Araweelo News Network

mohaliclayHalyeeygii feedhka miisaanka culus ee adduunka Allaah ha u naxariistee marxuum Maxamed Cali Clay, ayaa ku geeriyooday cusbitaal ku yaal magaalada Arizona ee dalka Maraykanka, kadib markii xannuun aan daawo lahayn muddo badan hayey habeennimadii Jimcaha.
Feedhyahanka geeriyooday oo da’diisu ahayd 74, waxa uu caan ka noqday adduunka, iyadoo cusbitaalka loola cararay Khamiistii toddobadkan, iyadoo ay ku adkaatay in neeftu ka soo baxdo. Warbaahinta dalka Maraykanka ayaa sheegtay in xaaladiisa uu sii xumeeyey cudur ka la yidhaa (Parkinson Disease).
Marxuum Maxamed Cali laguma aqoon feedhka oo kaliya, balse waxa uu caan ku ahaa u dhaqdhaqaaqista xuquuqaha madaniga ah. Dhawr jeer ayaa sannadihii u dambeeyey cusbitaalka la dhigay, xalaaddiisuna ka dartay. Wixii ka dambeeyey 2014 waxa uu ahaa cusbitaal yaal, kadib markii xaaladdiisa caafimaad aad u xumaatay, halka dhuunta kaadi-mareenka caabuq kaga dhashay 2015-tii.
Xannuunka maskaxda kaga dhacay ee (Parkinson) waxa loo aaneeyaa in ay ku keentay feedhadhkii madaxa kaga dhici jiray muddo 30 sanno ah ee uu ku dhex jiray ciyaarta feedhka, taasoo keentay aakhirkiina in xataa hadalladii uu dadka u jeedin jiray yaraadaan.
Waqtigan qoyskiisa ayaa diyaarinaya baroor-diiq la filayo in ay dad aad u tiro badan ka qaybgalaan.
Sida wargeyska Guardian soo tebiyey, bishii December 1981-kii: Waxa uu Cali ku dhawaaqay hawlgabkiisa, kadib markii uu ka guulaystay feedhyahanka ay isku lodka ahaayeen ee Trevor Berbick, wixii intaa ka dambeeyeyna waxa aayar aayar uga soo if baxayey calaamadaha xannuun maskaxda kaga dhacay (Parkinson).
Saddex sanno kadib oo ahayd sannadkii 1984kii waxa lagu dhawaaqay in laga helay xannuun aan daawo lahayn. Xannuunkaas waxa uu keenay in hadalku ka xidhmo, jidhkiisa dhaqdhaqaaqiisuna yaraado. “Waan fiicanahay…waan weynaaday oo naaxay, laakiin dhammaanteen waa is beddelaynaa,” ayuu yidhi mar uu xaaladiisa ka hadlayey.
July 1996: Waxa uu mar kale ka soo muuqday shaashadaha caalamka, kadib markii uu qaaday tooshka ciyaaraha Olambigada, gaar ahaan kuwii waqtigaas ka qabsoomay dalka Georgia ee bariga qaaradda Yurub.
Xaaladiisu way ka sii dartay, laakiin waxa uu ladnaaday sannadkii 2000 ilaa 2001 wuxuuna ahaa nin arrimo badan oo bulshada ah qayb ka noqday.
January 2005: Madaxweyne George Bush ayaa siiyey abaalmarinta Xorriyadda (Presidential Medal of Freedom); waa abaalmarin ugu sarreeya ee qof shicib ah Maraykanka la siiyo, balse mar dambe dib hadda looguma arag goobaha dadweynuhu isugu yimadaan.
November 2011: waxa uu ahaa 69 jir, waxana la geeyey cusbitaalka Arizona si looga daaweeyo fuuq-bax, kadib markii gaadhi uu ku jiray ku fuuq baxay.
December 2014-kii: Cali waxa la geeyey cusbitaalkaas si looga daaweeyo xannuun maskaxda ah oo ku sii batay. Aakhirkii waxa la caddeeyey in caabuq dhuunta kaadi-mareenka kaga dhacay.
January 2015: Sannad-guuradii 73aad ee dhalashadiisa ayaa qoyskiisu baahiyeen sawirro uu kula jiro oo muujinaya xaaladisa, halka March 2016 xaaskiisu ku dhawaaqday in xaaladdiisu ka sii dartay oo uu daawado muqaallo hore oo muujinaya ciyaarihii feedhka iyo hadalladii uu dadka u jeedin jiray.