Araweelo News Network
Laascaanood(ANN)Maamulka Gobolka Sool ee xukuumadda Somaliland, ayaa awaamiir culus oo la xidhiidha qaboojinta dagaallo laba beelood oo walaalo ah ku dhexmaraya Koonfurta Gobolka Sool ee dalka.
Dagaalka dhexmaraya beelaha walaalaha ah oo labadii maalmood ee u dambeeyey ka socday deegaanka Dherkayn-geeyo ee koonfurta Gobolka Sool, ayaa la sheegay inuu ka dhashay khasaare culus oo isugu jira dhimashada dad badan iyo dhaawacyo tiro badan.
Badhasaabka Gobolka Sool Md. Mustafe Cabdi Ciise (Shiine), ayaa shaaciyey awaamiir ay ka soo saareen xal-u-helidda dagaalka ka dhex socda beelaha walaalaha ah, isagoo sheegay in cutubyo ka tirsan ciidammada qaranka Somaliland ay kala dhex-galeen beelaha dagaallamaya subaxnimadii hore ee shalay. Waxa kaloo uu ugu baaqay labada dhinac inay joojiyaan dhiigga daadanaya, isla markaana oggolaadaan xabbad-joojin iyo wadahadal.
“Annagu ka maamul ahaan iyo guud ahaan madaxda dawladda Jamhuuriyadda Somaliland ilaa shalay iyo xalay (Jimcihii) waxaannu ku hawlanayn sidii loo joojin lahaa colaadda. Guddiga Nabadgalyada ee Gobolku shir ay isugu timi waxaannu ku go’aaminay in magaalada Laascaanood la galiyo ciidan amni oo isugu jira boolis iyo millatariba, kuwaas oo sugaya in aanay magaalada Laascaanood ee caasimadda ah waxba ka dhicin. Waxaan ugu baaqayaa dhallinyarada joogta magaalada ee labadaa ardaa ka soo kala jeeda in aanay isku dayin inay magaalada gudaheeda hub la dhexmaraan. Ilaa xalay (habeenkii Sabtidu soo galaysay) hub baannu qabqabanay, dadna waa la xidhxidhay. Qorigii aannu qabano dib u noqon maayo, qofkii aannu ku qabanno isagoo colaad abaabulayana xabsi ayaa la gayn doonaa oo sharcigaa la horgayn,” ayuu yidhi Guddoomiyaha Sool oo shir-jaraa’id ku qabtay magaalada Laascaanood shalay.
Waxa kaloo Guddoomiyaha Sool xaqiijiyey in cutubyo ka tirsan ciidanka qaranka Somaliland gaadheen deegaanka colaadda labada beelood ka socoto, waxaannu yidhi, “Cutubyo ka socda ciidammada qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa gaadhay degaanka Dherkeen-geeyo maanta (shalay), ciidankaasi wuxuu joojiyey rasaastii halkaa ka socotay, ciidanka qaranka ayaa ka masuul ah oo la wareegaya nabadgalyada Dherkeen-geeyo, sidoo kalena tuulooyinka u dhawdhaw deegaankaasi ciidanka qaranka Somaliland ayaa gacanta ku wada dhigaya. Nabadgalyada cidna laga baryi maayo.”
“Odayaasha labada dhinac intii halkan ka joogtay (Laascaanood) oo aan la kulmay maanta (shalay) waxaannu ka codsanay inay ilaaliyaan nabadgalyada, waxa kaloo aannu ka codsanaynaa in nabadgalyada iyo wanaagga jecel in ay ciidanka la ilaaliyaan nabadgalyada,” ayuu hadalkiisa ku soo ururiyey Badhasaab Shiine.