W/Q. Mohmoud Omer Osmaan

Soomaalidii hore waxay odhan jirtay saddex col ayaa jira; col cas, col cad, iyo col maddow. Saddexdan col ayaa loola jeeday dabka oo ah colka cad, daadka oo ah colka cas, iyo dadka oo ah colka ragga. Haddaba dabku waa col, nolosheenna iyo deegaankaankeenna ayuu col ku yahay.

Waxa jira dad badan oon aqoon u lahayn qaabka looga hor-taggo dab hadduu uu guriga amma goobta aad joogto ka kaco. Ka hor-tagga dabka iyo qababka loola dagaalamo waa xirfaddo iyo aqoon dheeraad ah oo la barto – halkan ku soo koobba haddii aynu is nidhaahno ka gayoon maynos, hase yeeshee bal waxaynu qoraalkan isku deyi doonnaa in aynu wax ka tilmaamno waxyaabaha keenna in uu gurigaga dab ka kaco, qaabka iyo sida ugu fudud ee aad ula dagaalami karto iyo talooyin door ah oon u arko in ay muhiim kuu yihiiin in aad ogaato.

Waxaa jira waxyaabo badan ood qaban karto si aad uga hortagto ama u yareeyso khatarta dab ka dhaca guriga. Haddii aad aqoon u leedahay arrimaha dabka, waxaa jira waxyaabo aad qaban karto oo badbaadin kara naftaada iyo nafaha kale ee kugu xeeranba.

Sida loo yareeyo khatarta dab ka kaca gurigaaga.

  1. Haku isticmaalin qoryaha ama xaabadda dabka lagu shido gurigaga dhexdiisa gaar ahan ahaan meelaha ka baxsan barta (gijadda) loogu talo galay cunto karinta, haddii aanad aqoon badan u lahayn.
  2. Haddii aad isticmaalayso xaabbo amma qoryaha dabka laga shito same talaabooyinkan; ka fogee ugu yaraan saddex tallaabo (miter) meelaha ay alaabta gurigu yaallaan sida sariirta, kuraasta iyo miisaska amma agabka kale ee u nugul dabka.
  3. Waligaa hadhigin maacuunta, fargeetooyin iyo malqaacado balaastika ah, tuwaalo iyo waliba shay kale oo aan loo isticmaalin in wax lagu kariyo shooladda dusheeda iyo agagaarkeedaba (Stove). Haddii haddii shay la dul saaro shooladda wax lagu kariyo (Stove) dab bay kicin kartaa.
  4. Haddii aad xidhan tahay shay gacmo dheer (shaadh, dirac, amma shay kaleba) waxaa laga yaaba in uu dabku qabsado markaa waa muhiim in aad kor isaga laabtid dharka kacmaha dhaadheer leh, amma aad iska dhigtid wakhtiga aad dabka geleyso (wax ka karinayso).
  5. Ha saarin shooladda korkeeda nacnac ama buskud si aysan carruurtu u korin shooladda oo aanay ugu guban.
  6. Ka fogee carruurta waxyaabaha laga dhalliyo dabka sida; kabriidyada una sheeg inaysan qalabkani ahayn wax lagu ciyaaro.
  7. Sariirta sigaar ha ku cabin.

Tallaabooyinka ugu sahlan eed sameyn karto haddii uu gurigaga dab ka kaco.

Marka koobaad qiyaas xaddiga dabka guriga ka kacay, kadib same tallaabada kugu dhow adiga oo deggan.

  1. Mar walba xusuusnow in badbaada naftaadu ka muhiisan tahay badbaadinta agabka guriga dhexdiisa yaalla – ugu horeynta isku dey in aanad naftada khatar gelinin.
  2. Haddii uu dabku kooban yahay isku day in aad la dagaalanto adiga oo isticmaalaya agabka lagula dagaalamo dabka ee la dhiggo guryaha.
  3. Haddii uu gurigaga dab ka kaco marnaba haysku deyin in aad guddaha guriga u deyso ubaddka – dabku ha yaraado ama ha badnaado waa muhiim in aad ubadka ka fogeyso goobta uu dabku ka kacay
  4. Wac (garaac) si deg deg ah telefoonada ciidanka gurmadka deg dega ah adigoo u sheegaya tilmaamaha guriga aad degan tahay.
  5. Isku dey in aad ogeysiis dheeriya bixiso – sida adiga oo dadka kula jaarka ah u sheegaya in uu gurigaga dab ka kacay si aad caawimaad uga hesho.
  6. Dabku marka uu ka kaco gurigaga haw badheedhin adigu keligaa in aad demiso amma aad la dagaalanto – isku day in aad u yeedhato qof labaad oo ku caawin kara inta uu kuu imanaayo gargaarka deg dega ah.
  7. Albaabka u gurguuro adoo isticmaalaya lugahaaga iyo gacmahaaga. Dabka ololkiisa iyo qiiqiisuba waxay u baxaan kor sida awgeed dhulka ayaa ugu badbaado badan haddii dabku kugu dhex qabsado guriga.
  8. Hubso albaabka aad ka baxayso marka hore, haddii uu qaboow yahay isku dhaji kadib tartiib u fur, haddii u kullulyahay amma aad dareento qiiq, si dhakhso ah isaga xidh.
  9. Marnaba dib ha ugu noqonin guri gubanaya. Waaxda dabdamiska u sheeg haddii uu jiro qof wali kujira sarta/guriga gudahiisa.
  10. Raadi taageero caafimaad si aad isaga daaweeyso gubasho iyo dhaawacyo kaleba ee adiga iyo qoyskagaba idinka soo gaadhay dabka.

Ugu danbeyntii waa muhiim in aynu ubadkeenna barno khatarta dabku uu leeyahay, haw ogolaan ubadka guriga jooga in ay ku ciyaaraan waxyaabaha dabka dhallin kara sida; shoolada, xadhkaha laydhka, iyo fiishta dabkaba. Waxa jira waalid badan oo ubadka kaga tagga guriga wakhtiyada qaar – waxa dhici karta in ubadkaasu si dheel-dheel ah ugu ciyaaraan waxyaabaha dabka dhallin kara, guriga iyo iyaga nafsadooduna hadhow khatar geli karto. Talo ahaan waxaan u soo jeedin lahaa waalidka sidaasi sameeya in ay joojiyaan arrintaasi, haddii aanay suurto gal u ahayna marka ay ubadka yar yar guryaha kaga sii tegayaa waa in ay sii demiyaan (bakhtiyaan) dhammaan agabka dab dhalliyayaasha ah amma ay ka fogeeyaan ubadka sida; laydhka guriga, leetarada amma qarafka dabka laga shitto, iyo girgiraha guriga yaalla ee dabeysan.

Mohmoud O Osmaan
Freelance journalist & Photographer
Hargeysa, Somaliland.
Email: mohoomer@gmail.com