Araweelo News Network.

 

#Hargeysa(ANN)-#Isbahysiga #Xisbiyada Mucaaradka ee #WADDANI iyo #UCID, ayaa yeeshay kulankoodii u horeeyay, kaas oo ay ka qaybgaleen labada guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) iyo Guddoomiye Faysal Cali Waraabe oo ay weheliyaan xubno ka mid ah hoggaanka sare ee labada Xisbi.

sidoo kale waxa kulankaa oo ka dhacay maanta Huteelka Al-Xayaat ee Hargeysa guddoomiyayaasha xisbiyada Mucaaradka ku weheliyay labada guddi ee ay shalay shaaciyeen iyo xubnaha labada xisbi uga soo baxay doorashada gollaha deegaanka Hargeysa iyo Wakiillada.

Alt: Araweelo News Network

Kulnaka Isbahysiga Xisbiyada Mucaaradka ee WADDANI iyo UCID, 7 Jun 2021, Image Araweelo News Network Al-xayaat hotel Hargeysa.

Ujeeddada kulanka ayaa lagu sheegay in looga go leeyahay meel marinta isbedelka iyo rabitaanka kasoo baxday natiijada doorashooyinka gollayaasha deegaanka iyo wakiilllada ee dalka, taas oo si weyn u muujisay guul aqlabiyad ah oo ay labada Xisbi ee mucaaradku ka gaadheen doorashooyinka 31 May 2021.

“Dadku waxay u coddeeyeen isbedel ujeeddada kulankuna waa si looga dhabeeyo is bdelkii dadku doonayeen ee ay codkooda u siiyeen WADDANI iyo UCID, waana inay dadku dareemaan wixii ay u coddeeyeen, sidaa awgeed waxa khasab ah in labada Xisbi wada ilaaliyaan guusha oo aan ahayn mid dheel-dheel ah, halkana guushii ayaa lagu weelaynayaa .” sidaa waxa yidhi, mid ka mid ah sarakiisha labada Xisbi ee kulankaa ka qaybagalay.

Kulanka ayuu sheegay  in ay ka qabgaleen xildhibaanada gollaha deegaanka Maroodijeex iyo xildhibaanada gobolka uga soo baxay labada Xisbi mucaarad ee WADDANI iyo UCID.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in labada xisbi ka midaysan yihiin wadajirka iyo qaranimada Somaliland, isla markaana ay dabakhaan natiijada isbedelka ka muuqday dalka oo dhan, gaar ahaan Hargeysa oo muujiyay in laga baxay qabyaaladii, waana arrinta aannu halkan u fadhino ee labada Xisbi meel marinta natiijadeeda u fadhiyaan.

“shacabka Somaliland, waxaan leenahay waxaad niga filataan guul, waxaad naga filataan himladiinii iyo higsigiinii oo aannu idiin weelayno.” Ayuu raaciyay, isagoo shacbiga ugu bushaareeyay in ay mar walba halka ay kulamadaasi marayaan lasoo socod siinayaan.

Dhinaca kale, kulanka ayaa lagu sheegay in la doonayo in laysku baro xubnihii kasoo baxay gollaha deegaanka Hargeysa iyo gollaha wakiillada ee labada xisbi iyo in ay guddiyada labada xisbi dardaaran siiyaan xubnaha, iyadoo isla kulankaa laga shaaciyay in ay deg-deg usoo galaan Hargeysa dhammaan xildhibaanada kasoo baxay gollayaasha deegaanka iyo wakiillada dalka si loo siiyo qorshayaal la xidhiidha hawlaha loo doortay, isla markaana ay isu bartaan.

Fadalan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

 

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com