Araweelo News Network.

 

1 ) Goorkaa Dawladi Xumaataa?

Alt Image file Araweelo news Networ Ibrahim gagale

Ibrahim Hassan Gagale, Image file Araweelo News Network.

Dawladnimadu maaha hanti gaar ah oo uu leeyahay qof, koox, ama qabiil balse waa hanti guud oo ay xuquuq ahaan ummaddu u wada leedahay una simantahay sida loogu wada simanyahay waajibaadka dalka. Dawlad waxay xumaataa marka qabiil gaar ah uu boobo kuna tagrifalo wax kasta oo la xidhiidha nidaamka dawladnimada. Xukuumad ta ugu xun ee ummad ku habsata waa ta ku salaysan kelitalisnimo qabiil oo wax ummadda ka dhaxeeya lagu naaxiyo laguna koriyo qabiil gaar ah inta kalena lagu dhibaateeyo looguna geysto tacadiyo iyo xad-gudubyo lagu sandulleynayo dabadeedna ay cadaawad biirtay ka dhalato dulmigaas aakhirkana qaraxda lagana dhaxlo dagaallo sokeeye oo lagu hoobto sida kelitalisnimadii qabiilka ee Siyaad Barre iyo dalal badan oo Afrikaan ah.

 

2 ) Waajibaadka Xisbiga Mucaaradka

 

Dawladaha dimoqaraadiga ah ee adduunka ka jira, mucaaradku waa hubka keliya ee madaxweynaha ka ilaasha inuu noqdo kelitaliye ama in xuukumadi ku tagrifasho dawladnimada, fartana ku fiiqa wixii maamul-xumo ah ee ka Jira dalka kuna dhaliila xukuumadda sida naas-nuujin, qaraaba-kiil, musuqmaasuq hantiyeed, ku tagrifal awoodeed iwm. Siyaasadda Mucaaradnimadu waa dhaliilid dhibaatooyin ka jira maamulka dalka ama cadaalad-xumo si xukuumadu wax uga qabato oo loo helo daaweynta dhaliisha. Mucaaradnimadu kuma salaysna hunguri-ku-doon, ceebayn xukuumad, fitno-abuur, necbaansho qabiil gaar ah ama shakhsi-siyaasadeed iwm.

 

3 ) Qiimaha Isbahaysiga Mucaaradka  SOMALILAND

 

Is-bahaysiga siyaasadeed ee Mucaaradka Somaliland waa muhiim waana loo baahanyahay si ay wadajir iyo awood-cod siyaasadeed loogu saxo wixii maamul-xumo ah ee dalka ka jira, saxidaas oo ku salaysan cadaalad, wadaninimo iyo ilaalinta madaxbanaanida iyo qadiyadda Somaliland kana fog dabagal qabiil ama dad gaar oo Mucaaradku ka dhigto yool uu ku wiiqayo nacayb awgeed. Waa in mucaaradka laga ilaashaa is-bahaysi qabiil, kooxaysi ama gobolaysi si aan Mucaaradku u burburin una kala dareerin, wax-qabadkiisuna u fashilmin. Xubnaha Golaha Wakiilada Somaliland waxay ka koobanyihiin gobollada Somaliland, Bari iyo Galbeed, Waqooyi iyo Koonfur. Golaha Wakiilada iyo Golaha Guurtiga Somaliland waa hay’adda dejisa sharciga dalka kana ilaalisa in xukuumaddu iyo garsoorka dalku ku kacaan fal dembiyeed ka dhan ah dawladnimada.

 

Is-bahaysiga Mucaaradka Somaliland ama mucaaradkuma hadduu ku kaco qabyaalad, is-bahaysi qabyaaladeed, gobolaysi ama kooxaysi waxay keenaysaa inuu si deg deg ah u fashilmo, rajadii laga qayb ay meesha ka baxdo laguna hungoobo, xukuumaduna fursad u hesho inay ku kacdo waxay rabto. Cadowga kowaad ee ummaddu waa qabyaaladda oo ragaadisa midnimada, nabadda, dawladnimada iyo horumarka. Xukuumadda iyo mucaardkuba qaybweyn iyo door muuqda waa inay ka qaataan la dagaallanka qabyaaladda iyo gobolaysiga. Ku dhaqanka Diinta Islaamka iyo wadaninimadu waa inay ka adkaadaan qabyaaladda iyo gobolaysiga.

