Cali Sicid RaygalHargeysa(ANN)Wasiirka Wasaaradda Dhallnyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiiska Somaliland Md. Cali Siciid Raygal, ayaa si hal-haleel ah oo kala dhiman u muddeeyey qabashada tartanka ciyaaraha Gobollada Somaliland.
Wasiir Raygal ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray si kooban ugu sheegay in tartanka ciyaaraha Gobollada dalka la qaban doono bisha August ee sannadkan 2015, balse aan caddayn gobolka uu ka qabsoomayo iyo maalin go’an oo uu furmi doono toona.
Waxa kaloo uu si fudud u xusay in tartanka gobolladu noqon doono labadii sannaba hal mar, halkii markii la qaban jiray sannad walba, inkastoo aannu qabsoomin sannadkii hore ee 2014-kii.
Warsaxaafadeedka Wasiirku soo saaray oo dhammaystirani waxa uu u qornaa sidan:
“Wasaaradda Dhallinyaradda, Ciyaaraha iyo Dalxiiska Somaliland iyada oo ka duulaysa siyaasadda xukuumadda iyo dardar-gelinta shaqada ay hayso waxay halkan ku shaacinaysaa waqtiga rasmiga ah ee uu qabsoomi doono tartanka ciyaaraha Gobollada Somaliland.
Sida aynu ka war-hayno tartankani ma uu qabsoomin sannadkii hore tabaabusho iyo diyaar garaw xooggan oo ka duwan kuwii hore awgeed, waxa tartanka ciyaaraha gobolladu uu qabsoomaya haddii Alle yidhaahdo bisha August sannadkan 2015. Waqtigan aannu u cayinay qabsoomida tartankan oo ah ka ugu baaxadda weyn dalka ayaa ah waqti munaasib ah oo aannu ka eegnay dhinacyo badan, waa waqti haddii Alle idmo ay bisha Ramadaan dhammaatay, iyadoo dhanka kale guud ahaan ardaydu ku jiraan fasax sannadeedka waxbarasho, halka sidoo kale ay dalka yimaadaan qurbo-joog aad u tiro badan.
Haddaba, waxaannu faraynaa cid kasta oo ay khusayso, sidoo kalena aannu wadashaqayn leenahay inay ku diyaar garoobaan inta ka hadhay muddadaas aannu shaacinay.
Hadda laga bilaabo tartanka ciyaaraha Gobollada Somaliland waxa uu noqon doonaa mid labadii sannaba hal mar la qaban doono Insha Allaah. Waxaanan rajaynayaa in tartankan soo socda iyo kuwa ku xigaaba inoogu qabsoomi doonaan hannaan qurux badan oo nabadgalyo iyo xasillooni ah,” ayuu ku gunnaanaday Wasiir Cali Siciid Raygal warsaxaafadeedkiisa” ayaa lagu yidhi qoraal saxaafadeedka Wasiirka Ciyaaraha.
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com