Goormee Ayuu Dhashay?

Mohamed Morsi oo Muslimiinta u yaqaaneen “Walaalka islaamka” ayaa dhashay sanadkii 1951. 69 sano jir ayay da[diisu ahayd, wuxuu ahaa Aabe dhalay 5 caruur ah, Afar wiil iyo gabadh, waxaana Xaaskiisa lagu magacaabaa Najla Cali Maxamuud.

• Waxbarashadiisa

Dr. Maxamed Morsi, ayaa heystay shahaadooyinka Diploma, Master Digree iyo Phd. Wuxuu ku takhasusay culuunta Diinta, dhaqaalaha iyo caafimaadka.

• Ikhwaanul Muslimiin

Sanadkii 2000, ayuu noqday xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Masar, isagoo metelayay xisbiga Ikhawaanul muslimiin, Kadib wuxuu kasoo horjeestay fikradaha Mareykanka, Yahuudda iyo Madaxweynaha markaas oo uu talada dalka hayay Madaxweynihii hore ee xabsiga loo taxaabay isaga iyo wiilashiisa Xusni Mubaarak.

• Maalintii Masar Kacday

2012, wuxuu noqday madaxweynihii ugu horeeyay ee si cadaalad ah loo doorto. Doorasho qof iyo cod ah ayuu ku guuleystay, arrintaa oo muujisay in Masar oo dhan israacday oo ay naawilayeen shacabku inay helaan cadaalad heshay, xilligaa oo ahayd markii kacdoonkii loo bixiyay Gu’igii carabta xukunka lagaga tuuray Xusni Mubaarak 2011.

• Laakiin Maxaa Dhacay?

Sanad kadib militarigii uu hogaaminayay Cabdifatax Al Siisii, ayaa xukunka ka riday Madaxweynaha la soo doortay ee Mohamed Mursi, waxaana loo taxaabay Xabsi, iyadoo lagu xukumay dil toogasho ah, sanadkii 2015.

Waxaana xukunka si awood Milateri ah ula wareegay Cabdifatax Siisii oo aanay jirin cid dooratay waqtigaaas.

• Erdogan Muxuu Morsi Ku Tilmaamay

Sannadkii 2013, markii xabsi la dhigay Maxamed Morsi oo ahaa madaxweynihii lasoo doortay, wuxuu Madaxweynaha Turkiga, Erdogan goob fagaare ka yidhi,”Geesi hadaad maqashaan waa Morsiga xidhan. Dadkiisa ayaaa doortay laakiin wey rideen, iyagoo xagga danbe laga riixayo, geesiga marnaba lagama guuleysan karo”.

• Dardaraankii Uu Ka Tagay Morsi

“Waad arkaysaan cadaalad-darada dhacday. Dalkiina waxaa kusoo duulay Mareykan iyo yahuud, Siisii waa mas, waa cadowga Alle, wuxuu doonayaa dalkan inuu gacanta u galiyo gaalo, kana dhigo dal gaalo leedahay”

“Anigoo si cadaalad laygu soo doortay ayey i rideen, kadibna dil toogasho ah laygu xukumay, laakiin Insha Allah gacantooda kuma dhiman doono, tii rabbi ayaan ku dhimanayaa” ayuu yidhi, Maxamed Morsi, wuxuu raaciyay oo”Reer Masar, iska jira cadowga agagaarkiina taagan. Iska jira kuwa inaga midka ah ee laynoo adeegsanayo. Kuwaas waa Mas, waa munaafiqiin”

“Dambi aannan galin ayay dusha iga saarayaan. Garsooraha iyo waxa meesha fadhiya oo dhan waxay ku shaqaynayaan maskax reer galbeed”

“Waan tegayaa anniga, laakiin hadii aydaan iska celin kuwa inagu dhexjira ee gaaladu adeegsanayso wallaahi waynu halaagsamaynaa”
Qaabkee ayuu u Geeriyooday

Telefishinka qaranka wadanka Masar, ayaa tebiyay in Maxamed Morsi uu geeriyooday xili ay maxkamadda ka socotay dacwadiisa. Caafimaadkiisa oo aan hore loo daryeelin iyo isagoo ka xanaaqsanaa waxa meesha ka socday ayuu Koomo galay kadibna wuu geeriyooday.

Allaha u naxariisto Maxamed Morsi madaxweynihii ugu horeeyay ee shacbiga Masar doortaan ee aynu u wada ducayno.

Waxaa Qoray: Idiris Abdulkadir