeda uga shaqayso, una ilaaliso xoriyadeeda ictiraaf iyo ictiraaf la,aanba.

Somaliland 30 kii sano ee ay jirtay waxay muujisay oo caalamka tustay oo u bandhigtay inay keentay shuruudo xaqiiq ku salaysan oo ah sahrciyada qaramada midoobay u yaala ama laga rabo in qaran ama dawlad lagu ictiraafo ama loogu aqoonsado inay ka mid noqdaan bulshada caalamka.

Shacbi weynaha reer Somaliland waxay ugu horayn u mahad celinayaan horumarka guud ee Somaliland gaadhay, dhamaan odayaashooda isu xilqaamay inay ka qayb qaataan dhamaan shirarkii nabadaynta iyo dib u dhiska qaranka Somaliland, gaar ahaa afrata shirweyne ee noqday astaamaha ama dhabadii muhiimka u noqotay horumarka somaliland ka gaadhay dhinac walba, isla markaana noqday shirarkii gogol xaadhka u noqday horumarka iyo isku tanaasulka iyo nabada ay Somaliland ku naaloonayso 30kii sano ee ay xoriyadeedii kala soo noqotay isku darkii ay somaliland si bilaa shuruud ah ula midowday Somalia ee lagu hungoobay, keenayna xasuuq badan oo boqolaal kun oo shicib ah aan waxba gaysan, kuna lumeen dhaqaale lagu qiyaasay billions doolar oo ahaa kaydkii umadu ay lahayd, Somalilanda ka dhigay mucjisada qaarada Afrika Iyo meelo kale oo caalam weynaha ka mid ah Shirarkaa afarta ah ee dhaliyay Somaliland Iyo waxay samaysatayba waxay kala yihiin.

1. Shirkii Burco ee May 1991, halkaas oo ahayd meeshii lagaga dhawaaqay madaxbanaanida Somaliland, laguna abuuray dawlad. Somaliland waxay noqotay bilowgii horumarka Somaliland ka dib markii qabaailka dega Somaliland iyagoo dhan ama aan hal qabiil ka maqnayn ay isugu yimaadeen geed hoostii Iyo magaalada burco, si ay ugu gaadhaan ama ku gaadheen heshiis siyaasadeed oo horseeday walaalayo,isu tanaasul Iyo abuurkii Somaliland, noqotayna wado cusub oo keentay Isbeddelka balaadhan ee horumarka ah Iyo geeddi-socodka noqday mucjisada qaarada Afrika.

Odayaasha ka sokow waxa mahad balaadhan iyaguna leh jabahadii SNM, ilaahay ha u naxariisto intii ku shahiiday, ee wadanka xoraysay oo iyagu la yimif ama noqday mucjiso aan marnaba jeclaysan inay xukunka qabtaan, ama isku qabsadaan sida caadada u ah jabhadihii caalamka soo maray gebi ahaantood dhaqdhaqaaqaa SNM oo ahaa mid hubaysan oo la
dagaallamayay taliskii millateriga oo digtaatooroyad ku salaysnaa ee la dagaalamayay taliskaa macangaga ahaa 10 kii sano ee ka horeeyay 1991, isla markaan ilaahay garansiiyay inay dantooda ka horaysiiyaan danta umada Iyo ta dalka, xukunkiina si shuruud la,aana ugu wareejiyay siyaasiyiintii qarankan soo gaadshiiyay halkay maanta marayso, oo iyaguna mahad gaara aanu u hayno.

Waxaan sidoo kale uga mahadcelineynaa odayaasha dadaalka ay ku bixiyeen xalintii nabadeed ee dagaalkii sokeeye ee qarxay 1994. Sidaa daraadeed, horumarka Iyo nabada Somaliland ee bilaabmay 18-kii May 1991-kii, waxaana kow ka ahaa ama horseed u ahaa odayaasha dhaqanka Iyo diinta isugu jiray ee hogaanka Iyo hormoodka u ahaa dhamaan Qabaailka somaliland dega Iyo ururkii SNM ee isugu jiray madax Iyo mijoba.