 

4 ) Waajibaadka Isbaahysiga Mucaaradka Somaliland

 

Is-bahaysiga Wakiilada Mucaaradka ah ee Somaliland waxaa laga filayaa in awoodooda sharci-dejin iyo codayn ay xoogga saaraan sidii Gobollada Bariga Somaliland (Sanaag, Sool iyo Togdheer) loo soo gaadhsiinlahaa horumarka la gaadhsiiyay Gobollada Galbeeda ee dalka (Awdal, Maroodi-jeex iyo Saaxil). Gobollada Bariga Somaliland aad ayay uga dambeeyaan Gobollada Galbeedka xagga horumarinta mashaariicda iyo arrimaha bulshada. Ujeedadu maaha in la sameeyo JEEGAAN-BARI oo ah kala qaybin siyaasadeed balse waxa weeye in gobolladu u sinaadaan horumarka dalka siiba kaabayaasha dhaqaalaha, horumarinta beeraha, ganacsiga, warshadaha, caafimaadka, waxbarashada, dal-xiiska, garoomada diyaaradaha, garoomada ciyaaraha iwm. Siiba waa in ganacsatada Somaliland aad loogu dhiirigeliyaa inay maalgashii ballaadhan ku sameeyaan Gobolka Sanaag oo noqodoona gobolka mustaqbalka ee Somaliland maadaama Eebbe ku manaystay gobolkaas khayraad aad badan oo noockasta leh. Waxaa kale oo iyaduna aad muhiim u ah in Beesha Gabooyaha la soo gaadhsiiyo ummadda inteeda kale xagga waxbarashada, horumarka, degaamaynta iwm. Takooridda iyo xaqiiradda dad kula mid ah, kula dal ah, oo Muslim ah waa dembiweyn xagga Diinta Islaamka ee waa in lala dagaallamaa si ummadu u sinaato.

 

5 ) Taageerada Shacabka ee Isbahaysiga Mucaaradka

 

Ummadda Somaliland waxay Is-bahaysiga u rajaynaysaa guul iyo inaan lagu hungoobin aadna way u taageeridoontaa Is-bahaysiga Mucaaradka Somaliland haddii ay ka fogaadaan qabyaaladda iyo gobollaysiga, muujiyaan waxqabad dhab ah oo muuqda, difaacaan qaranimada Somaliland, horumariyaan tayada iyo qalabaynta Ciidamada Qalabka Sida ee Somaliland, geed dheer iyo geed gaabanba u fuulaan aqoonsiga Somaliland, ilaaliyaan cadaaladda iyo sinaanshaha dheelitirna ee gobollada dalka, xoogga saaraan nabagelyada iyo midnimada dalka iyo dadka iwm.

 

  1. Isbahaysiga Mucaaradka Dalka iyo ka qaybgalka Arrimaha Masiiriga ah ee Dalka

A ) Xuduudaha Caalamka  Kuma Dhisna Isir Ama Qabiil

 

Xuduudaha Afrika, Caalamka Carabta, Koonfur Ameerika iyo Aasiya ama dalkasta oo adduunka ka jira kuma salaysna isir ama qabiil balse waxay ku salaysanyihiin dhulka. Waa waajib dastuuri ah in la sugo lana difaaco xuduudda Somaliland, taas oo ah xuduudii laga dhaxlay Somaliland British Protectorate laguna qaatay xornimada June 26, 1960. Somaliland dad waa ka tegikaraa, cid kasta ha noqdeen, laakiin taako dhul ah kama tegayso. Dal kasta mucaarad siyaasadeed waa leeyahay wax lagu toosinayo waxna lagu saxayo laakin la dagaallanka wadajirka dhuleed iyo ummadeed ee dalka marnaba lama aqbalikaro waayo waa qaran-dumisnimo iyo dal-dumisnimo.

 

Sidaas daraadeed, waa in Maamulka Puntland ee Somalia ama Somaliyaba laga ilaashaa lagana difaacaa inay ku soo xadgudbaan xuduudda caalamiga ah ee Somaliland (Internationally recognised borders of Somaliland inherited from Somaliland British Protectorate as any other African Country). Somaliland kama jiro dhul lagu muransanyahay sida aanu uga jirin dhul lagu muransanyahay dalalka kale ee Africa oo dalkasta ay ku noolyihiin beelo kala duwan oo ay isku hayso xuduudihii Gumaysiga Yurub (There is no disputed land in Somaliland as there is no disputed land in any African country inhabited by different tribes kept together by European colonial borders, borders are based on land, not on lineage or tribe origin). Nabadda iyo deganaanshaha dalkasta oo Afrikaan ahi waxay ku jirtaa aqoonsiga iyo ixtiraamidda xuduudihii Gumaysiga ee Qaaradda Afrika (Peace and stability of every African country depends on recognizing and respecting African colonial borders).

