Araweelo News Network.

 

#Hargeysa(ANN)-#Xisbiga Kulmiye ee haya talada #Jamhuuriyadda #Somaliland, ayaa ka qayliyay isbahaysi ay ku dhawaaqeen labada Xisbi mucaarad ee sida weyn ugu guulaystay doorashooyinkii gollayaasha deeganaka iyo wakiilladda ee ka qabsoomay geyiga Somaliland 31 May 2021.

Labada xisbi mucaarad ayaa shalay shaaciyay liiska magcayada guddi ay sheegeen in ay ka shaqaynay qorshaha istiraatiiyadeed ee ay isu bahaysanayaan, iyadoo guddoomiyaha xisbiga UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe u sheegay Idaacadda BBC-da in ujeeddada ay isku bahaysteen in ay tahay sidii ay qorshayn lahaayeen Maayarada Dalka iyo shirgudoonka gollaha wakiillada ee cusub.

Hase yeeshee Afhayeenka Xisbiga KULMIYE,  Cabdinaasir Muxumad Xasan Buuni oo ka jawaabayay arragtida xisbigooda ee isbahaysiga mucaaradka ayaa BBC-da u sheegay in labada xisbi ee mucaaradka ah ee UCID iyo Waddani ay baal mareen hannaanka loogu tartamo shir guddoonka Baarlamaanka (Gollaha Wakiillada) iyo gollayaasha deegaanka.

Buuni, ayaa sheegay in arrintaasi ay baalmarsan tahay habkii dimuqraadiga ahaa ee ay mudanayaasha la soo doortay shir guddoonkooda u dooran lahaayeen, “Dimuqraadiyadda waxaa ka mid ah mudanaha bulshada Somaliland ay soo dooratay ayaa awooddiisii la qaaday oo xisbiyo intay hoteel fadhiisteen ku heshiiyeen, taa ayaa ah mid dimuqraadiyadda lagu curyaaminayo,” ayuu yidhi, isagoo ka jawaabaya su’aal laga weydiiyay maadaama ay Somaliland qaadatay nidaamka dimuqraadiyada ee ku dhisan axsaabta. waxa u diidaya in ay labada isbahaysi sameeyeen.

“Waxa ay ahayd in sida xisbiga Kulmiye oo kale ay bannaanka ka joogaan arrintaas oo inta waqtiga qaanuunku jideeyay eegaan oo mudanayaasha loo daayo awooddooda sharci ee ah in marka gollaha ay soo fadhiistaan ay cidda ay rabaan doortaan.”ayuu yidhi, Buuni.

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID, Eng Faysal Cali Waraabe, oo BBC-da waraysi siiyay ayaa sheegay in ujeeda ay ka leeyihiin isbahaysigoodu tahay in ay helaan awoodda hogaanka baarlamanka.

“Waxaanu jecelnahay in aanu soo celino nidaamkii aanu qaadanay ee dimuqraadiyadda ku dhisnaa. Ee ahaa in xukunku kala soocnaado wada shaqeeyona. Markaa dalkay u dan tahay in aanu gacanta u gelin xisbi keliya awoodda oo dhami” ayuu yidhi, Eng. Faysal Cali Waraabe.

Somaliland: Dhawaaqa Isbahaysiga Mucaaradka Iyo Loolanka Istiraatiijiyaddaha Cusub

Balse Afhayeenka xisbiga Kulmiye, Cabdinaasir Buuni, ayaa ku andacooday in labada xisbi ay khal-khalgalinayaan nidaamkii dimuqraadiyadda oo ay mudanayaasha la doortay ka qaadayaan xaqii ay lahaayeen.

“Xisbiyada maanta layliga ah oo qaarkoodba maanta doorashada wawiillada ay kow u tahay ayaa ah kuwa qaanuunka dhinac maraya khal-khalkuna uu soo wajahay, oo iyadoo aan la gaadhin in la doorto shir guddoon suuqa ku sii heshiiyay oo awooddii golaha iyo mudanayaasha soo socda ee qiimaha badan ee maanta Somaliland oo dhan u riyaaqsan tahay inay laba nin iyo dad ay wataan ku sii heshiiyaan waa taa ta khal-khalka keenaysaa,” ayuu yidhi Buuni.

 

Faysal Cali Waraabe oo sii faahfaahinaya faa’iidooyinka togan ee ay ka filayaan in laga heli doono isbahaysiga labada xisbi mucaarad, ayaa waxa uu sheegay in filashadu tahay in ay si buuxda u soo noqoto ilaalayntii baarlamanku ku lahaa fulinta oo sifo hufan loo wada shaqeeyo, xisbiga talada hayaana aanu noqon doonin sidii markii hore uu ahaa ee uu aqalabiyada golaha isku hallayn jiray.

Maxay Qorshaynayaan Guusha #Doorashooyinka Kadib #Mucaaradka #Somaliland?

“Isbahaysiga waxaanu ka rajaynayanaa in dalku dhaqaaqo, waxaanu jecelnahay in aanu ka bilowno dawladdaha hoose iyo baarlamanka markaa ayay waaxda Fulintu shaqaynay doonaan (Xukuumadda), waxba ku xumayn mayno dalkaa lagu hagaajinayaa danta ummada weeye” sidaa waxa u sheegay BBC-da Eng. Faysal Cali Waraabe oo tilmaamayay ujeeddada Isbahaysiga labada Xisbi ee UCID iyo WADDANI.

