Araweelo News Network

Madaxweyne Siilaanyo oo koobka gudoonsiinaya kooxda ku guulaysatay Ciyaaraha

Madaxweyne Siilaanyo oo koobka gudoonsiinaya kooxda ku guulaysatay Ciyaaraha


Hargeysa (ANN) Wejiga labaad ee Ciyaaraha Gobollada Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa si rasmi ah uga furmay garoonka kubbadda cagta Hargeysa Stadium 27 October 2016, halka ciyaaraha Kolayguna ka furmeen garoonka Timacadde 28 October, kuwaasoo socday muddo 17 maalmood ah oo xamaasadaha ciyaaraha si toos ah loogala socday telefiishannada kala duwan, iyadoo muddadaasna laga nastay buuqa siyaasadda.
Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ka qaybgalay ciyaartii lagu furay tartanka Gobollada oo dhexmartay xulalka Saaxil iyo Xaysimo (Saaxil 4: 0 Xaysimo), ayaa haddana goob-joog ka noqday ciyaartii lagu soo gunaanaday tartanka ay fooda isku dareen Gobollada Saaxil iyo Awdal gelinkii dambe ee shalay oo taariikhdu ahayd 12 November 2016, taasoo ahayd faynalkii lagu kala qaaday koobka loo tartamayey muddada 17 maalmood ah.

Xulka Gobolka Awdal, ayaa markii ugu horreysay ku guulaystay koobka kubbadda cagta gobollada Jamhuuriyadda Somaliland, kadib markii ay 2-1 kaga adkaadeen dhiggooda Saaxil oo ay iskaga horyimaaddeen ciyaartii kama dambaysta tartanka 7aad ee gobollada, iyadoo ay labada kooxoodba soo bandhigeen ciyaar aad u qurux iyo xiiso badan, lana odhan karo waxay ahayd ciyaartii ugu wanaagsanayd ee la soo bandhigo muddada uu socday tartanka ciyaaraha Gobollada Somaliland 2016.
Daawashada ciyaartan waxa ka qaybgalay Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), wasiirro, xildhibaanno ka tirsan goleyaasha baarlamanka, masuuliyiinta xisbiyada qaranka iyo kumanaan qof taageerayaasha labada kooxood ah oo buux-dhaafiyeeyey garoonka weyn ee caasimadda.
ciyaartoyda1
Madaxweynaha oo garanka u saxeexay ciyaartoy reer Awdal ah
Ciyaartoyga Gobolka Saaxil, ayaa muujiyey ciyaar xoogan oo u badan weerar, balse difaaca Awdal oo uu hormuud u ahaa gool-haye Baashe Yuusuf, ayaa hal bacaad lagu lisay ka dhigay weerarka Saaxil, waxaannu gool-haye Baashe uu badbaadiyey kubad rikoodhe ahayd oo loo dhigay Gobolka Saaxil, taasoo uu laaday laacibka khatarta ah ee Mustafe Messi, iyadoo muddada 90 daqiiqo ah ee ciyaartu socotay ku dhammaatay Awdal oo la timmi 2 gool iyo Saaxil oo dhaliyey hal gool, sidaasna waxa Gobolka Awdal ku noqday horyaalka kubbadda cagta ee Gobollada Somaliland.
ciyaaraha2
Mawjado hadheeyey murankii siyaasadda
Bahda wargeyska Jamhuuriya, ayaa warbixin ay diyaariyeen ku iftiiiyey in ciyaaraha Gobolladu noqdeen mawjado hadheeyey muranka siyaasadda, maadaama muddada ay socdeen maalin walba si toos ah looga daawan jiray telefiishannada dalka iyo shabakadaha bulshado ku wada xidhiidho, halka sidoo kale si toos ah looga socday Radio Hargeysa, taasoo ka dhigtay in lagaga sheekaysto goobaha dadku isugu yimaadaan, laguna mashquulo hadal hayntooda, waxaanna markoodii u horeeyey sannadkan lagu qabtay garoonka Hargeisa Stadium oo la dhigay roogga doogga ah ee lagu goglo garoomada waaweyn ee caalamka.
garsoorayaasha
Meheradaha ganacsiga, mafrishyada fadhi-ku-dirirka, goobaha laga qaxweeyo iyo baraha internet-ka bulshadu ku wada xidhiidho, waxa hadheeyey sheekooyinka khuseeya arrimaha ciyaaraha muddada 17-ka maalmood ah ee ay socdeen ciyaaraha gobolladu, iyadoo ay muddadaasna dad aad u badan ka nasteen muranka siyaasadda sanadaha badan lagu dawakhay.garsoorayaasha