 

B ) Dib U celinta Qoxootiga Ethiopia

 

Waxaa muhiim ah in xoog la saaro celinta ajanebiga Itoobiyaanka ah ee dalka ku soo qulqulaya waayo waxay arrintaasu leedahay khatar mustaqbalka (Inta cabsi awgeed aan ugu noqonkarin Itoobiya waa in xero qaxooti looga sameeyo xadka labada dal, lagu ilaaliyo waxna ay ku siisaa UNHCR). Ma jiro adduunka dal qaxooti shisheeye sharci la’aan ku soo qulqulo maalinkasta kalana doortaan magoolooyinka Somaliland ay rabaan inay ku noolaadaan, sida ay rabaana ugu dhalaan dalka lana sheegtaan dalka dadka leh.

 

Maanta, qawaaniintii caalamka way burburtay oo dad iyo dalna laguma ixtiraamo xaqa madaxbanaanida haddii aan ummadda lahi heegan joogto ah ugelin difaaciisa iyo badbaadintiisa. Maanta adduunyadu waxa weeye kii xoog lahoo, reerka u hadh. Eebbe (S.W.T) waxa uu siiyo ummad waxaa ugu qiimo badan dhul hooyo ee ay leedahay oo ku jirto, ku faanto, kuna noolaato si xor ah. Maanta Falastiin ayaa og qiimaha uu dhulku leeyahay oo muddo 74 sano ah (Since the destruction of Palestinian Society and their homeland in 1948 – النكبة) maalinkasta dhiig u daadinaysa si ay u hesho dhulkeeda oo ugu noolaato xornimo iyo sharaf. Jirtaanka ummad waa lahaanshaha dhul. (One’s land reflects one’s existence).

 

C ) Xidhiidhka Somaliland iyo Soomalaiya

 

Waa in shuruuc adag laga dejiyo dadka ka soo jeeda Jamhuuriyadda Somalilad ee beenta ku metala Somalia, siiba golayaasha iyo xukuumadda, taas oo ah dagaal ay Somalia ku hayso madaxbanaanida Jamhuuriyadda Somaliland laguna wiiqayo aqoonsiga Somaliland ee Beesha Caalamka. Si arrintaas looga hortago waa in la joojiyaa dhammaan wadahadalada Somaliland iyo Somalia maadaama ay Somalia faragelin joogto ah ku hayso madaxbanaanida Somaliland isla markaana la adkeeyaa isu-gudubka labada dal. Xukuumadda Somaliland iyo shacabka Somaliland wax xumaan ah uma qabaan shacabka Somalia waxayna u rajaynayaan in Ilaahay, SWT, ka saaro dhibaatooyinka nolosha ee ay ku jirto uguna bedelo dawlad wanaagsan oo metasha, nabadgelyo iyo horumar.

 

D ) Doorka Haweenka Somaliland ee Dalka

 

Haweenka Somaliland waa qayb muhiim ah oo ka tirsan ummadda Somaliland lagama maarmaana u ah nolosheeda iyo aayaheeda. Waa wax aad looga xumaado in doorashadii u dambaysay ee Somaliland laga waayo haweenka Somaliland. Adduunka kama jirto bulsho wada rag ah ama ragga oo qudha oo wax qabta. Haweenku waa hooyooyin, dhaqan, af, wasiiro, shaqaale sare, shaqaale caadi ah, ganacsato, dhakhaatiir, saraakiil, ciidan iwm. Arrintaas waxaa muhiim in xukuumadda iyo Mucaaradkuba wax ka qabtaan lana siiyo xubnaha ay ku leeyihiin wakiilada iyo degaanadaba ee ay u qalmaan.

Ra’yiga lagu soo bandhigay maqaalkan wuxuu ka turjumayaa aragtida qoraaga, mana aha mid ka turjumaya siyaasadda tifaftirka, ama Faallada Araweelo News Network.

Ibrahim Hassan Gagale

ibrahim_hg@yahoo.com