Muqdisho(ANN)-Ciidamadda Dawladda Federaalka ee Somalia, ayaa kusoo qul-qulaya Magaalada Muqdisho ee xarunta dawladda Federaalka ah ee. somalia iyo agagaarka Madaxtooyadda Villa Somalia.

Ciidamadda kasoo baxay deegaamada ay fadhiyeen, ayaa ka cabanaya mushahar la’aan, kuwaas oo ku doodaya in dawladdu dayacday, waxayna ciidamadda ugu danbeeyeen kasoo baxeen fadhiisimo ay ku lahaayeen qeybo ka mid ah gobolka Shabeellaha Hoose.

Cutubyo ka tirsan kolanyada ciidanka oo watay afartaneeyo Gaadiidka dagaalka ah, ayaa deegaamada qaarkood kasoo guuxeen, waxa la wareegay Al-shabaab. Sida ay sheegayaan wararka ka imanaya deegaanka.

Sidoo kale wararka, ayaa sheegaya in gedoodka Ciidamadu uu saamayn ku yeeshay xaalada amniga ee Magaalada Muqdisho.

Arrintan ayaa kusoo beegantay, iyadoo Madaxweynaha Dawladda Federaalka ee Somalia, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo la hadlay ciidamadda uu ku cannaantay Inay awoodi waayeen in Al-shabaab dalka laga xireeyo, taas oo u muuqatay inay jawaab u tahay gedoodka ciidanka.

Madaxweyne Farmaajo, ayaa hadalkaa ka sheegay mar uu ka hadlayay Waraasadda Gaashandhiga ee Dawladda Federaalka, halkaa soo uu kula hadlayay saraakiisha hoggaanka Taliska Milateriga iyo askarta ku sugnaa.

Sidoo kale waxa arrimaha gedoodku si gaar ah saamayn ugu yeesheen Madaxtooyadda Villa Somalia, kadib makii Sarkaal lagu magaaco Cabdifitaax Dabagaale oo ah Taliyaha Ciidamadda gaarka ah ee Madaxweyne Farmaajo lagu toogtay shalay Afaafka hore ee Madaxtooyadda.

Sida ay sheegayaan wararka Sarkaalka, ayaa dhaawac soo gaadhay, kadib markii Askari ka mid ah ciidanka uu Taliyaha u yahay oo muran la xidhiidhay mushahar uu ku toogtay halkaa, waxaana sarkaalka loola cararay Cusbitaalka.

Madaxtooyadda Villa Somalia, kama hadlin toogashada sarkaalka iyo xaaladda muqugsan ee Magaalada Muqdisho, iyadoo ay weerrarada Iyo qaraxyada Al-shabaab ka wadaan Magaalada Muqdisho sii kordheen bilihii u danbeeyay, Isla markaana ay qabsadeen deegaamo hor leh oo ku ahareeraysan Magaalada Caasimada. Kuwaas oo intooda baddan ay ka baxeen Ciidamadii Dawladda ee ku sugnaa.