Araweelo News Network

Obama visit Horn of AfricaMadaxweyne Barack Obama oo hadda ka tegaya Aqalka Cad ee dalka Maraykanka, waxa uu noqday Madaxweynihii saddexaad ee laba xilli oo isku xiga xilka Madaxweynenimo dhammaysta sida Taliyaha Ciidanka Millateriga Maraykanka (Commander-in-chief).
Ka hor intii aannu ku guulaysan doorashada Madaxweynenimo sannadkii 2008-dii, waxa uu saddex sanno ahaa xildhibaan Golaha Barlamaanka Maraykanka ka tirsan (US Senate 2005 to 2008). Waxa kaloo uu toddoba sanno ahaa xildhibaan Golaha Gobolka Illinois ah (1997-2004).
Celcelis ahaan waxa uu masuul dawladeed ahaa 20 sannadood, balse waxa dad badan ku kala aragi duwan yihiin halka uu qaban doono amma shaqada uu hayn doono marka uu xilka Madaxweynenimo si rasmi ah uga dhammaado, iyadoo doorashada Madaxweynuhu maanta ka dhacayso Maraykanka.
Madaxweyne Obama, ayaa hore u sheegay inuu sannadaha soo socda joogi doono Washington ilaa inta inantiisa Sasha dhammaysanayso dugsiga sare.
Sida caadada ka ah dalka Marayanka amma Madaxweyne kasta oo Maraykanka ah laga soo bilaabo sannadkii 1958, waxa la siiyaa lacag hawlgab ah. Waxa uu Mr. Obama heli doonaa $203,700 doollar sannad kasta.
Haddaba, marka laga yimaado inuu jecel yahay ciyaarista kubbadda Golf-ta. 55 jirkan hoggaamiyaha waxa loogu yeedho dunida xorta ah (Free World) waxa uu leeyahay dhawr arrimood oo mid uun uu qaban doono mustaqbalka soo socda.
1. Inuu taariikh siyaasadeed qoro:
Sida dhaqanka ah mashruuca ugu horreeya ee Madaxweynayaashii hore ee Maraykanka ay sameeyeen waxay ahayd in ay dib u milicsadaan taariikhdooda siyaasadeed iyo guulaha ay gaadheen. Tusaale ahaan, Bill Clinton waxa uu $100 millyan oo hordhac ah ku qaadan jiray xasuus-reebka Madaxtooyada uu kaga tegay, halka George W. Bush laf ahaantiisu taariikhdiisa siyaasadeed ku helay lacag dhan $7 milyan.
“Madaxweyne Obama waxa uu hore lacag uga sameeyey buuggaagtii xusuus-qorkiisa ee ay ka mid ahaayeen “Dreams of My Father (1995)” iyo The Audacity of Hope (2006). Waxa shirkadaha daabacaaddu sheegeen in xusuus-qorkiisii Madaxweynenimo noqon doono buugga ugu saamaynta badan, isla markaana ka soo hoyan doonto lacag dhan $25 milyan amma $45 milyan.” Sidaa waxa sheegay wargeyska New York Times oo Jamhuuriya soo xigtay.
2. Inuu noqdo macallin Jaamacadeed
Shaqada kale ee inta badan Madaxweynayaashii Maraykanka ka soo taliyey qabtaan waxa ay tahay macallinimo Jaamacadeed. Madaxweynayaashii hore ee Aqalka Cad ka soo taliyey waxa ay malaayiin dollar ku helaan khudbado ay u jeediyaan Jaamacadaha amma shirkadaha dunida.
Madaxweyne George H. W. Bush waxa ay warbaahintu shaaciyeen inuu $10,000 doollar ku heli jiray khudbad kasta oo uu joojiyey, halka wiilkiisii Madaxweyne George W. Bush uu heli jiray $100,000 ilaa $175,000 marka kaliya ee uu khudbad jeediyo.
Madaxweyne Bill Clinton waxa khudbad uu jeediyey bishii February ee sannadkii 2014 uu ku helay amma lagu siiyey lacag dhan $225,000 doollar, sida uu soo tebiyey wargeyska Fortune.
“Khudbaddu waa wax maal lagu helo, laakiin waxa keliya oo aad u baahan tahay inaad hesho magac amma yeelato magac. Waxa laga sii dayn karaa TV amma jannallo kale oo wareed, kuwaasoo kugu sii kordhinaya sharaf iyo magac weyn,” ayuu yidhi Prof. Buuni oo cilmiga isgaadhsiinta (Communication) ka dhiga Jaamacadda Fordham University…. La soco qaybo kale…