Araweelo News Network

Khubaro kala duwan, ayaa soo saaray daraasad cusub oo ay ku ogaadeen in shaqo la’aantu ay sababto dhibaatooyin caafimaad oo soo gaadha qofka, iyagoo xusay in dadka aan shaqayn ay halis ugu jiraan cudurka faaliga.
Waxa ay khubaradan kula taliyeen dadka aan camalka haysan in ay goobaha shaqooyinka booqdaan, raadsadaana in ay shaqo ay waqtigooda ku qataan helaan yaanay lacag ba ka heline.
Daraasadan caafimaad waxa ay sheegtay in dadka shaqo la’aantu haysaa ay isku buuq badan la kulmaan, kadibna dhiiggoodu xijir sameeyo, taasina ay aakhirka keento in xidido xidhmaan, sidaasna ay ku qataan xannuunka faaliga.
Khubaradu waxa ay sheegeen in isku buuqa uu sababo in qofku uu awooddi waayo helida dhaqaale uu hawlihiisa ku mareeyo, haddii muddo dheer xaaladaas uu ku sii jirana caafimaad kiisu khatar badan galo.
Cilmi-badhayaal Jabbaan u dhashay, gaar ahaan ka tirsan Jaamacada Osaka University, ayaa fallanqeeyey macluumaadka ku dhawaad 42,000 qof oo da’doodu u dhaxayso 40 ilaa 59 jir, waxaana daraasadan lagu waday muddo 15 sannadood ah. Waxa soo baxday in dadka shaqo la’aantu haysaa ay u nugul yihiin xannuunka faaliga, gaar ahaan ragga camal la’aanta ah waxa ay 60% halis ugu jiraan xannuunkan, waxaanay 150% u geeriyoodaan arrintan, marka loo eego ragga shaqeeya.
“Arrinta ku qarsoon waxa ay tahay in shaqada oo sugan marka uu qofku ku jira da’da wax soo saarkiisu badan yahay ay ka caawinayso inuu ka badbaado faalig. Dadka la il-darran shaqo la’aanta waxa ay u baahan yihiin in laga caawiyo in ay suuqyada shaqada soo galaan oo ay helaan camal ku filan,” ayuu yidhi Prof. Hiroyasu Iso oo daraasadan qoray.
Waxa ay cilmi-baadhayaashan sheegeen in daraasadan dalka Jabbaan si dhab ah uga hadlayso, loona baahan yahay in lala eego dalalka dhaqannada ka duwan leh in ay ku habboon tahay.