2. Shirka labaad ama benchmark ka labaad ee
muhiimka noqday ku xigay shirkaa burco ee 1991.

Shirweynihii dib u heshiisiinta ee degmada sheekh ka dhacay sanadii 1992 Shirweynahaa dib uheshiisiinta ee magaalada Sheekh ee bishii November 1992, ayaa isna noqday kii lagu
heshiisiiyay kooxihii isku hayay magaalada Berbera, isla markaana ahaa meeshii lagu gaadhay goaankii iyo aasaaskii qabashada shirkii Boorama ee sanadii 1993

Qodobka saddexaad ee muhiimka ah isna waxaa uu ahaa

3. Shirweynihii Boorama ee 1993, oo isna lagu ansixiyay Axdiga Nabadda iyo Axdiga Qaranka labadaba, isla
markaana lagu doortay laba gole, Madaxweyne iyo Ku-xigeenkiisa. Shirkii Boorama ee 1993 runtii wuxuu noqday mid taariikhi ah oo ahayd mid lagu celiyay nabada iyo dowladnimada Somaliland ay kala dhaxashay sodonkaa
sano

Furaha afaraad waxaa uu ahaa.
4. Shirweynihii Hargeysa ee sanadkii 1997 ee lagu
doortay Goleyaasha Sharci-dejinta, Madaxweynaha iyo
Madaxweyne-ku-xigeenka, laguna sameeyay sameynta
Dastuur cusub iyo magacaabista guddiga qortay dastuuka.

Afrartaa benchmark ama Astaamood ee aynu xusnay ayaa ah kuwii iyo dhacdooyinka ugu muhiimsanaa ee keenay guusha nabadda Somaliland, iyo dadaallada xoojinta dowladnimada, isla markaana keentay ama dhalisay mid dastuurka Somaliland lagu ansixiyay afti qaran oo loo qaaday 31-kii May, 2001-dii, oo ay codbixiyeyaashu shacabka Somaliland dhiibteen 97%, ay goobjoog ka ahaayeen wadamo badan oo Afrika, Asia Iyo reer galbeed kuwooda u tunka wayni. Noqotayna dhabadii hir gelisay in si dimuqraadi ah lag doorto shan madaxweyne oo u dhacday si nabad Iyo guul ah, xilkana kula kala wareegay si nabdoon oo dimuqraadiyad ah oo waafaqsan dastuurka qaranku dhigtay.

Dadaalladaa iyo halgannada manfaca noqday ee ay ku
dheehnayd ama huwanaa sharafta Iyo wadaninimada ee
reer Somaliland waxay beddeleen aragtidii adduunka ka qabay Somaliland isla markaana sii ballaadhiyeen sumcadda iyo sharaftii Somaliland ee bulshada caalamka.

Markaa waxaa la odhan karaa Guusha Somaliland waxay runtii ka soo aroortay ama ay tahay natiijada wada hadaladaa iyo shirarkaa afar ka mid ah aynu sheegnay ee ku saabsanaa geeddi-socodka nabadda iyo rabitaanka shacabka reer Somaliland aanay u kala hadhin ee ahayd sidii loo ilaalin lahaa midnimada, ixtiraamida iyo u hoggaansanaanta sharciga, horseedayna in laga shaqeeyo oo la hir geliyo heshiisyo badan oo bulsho iyo siyaasadeed laguna xusho ama doorto hoggaamiyeyaashooda ilaa waqtigan xaadirka ah. Caqabadaha la darsay ama soo foodsaaray, dhaawicina gaadhay geedi u socodkaa nabada Somaliland waxaa ka
mid noqday ama noqotay caqabadda ugu welwelka iyo culeyska badnayd ee Somaliland waxay ahayd dib u dhigista ama dib u dhaca ku yimid doorashooyinka golayaasha ee lumiyay waqti lagu dooran karayay sadex goleyaal, taasoo imika, waa ilaa ilaahay mahadii ee ugu danbayn la qaban doono usbuuca soo socda ama taariikhda 31, MAY 2021

*Doorashooyinka Somaliland *

Muxuu yahay hadafka koowaad ee Somaliland ee dhanka
doorooshayoonku?

