Araweelo News Network

Guddoomiyaha KULMIYE Muuse Biixi oo ka hadlaya shirkii Caynabo

Guddoomiyaha KULMIYE Muuse Biixi oo ka hadlaya shirkii Caynabo

Hargeysa(ANN)Guddoomiyaha, ahna murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa baaq nabadeed ka soo saaray shaqaaqo dad badan ku dhinteen oo beelo walaalo ah ku dhexmartay degaanka Dharkayn-geeye oo ka tirsan Gobolka Sool.
Guddoomiye Biixi oo warsaxaafadeed ka soo saaray magaalada Hargeysa xalay, waxa uu ku baaqay in bulshada walaalaha ah joojiyaan colaadda iyo dagaalka sababay khasaare nafeed oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac, kaasoo bilawday maalintii Jimcaha, kadib markii la isku maandhaafay geel dhinacyada diriray mag u kala qaadan lahaayeen.
“Waxaan halkan baaq nabadeed uga dirayaa dadka walaalaha ah ee dagaalku ku dhexmaray deegaanka Dharkayn-geeye ee Gobolka Sool in ay joojiyaan colaadda.
Xisbiga KULMIYE wuu ka xunyahay dadka muwaaddiniinta ah ee dhexdeenna ku dhintay, waanuna ka tacsiyadaynayaa qoysaska iyo qaranka ay ka baxeen dadka ku naf-waayey shaqaaqadaas oo aynu Alle uga baryeyno inuu u naxariisto, kuwa dhaawacmayna siiyo caafimaad. Xisbiga KULMIYE wuxuu dareemayaa xannuunka ay leedahay colaadda sokeeye, sababtoo ah qof kasta oo ku geeriyooda waa ruux ka baxay qaranka Somaliland, waanna kugu dhimay oo kaa dhimay.
Xisbiga KULMIYE wuxuu xasuusinayaa beelaha walaalaha ah ee dagaallamaya in sida diinteenna suubbani ina farayso, dadnimada iyo ehelnimaduna tahay in la joojiyo fidmada, wixii dhibaato ahna si miyir-qab iyo nabad ah lagu xalliyo.
Qaran ahaan ummadda reer Somaliland, dawladda, xukuumad ahaan iyo shacbiba waxa innagu waajib ah in aynu ka gurmanno colaaddan oo la kala dhex-galo dhinacyada dagaallamaya si aan dhiig dambe u daadan.
Somaliland waxaynu ku soo caano-maalnay in aynu dhibaatooyinkeena ku furdaamino wadahadal, wadatashi iyo isu-tanaasul, maantana waxa innagu waajib ah inaynu dhiigga daadanaya joojinno oo dhibaatadu aanay halkaas dhaafin.
Sidaa darteed, waxa waajib innagu wada ah in aan rasaas nool la isku adeegsan marka khilaaf yar yimaad, balse wax kasta ha laga horreysiiyo wanaagga, walaaltinimada iyo in si miyir qab ah loo xasilliyo, iyadoo markasta mudnaanta la siinayo ilaalinta nafta qofka bani’aadamka ah,” ayuu yidhi Guddoomiyaha KULMIYE.