Dhinaca kale, guud ahaan magaalooyinka Gobolka Awdal ee galbeedka Somaliland, ayaa waxa ilaa saqdii dhex ee xalay ka socday dabbaaldegyo waaweyn oo lagu taageerayo guulaha taariikhiga ah ee gobolkoodu ka soo hooyey tartanka ciyaaraha gobollada oo lagu soo gunaanaday caasimadda Hargeysa shalay.
Wejiga labaad ee tartanka ciyaaraha koobka kubbadda cagta gobollada Somaliland ee sannadkan waxa ku hirdamayey 8 gobol oo kala ah; Saaxil, Daad-madheedh, Gabiley, Hawd, Xaysimo Sanaag, Sool iyo Awdal oo markii ugu horreysay koobka geeyey magaalada Boorama oo si ballaadhan looga soo dhoweeyey, halka sidoo kale uu socday tartan dhinaca orodka ah oo ay ka qaybgaleen ciyaartoy ka kala socday gobollada dalka oo dhan.
Garoonka Timacadde iyo Faynalkii Kubbadda Kolayga
mrqodax
Guddoomiyaha Xidhiidhka Kubbadda Kolayga Mr. Qodax
Tartanka Kubbadda Kolayga Somaliland oo ay ka qaybgaleen 8 gobol, waxa ciyaarta kama dambaysta ah isugu soo baxay xulalka Saaxil iyo Gabilay oo fooda is daray habeenkii Sabtidu soo gelaysay ee 11 November 2016, waxa guushu raacday Gobolka Saaxil oo markii u horaysay taariikhda noqday horyaalka kubbadda Kolayga Somaliland, waxayna koobka kala wareegeen xulka Gabilay oo ahaa horyaalka Kolayga, kadib markii ay qaadeen sannadkii 2013-kii.

Ciyaarta faynalka ahayd ee kubbadda Kolayga oo lagu qabtay garoonka Timacadde ee caasimadda Hargeysa, waxa ka qaybgalay Guddoomiyaha KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, Wasiirrada Madaxtooyada Md. Maxamuud Xaashi Cabdi, Maaliyadda marwo Samsam Cabdi Aadan, Ciyaaraha Md. Cabdillaahi Faarax Maydhane iyo taageerayaasha labada kooxood oo buux-dhaafiyey garoonka.
Maamuuskii Madaxweynaha ee magacyada milgaha mudan

Garsoorihii ciyaarta oo kubad loo saxeexay
Waxa tartanka ciyaaraha Gobollada lagu soo gunnaanaday maamuus loo sameeyey xulalka gobollada, ciyaaryahannada, tababarayaasha iyo garsoorayaasha ugu fiicnaa qaybaha kala duwan ee tartanka sida; kubbadda cagta, koleyga, orodka, ciyaar-wanaagga, gool-dhalinta, akhlaaqda, iwm, kuwaasoo mudnaa in la maamuuso magacyadooda milgaha mudan ee ka dhex muuqday muddada ciyaaruhu socdeen, kuwaasoo uu Madaxweynaha Somaliland guddoonsiiyey koobab, billado iyo abaalmarinno kala duwan oo loogu talogalay.
Waa kuwan sida loogu kala guulaystay koobabka, billadaha iyo abaalmarinaha tartankii 7aad ee ciyaaraha gobollada Somaliland oo la soo afmeeray shalay:
Kubbadda Koleyga:
1- Xulka Gobolka Saaxil
2- Xulka Gobolka Gabiley
3- Ciyaaryahanka ugu wanaagsan Khaalid Axmed Dhuxul (Gobolka Gabiley)
4- Ciyaaryahanka ugu goolasha badan Cawil Ibraahim Cali (Gobolka Saaxil)
5- Tababaraha ugu fiican Maxamed Aadan Muxumed (Gobolka Awdal).
Ciyaaraha fudud ee orodka:
1- Gobolka Awdal oo tartankii orodka ku guulaystay
2- Tababaraha ugu wanaagsan Gaatiile (Awdal).
Kubbadda Cagta:
1- Xulka Gobolka Awdal
2- Xulka Gobolka Saaxil
3- Ciyaartoyga ugu wanaagsanaa Mustafe Saleebaan Samatar (Messi) – Gobolka Saaxil
4- Ciyaartoyga ugu gool dhalinta badan Maxamed Maxamuud Jaamac (Injineerka) – Gobolka Xaysimo (waxa uu ku guulaystay gaadhiga Madaxtooyada Somaliland bixisay)
5- Gool-hayaha ugu fiican Baashe Yuusuf Cumar – Gobolka Awdal
6- Waxa tababaraha ugu wanaagsan noqday Tababaraha xulka kubbadda cagta ee Gobolka Awdal.
Billadaha ugu badan ee tartanka 7aad ee ciyaaraha gobollada waxa kala badh hantiyey Gobolka Awdal ee galbeedka Somaliland.
madaxweynaha-shahaadogudoonsiiyayweriyekhadarcakule
Suxufiga Khadar Cukule oo shahaado-sharaf ka guddoomay Madaxweynaha

Madaxweynaha oo shahaado-sharaf guddoonsiiyey Wasiirka Madaxtooyada iyo Taliyaha Booliska
Dhinaca kale, markii ciyaartu dhammaataya, waxa kaloo Madaxweynuhu shahaado sharaf guddoonsiiyey Wasiirka Maaliyadda marwo Samsam Cabdi Aadan, Wasiirka Madaxtooyada Md. Maxamuud Xaashi Cabdi, Taliyaha Ciidanka Booliska Sareeyo guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan, Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland oo lagu maamuusay doorka ay qaateen wanaaga ay ciyaaraha Gobollada dalku ku dhammaadeen shalay.