Hadafka koowaad waa sii wadida Iyo hir gelinta Iyo dhiirrigelinta in doorashooyinku dhacaan waqtigooda dastuurku u cayimay, isla markaana u dhacaan si xor, xalaal ah oo nabdoon, iyo in la hubiyo in geeddi-socodka horumarka iyo dib u dhiska Somaliland ee dhan walba lehi aanu marnaba hakan ee uu sii socdo si looga dhaqaaqo halka imika la joogo, loona maro dhabada ama toobiyaha saxda ah iyo dimuqraadiyada lagu soo waday Somaliland ee dastuurka ku qeexan.

Ma jirto wadan Afrika ah oo awood u yeeshay inay
qabsadaan shan doorasho madaxweyne iyo laba gole oo u dhacay si dimuqraadi ah, iyadoo weliba ay jireen dhibaatooyin sharci Iyo kuwo dhaqaalaba xakamayn karayay ama dhib ku keeni karayay habsami u socodka doorashooyinka iyo horumarka guud ee Somaliland.

Runtii horumarka Somaliland ee dhinac kasta laga gaadhay, intii loo dadaalay ama juhdi la geliyay, ee la hir geliyay waxay Somaliland u tahay guul wax ku ool ah, walow aan aaminsanahay in la samayn kari lahaa horumar ka badan inta la sameeyay imika.

Somaliland guulaha ugu waaweyn ee la taaban karo waxaa la odhan karaa, marka laga yimaado dib u dhiska qaranka guud, iyo hir gelinta dimuqraadiyada, waxay ay yihiin labadii Doorasho ee madaxtooyada kala dhacay June 2010 iyo November 2017 inay ahaayeen guulihii ugu weynaa ee qaranka Somaliland, runtiina noqday kuwa soo jiitay indhaha caalamka, gaar ahaan geeska Afrika Iyo dhamaan caalamka.

Sidaa daraadeed waxa shacab weynaha Somaliland looga baahan yahay inay fahmaan muhiimada ama ahmiyada doorashooyinka ay qaranka Somaliland u leeyihiin, iyo in ay doorashooyinka  31 May 2021 Iyo kuwa ka danbeeyaba ay u dhacaan si
dimuqraadi xor iyo xalaal ah oo nabdoon, kana sii wanaagsan kuwii hore aynu u qabsanay, maadaama ay doorashadan May 2021 ay tahay mid natiijadeeda ay sugayaan dhamaan bulsho weynta caalamka.

