Araweelo News Network

ciyaartoydaLondon(ANN)-Riyad Mahrez-ka reer Al-Jeeriya iyo Sadio Mane oo u dhashay Senegal ayaa midkood loo caleemi saari doonaa cayaarayahanka Afrika sannadka ee BBC maanta oo Isniin ah.
Taageerayaasha daafaha adduunka kala jooga ayaa u codeeyey midka ay u doonnayaan in uu ku guulaysto abaalmarinta 2016-ka.

Shantii hore ee lagu koobay liiska ayaa ku soo hadhi doona hal mid mana jirto ilaa hada wax tilmaamaya inay kala horeeyaan, iyadoo Pierre-Emerick Aubameyang, Andre Ayew iyo Yaya Toure ay goor hore oo saaka ah ka hadheen tartanka.
Guulaystaha waxaa shaaca looga qaadi doonaa si toos ah barnaamijka BBC Focus on Africa ee Telefishinka, Idaacada iyo Online-ka laga bilaabo saacaddu marka ay tahay 17:45GMT oo u dhiganta 8:45 tan bariga Afrika.

Waa marki iugu horreysay ee weeraryahanka Leicester iyo Al-Jeeriya Mahrez abaalmarinta loo magacaabo.

25-sano jirkan ayaa u riyaaqay guulo cajiib ah sida uu u niyad galiyey kooxddiisa horyaalka Ingiriiska ka cayaarta oo markii hore 5,000-1 saadaasha ka joogtay inay qaaddo horyaalkii ugu horreeyey.

Wuxuu dhaliyey 17 gool waxaana u codeeyey ururka xirfadlayaasha kubadda cagta in uu noqdo cayaaryahanka sannadka, waana Afrikaankii ugu horreeyey ee abaalmarintaas ku guulaysta, wuxuu kaloo ka qayb qaatay in Al-Jeeriya ay u soo baxdo ka qayb galka koobka Qaramada Afrika ee 2015-ka.

Gooldhaliyaha Senegal Mane, oo 24 sano jir ah wuxuu noqday cayaaryahankii Afrikaan ah ee ugu qaalisanaa taariikhda markii uu ugu ku biiray kooxdda Liverpool 34 milyan Pound xaggaagii.

Si dhakhso ah ayuu saamayn ugu yeeshay Anfield [Garoonka Liverpool], isagoo dhaliyey 7 gool 15 kulan oo uu u ciyaaray kooxdda guduudka [Liverpool], ku biiristiisii ka hor, wuxu u dhaliyey sideed gool kooxda Southampton sannadkan, oo ay ku jiraan saddexley uu ka dhaliyey kooxdda Manchester City oo xilligaas koobka haysatay.

Guulaysta abaalmarinta wuxuu ku biiri doonnaa liiska halyeeyada Afrika ee horray u qaatay abaalmarintan oo ay ka mid yihiin Dider Drogba, Maxamed Aboutrika iyo Jay-Jay Okocha.

Taariikhda Andre Ayew

Taariikhda Riyad Mahrez

Taariikhda Yaya Toure

Taariikhda Pierre-Emerick Aubameyang

Taariikhda Sadio Mane