Araweelo News Network

ramadaanHargeysa(ANN)Caalamka Islaamka ayaa caawa oo Isniin ah lagaga dhawaaqay inta badan inay bilatay bisha barakaysan ee Ramadaan 1437 Hijriya oo ku beegan taariikhda Miilaadiga 6 Jun 2016
Dalal baddan oo dunida Islaamka ah, ayaa la shaaciyay caawa in ay tahay bilawga bisha Barakaysan ee Ramadaan, iyadoo meelaha laga arkay bilashada bisha ay dhulka Soomaalidu degto ka kid tahay.
Hoggaamiyayaasha Dalalka Islaamka, ayaa shacbigooda ugu bushaareeyay bisha Ramadaan, Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo iyo Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi ayaa ugu hanbalyeeyay shacbiga Somaliland Bisha Barakaysan ee Ramadaan.

Hoggoomiyaha Dawlada Britain oo ah Kristian, ayaa Muslimiinta dalkiisa ugu bushaareeyay curashada bisha barakaysan ee Ramadaan, wuxuuna u rajeeyay guul.