Caqabado kasta ama caqabado kasta oo la xidhiidha geeddi-socodka horumarka, dib u dhiska qaranka iyo doorashooyinka, waxaa muhiim ah in si dhaqso ah loo fahmo oo si dhaqso ah wixii caqabad ah looga qabto si aan muran Iyo buuq u iman oo looga hor tago Talo ku socota Madaxweynaha qaranka iyo hogaanka sadexda xisbi Sida la ogyahay ama ku qeexan Dastuurka qaranka,madaxweynuhu qaranku wuxuu dastuuriyan leeyahay awood aad u balaadhan, madaxwynaha waqtigaa xilka haya ayay saaran tahay masuuliyada koowaad ee qaranka oo dhan, madaxweynaha ayay masuuliyada koowaad ee doorashooyinka dhacaya saaran tahay, kolba madaxweynaha xilka markaa haya,
madaxweyne doorashooyinka 2021 iyo 2022 waxay Ku xidhan tahay hogaamintaada iyo rabitaankaaga siyaasadeed,
dhicdeeda iyo nabad u dhicisteeduba ama midho dhalkeeduba adiga ayay madaxweyne kugu dul saaran tahay marka koowaad, guusheeda iyo taariikhdeedana yeelanay, marka labaadna waxaa masuuliyadaa kula wadaaga oo ay saaran tahay xisbiyada qaranka dastuuriyan, isla markaana looga baahan yahay inay masuuliyadeeda qaataan oo ku garab istaagaan sidii ay horeba u qaateen masuuliyadaa oo ay xisbiyada qaranka kula hubiyaan in ay doorashooyinku u dhacaan si dastuurka waafaqsan oo nabdoon. Waxaa aan qirayaa oon shaki ku jirin in xisbiyada qaranku ay iyaguna intii ay jireen ay kaalintooda ka qateen horumarka guud ee qaranka, walow ay jireen murano ka dhashay doorashooyinkii hore, hadana marka loo eego jaararka Iyo caalamka la odhan karo inaanay ahayn wax sidaa u weynaa ama dhib inagu keenay, balse dhib badan keeni karayay balse aakhirkii laga heshiiyay oo isu tanaasul yimid.

Waa hubaal in xisbiyada qaranku ay qayb laxaad leh ama qaybtoodii ay ka qaateen horumarka Somaliland. Xisbiyada qaranku Somaliland waxay ahaayeen kuwo si heer sare ah loo soo agaasimay u yeeshay ka qayb qaadashada dhamaan wareegyadii hore ee doorashooyinka, iyagoo ku jiray iyadoo xisbiyada iyo qarankuba ay ku jireen duruufo adag oo dhaqaale Iyo siyaasadba lahaa wareegyadaa doorashooyin ee hore, imikana looga baahan yahay inay mar kale ka soo dhalaalaan oo si muga leh u qaataan kaalintooda doorashooyinka soo socda oo ah kuwii ugu muhiimsanaa doorashooyinkii ay Somaliland qabsatay sodonkii sano ee ay Somaliland jirtay, isla markaana ah kuwo si weyn ay natiijadooda u sugayso dhamaan bulshada caalamku.

Guud ahaan shacabka Somaliland gudo Iyo dibadba waxay ku rajo weyn yihiin in dawlada Iyo hogaanka xisbiyadu muujiyaan hogaamin dheelitiran oo ku waajahan doorashada soo socota ee May 2021 Iyo 2022.

Komishanka Qaranka

komishanka doorashooyinka Qaranka (NEC) ee hore
waxay qabteen oo ilaahay ku asturay inay si xilkasnimo iyo daacadnimo wadanimo ku dheehnayd u fuliyeen doorashooyinkii ay qabteen, runtiina muujiyay dulqaad dheeraada oo guul ku dhamaaday, sidaa darteed shacabku waxay rajaynayaan in komishanka cusubi uu sidaa si leeg oo waafi ah u gudan doonaan waajibaadkooda. Warbaahinta Somaliland Saxaafada somaliland waxaan odhan karaa inay tahay mid aan jirin, ma jirto haba yaraatee aqoon saxaafadeed, ma lihin iskuulo, machadyo ama jaamacado lagu bartosaxaafada, ma lihin weriye ama tafatire garanaya ama debedaha ka bartay habka saxaafada ee wax loo qoro ama loo gudbiyo iyo adaabta saxaafadeed, kuna dhaqmin
sharciga wadanka u yaala iyo diin toona, ma jiro sharci xakameeya ama qabta, saxaafada Somaliland siday u dhan tahay waa tebiyayaal ama presenters aan iyaga laftoodu lahayn aqoontii tebinta

Saxaafada Somaliland

Saxaafadaa somaliland waxaa ka maqan aqoontii saxaafada (know-how), waxaanu runtii ku salaysan kamarad duubisteed iyo cod la duubay, waxay hadana haysta xoriyad ilaa xad oo aanay xataa haysan wadamada hore u maray, sida reer galbeedka, ayay hadana abuuraan buuq badan Iyo kicin bulsho marmar keenta in la isla gaadho meel xasaasi ah, sabantuna ay tahay baahinta ku salaysan xad gudubyo shaqsi, mid xisbi Iyo middawladeedba Iyo iyadoo aan lagu dhaqmin sharciga dastuurka ku qeexan ee xakamayn lahaa kuwaa caafaystay in waxay doonaan qora ama tebiya, lahayna aqoontii ku haboonayd ee suxifi Iyo warbaahin midna.

