Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Agaasimaha Guud ee Xarunta Cilmi-baadhista Taariikhda Islaamka, Farshaxanka iyo Dhaqanka ee (IRCICA) oo qayb ka ah ururka Iskaashiga Islaamka ee loo soo gaabiyo OIC.F

Sida lagu sheegay qoraal saxaafadeed kooban oo kasoo baxay kulanka kadib Qasriga Madaxtooyadda Somaliland, Dr. Halit Eren oo ah Agaasimaha Guud ee Xaruntaa iyo Madaxweynaha Somaliland, waxay kulankaa kaga wada hadleen arrimo la xidhiidha hawlaha horumarineed ee taariikhda islaamka iyo dhaqanka oo ay qaabilsan tahay Xarunta. IRCICA, waxaanu madaxweynuhu sharaxaad ka siiyey taariikhda iyo dhaqanka dalka Somaliland.

Qoraalka, ayaa sidoo kale lagu sheegay in kulanka lagu lafo guray sidii dhismeyaal iyo dayactir loogu samayn lahaa goobaha taariikhda qadiimiga ah ee dalka Somaliland, khaasatan masjidka qiblataynka ee magaalo xeebeedka saylac iyo goobaha kale ee asaarta qadiimiga ah ee Somaliland caanka ku tahay.

Wefdiga ka socday Xarunta Cilmi-baadhista Taariikhda Islaamka, Farshaxanka iyo Dhaqanka ee (IRCICA) waxa ku lamaanaa markii ay la kulmeen Madaxweynaha Somaliland wakiilka Turkiga u fadhiya Jamhuuriyadda Somaliland iyo ku xigeenkiisa.

Dr. Halit Eren oo ah Agaasimaha Guud ee Xaruntaa oo hoggaaminayay Wefdiga, ayaa madaxweynaha uga mahadnaqay kulankaa, isagoo ku amaanay Somaliland siday u ilaashatay taariikhda iyo aasaarta qadiimiga ah ee dalka, isla markaana sheegay inay Jamhuuriyadda Somaliland, ka mid tahay wadamada taariikhda islaanku ku duugan tahay, imaantinkooduna daaran yahay sidii qorshahoodu qayb uga noqon lahaa baadigoobka taariikhda Islaamka. sida lagu sheegay qoraalka.

Af-hayeenka Madaxweynaha Somaliland, Maxamuud Warsame Jaamac oo qoraalka ku saxeexnaa. ayaa ku xusay in Madaxweynha ay ku weheliyeen kulankaa, wasiiradda wasaaraddaha Diinta iyo Aw-qaafta, Ganacsiga, wershedaha iyo dalxiiska & Agaasimaha guud ee Wasaaradda Arrimaha dibedda iyo xidhiidhka caalamiga ah