Hasayeeshee Afhayeenka xisbiga Kulmiye, ayaa  ku dooday wallow sida uu carabka ku dhiftay aannay xumayn in ay afkaartooda mideeyaan oo sameeyaan isbahaysi  arrinta ay diidan yihiin KULMIYE, ay tahay in ay shirgudoonka iyo maayarada dalka wada qaatan labada xisbi mucaarad ee WADDANI iyo UCID, isagoo yidhi,  ” isbahaysigu laftirkiisu ma xuma inay fikir isku geeyaan,  laakiin heshiiskooda waxa ku qoran inay ku midoobeen shir guddoonka iyo maayarada dalka guddidi ka shaqeyn laheyd, taana dad suuqa joogaa kama shaqeeyaane, dadka la soo doortay iyaga ayaa awood qaanuuni ah u leh markay golaha fadhiistaan cidda ay dooranayaan annaguna ma faragalinayno.”ayuu yidhi.

Dhinaca kale, Natiijada hordhaca ah ee doorashooyinkii ka dhacay Somaliland 31 May 2021, ayaa muujisay in labada xisbi mucaarad ee WADDANI iyo UCID ku guulyatseen kuraasta gollaha Wakiillada aqlabiyad weyn iyo sidoo kale gollayaasha deeganka inta badan, waxayna magaaliiyinka ugu waaweyn heleen tirada ugu badan ee gollayaasha deegaanka.]

Natiijada hordhaca ah ayaa muujisay in 82 Kursi oo gollaha Wakiillada Somaliland ka koobanyahay labada Xisbi Mucaarad ee WADDANI iyo UCID heleen 52 kursi, iyadoo Xisbiga WADDANI ku hoggaaminayo 31 xildhibaan, halka Xisbiga UCID helay 21 xildhaan, taas oo ka dhigay in ay heleen labada Xisbi Mucaarad tirada guud 52 xildhiaan, iyadoo xisbiga Muxaafidka ee KULMIYE 30 kursi ka helay 82 kursi ee gollaha wakiilladu ka koobanyahay.

Marka laysu geeyo tirada gollayaasha deegaanka Ceergaabo, Laascaanood, Burco, Berbera, Gebilay, Boorama iyo Hargeysa oo caasimadda ah tirada guud ee gollayaasha deegaanka magaalooyinka ayaa noqonaya 95 xildhibaan, waxayna labada Xisbi Mucaarad ka heleen 58 Xildhibaan, halka KULMIYE ka helay tiradaa 27, taas oo muujinay in ay ahaystaan aqlabiyada weyn ee gollayaasha deegaanka sida ay u qaateen labada xisbi mucaarad oo ay ku darsadeen kuraasta aqlabiyada gollaha Wakiillada Somaliland.

Dad badan waxay xusuusan yihiin doorashadii gollaha wakiillada ee 2005, qaacidadii Axmed Siilaanyo Madaxweynhii hore ee Somaliland oo xilligaa ahaa hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ugu weyn ee KULMIYE, soo shaxeeyay isbaahysi uu la sameeyay xisbiga yar ee mucaaradka ee UCID, si uu usii wado mucaaradnimadii xisbiga, wuxuuna i, taas oo uu ku gulaystay, kadib markii Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) oo xilligan ah guddoomiyaha Mucaaradjka WADDANI oo ka mid ahaa saraakiisha Xisbiga UCID, isla markaana ka mid noqday xildhibaanada usoo baxay xisbiga laga dhigo guddoomiyaha gollaha wakiillada ee 2005, halka xisbiga KULMIYE qaatay labada ku xigeen ee shirgudoonka, wallow ay arrintaasi noqtay mid si weyn uga cadhaysiisay xisbul xaakimkii xilligaa ee UDUB, isla markaana ay sababtay khilaaf muddo jiitamay oo xukuumadda iyo gollaha wakiillada dhexmaray.

Balse waxay dhinaca kale u muuqatay istiraatiijiyad siyaasadeed oo dheeeli tirtay awoodda sharci ee gollaha wakiillada iyo nidaamka dimuqraadiyada Somaliland oo xilligaa u muuqatay mid dhinac u janjeedhay,isla markaana waaxda fulinta oo xukuumadda ah la helo golle dheelatira oo sharci dejin sida uu dastuurku dhigayo oo ugu yaraan saddexda waaxood e sharci dejinta (Baarlamaanka oo guurtida iyo Wakiilllada ah), garsoorka iyo fulinta ay waaxda fulinta ee xukuumadda u garbaduubmeen Guurtida ay qayb ka ah sharci dejinta iyo waaxda garsooka, wallow ay xilligan bulshadu si weyn u tegeysay in aannu jirin la xisaabtan oo si weyn loogu dhaaliilayay wixii ka horreeyay doorashada in dalku noqday xisbi keliya, taas oo loo arkayay mid khatar ku ah nidaamka dimuqraadiyeed ee ay Somaliland qaadatay iyo isu dheelitirnaanta Awoodda nidaamka dawladnimo ee dastuurki qeexay oo meesha kasii baxayay, waana dareenka ku ladhnaa doorashooyinka xilligan ee ay si weyn dadku ugu soo baxeen., isla markaana natiijadoodu horseeday in ay mucaaradku helaan aqlabiyadaha gollayaasha deegaanada iyo wakiilllada.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com