Saxaafadda Somaliland waxay ku dhaqantaa inay si masuuliyad-darro ah u gudbiso ama tebiso warar meel ka dhac ah ama aan sax ahayn oo aanay cadaynteeda hayn, inta la samaynaayo sharci warbaahinta ka xaakameeya xad gudubyada bulshada waa in warbaahintu u dhaqmaan si masuuliyad leh oo ay cadayn karaan waxay tebiyaan.

Talada aan u jeedinayo madaxweynaha ayaa ah in waqtigan xaadirka la gaadhay oo bulshada dulqaadkeedii warbaahintu uu dhamaaday, lana gaadhay xilligii ay Somaliland samayn lahayd iskuullo, machadyo ama kulliyado saxaafadda lagu barto isla markaana la sameeyo sharciyo xakameeya warbaahinta oo xakameeya Warbaahinta dawlad iyo kuwa gaarka loo leeyahayba si ay isaga xil saaraan wixii ay bulshada u soo gudbiyaan loona yareeyo dhibta ay wararka been abuurka ku salaysan

Waa inay jirtaa hay’ad sharci oo xakameysa warbaahinta isla markaana ganaax ku soorogta dadka ku xadgudba sharciga. Dhammaan warbaahinta baahisa warar been abuur ah oo aan la xaqiijin karin, ha ahaadeen shaqsi, xisbi ama dowlad, waa in lagu soo rogaa ganaaxyo culus.

Warbaahinta sida qaldan wax u tebisaa waxay abuurtaa jawi adag iyo isku dhac bulsho, isla markaana saameyn ku yeelan kartaa nabadda, horumarka iyo geeddi-socodka dimuqraadiyada. tusaale ahaan, warbaahinta gaarka loo leeyahay ayaa midba midka kale been abuur ku sameeyaa, taasoo keeni karta masiibo iyo inay iska hor imaad bulsho dhacdo.

Ururada Bulshada.

Ururada bulshada ee maxaliga ah waa inay sidoo kale bilaabaan ka qeyb qaadashada, horumarka, dib u dhiska qaranka iyo geedi socodka dimoqraadiyeynta dalka. Inta aan arkay ama ka sheegi karo ururada madaniga ah, ururo maxali ah oo la odhan karo shaqadooda ayay si hufan u qabtaan kama jiraan Somaliland.

Hay’adaha ama ururada
bulshada waxa looga baahnaa inay qabtaan doodaha bulshada ee arrimaha xasaasiga ah, waa inay qabtaan tababaro ku saabsan hogaaminta, kobcinta maamulka, waa inay bixiyaan tababaro ku saabsan doodo ku salaysan xaalada kolba markaa taagan, doodista arrimaha la xiriira doorashooyinka. Way jiraan ururo ama NGO-yo u dooda arimo bulsho, sida kuwa ka shaqeeya
xoojinta doorka haweenka ee howlaha doorashada

Dhamaan reer Somaliland waxaan leeyahay Iga gudooma
salaan iyo hambalyada 18 May ee 30 jirsatay meel kasta
oo aad adduunka ka joogaan.

Ra’yiga lagu soo bandhigay maqaalkan wuxuu ka turjumayaa aragtida qoraaga, mana aha mid ka turjumaya siyaasadda tifaftirka, ama Faallada Araweelo News Network.

Ahmed Yasin Mohamed Jama
aymjama@hotmail.co.uk