Araweelo News Network

Guddoomiyaha UCID Faysal iyo Murashaxa Xisbiga  Jamaal

Guddoomiyaha UCID Faysal iyo Murashaxa Xisbiga Jamaal

Hargeysa(ANN) Labada garab ee xisbiga mucaaridka ah ee UCID, ayaa mid walba si gaar ah dhankiisa ugu dhawaaqay inuu qabsan doono shirweyne aan caadi ahayn oo ku salaysan xukunkii ka soo baxay Maxkamadda Sare 26 September 2016, iyadoo labadaas shirna ka furmayaan caasimadda Hargeysa Salaasadda maanta, haddii Ilaahay yidhaah.
Guddoomiye Faysal oo kaadhka Golaha Dhexe ka qaatay xarunta UCID ee magaalada Hargeysa shalay, waxa uu saxaafadda u caddeeyey inay qaban doonaan shirweynaha aan caadiga ahayn ee Maxkamadda Sare go’aamisay in lagu qabto muddo 60 maalmood gudahood ah.
“Waxa aannu jecelnahay in In Sha Allaah aannu qabsano shirweynihii aan caadiga ahayn berrito (maanta), kaasoo ah shirkii ay go’aamisay Maxkamadda Sare, waxaanan shacbiga reer Somaliland u sheegaynaa in waqtigan oo abaaruhu ka taagan yihiin dalka aanay ahayn in la galo arrimo siyaasadeed, waxayna ahayd in la galo gurmad, laakiin Maxkamadda Sare oo noo qabatay in aannu 60 maalmood gudahood shir qabsano, taas ayaanan fulinaynaa,” ayuu yidhi Eng. Faysal Cali-waraabe.
Dhinaca kale, murrashaxa Madaxweynaha UCID Mr. Jamaal Cali Xuseen, ayaa qoraal uu soo saaray xalay ku sheegay in garabkoodu shirweyne aan caadi ahayn ku qaban doonaan hudheelka Maansoor ee caasimadda Hargeysa Salaasada maanta.
“Waxaannu si xushmad leh ugu baaqaynaa in shirweyne aan caadi ahayn aanu berrito (maanta) ku qaban doonaa hudheelka weyn ee Maansoor, halkaasoo ergooyinkii shirkii ugu dambeeyey ee 2012kii ay joogaan, kuna salaysan xukunkii Maxkamadda Sare. Waxa kaloo joogi doona ergooyin kale oo fara badan oo metalaya gobollada dalka iyo marti sharaf kale. Mar haddii sharcigii dalku qaban waayey garabkii Faysal Cali-waraabe ee uu u hoggaansami waayey xukunkii Maxkamadda ee ay ahayd in shirweynaha aan caadiga ahayn la wada qabanqaabiyo guddidii 10ka xubnood ee metalaysay labada garab- Waxaan dhammaan u sheegaynaa bulshada in shirweynihii aan caadiga ahayn uu berrito (maanta) ka qabsoomi doono hotel Maansoor, iyadoo heshiiskii labada garab ee 90% dhammeystirmay ee xisbiga lagu soo saaray lagu ansixin doono, isla markaana qiimeyn lagu sameyn doono hoggaanka sare ee xisbiga ee mugdiga geliyey xisbigan qaran. Somaliland sharciga ayuun baa ina deeqa. Nin-na nin kama weyna, indho adkaan ummadda waxba laguma jiidhsiin karo,” ayuu yidhi murrashaxa UCID.
Qoraal Guddoomiyaha Guddida Diiwaangelinta Ururrada Siyaasadda Md. Cabdirisaaq Jaamac Cumar (Ciyaalle) soo saaray 2 November 2016, waxa uu labada garab ee UCID ku amray in aanay qaban karin shir aan ahayn ka Maxkamadda Sare ku go’aamisay in xisbigu ku qabsado 60 maalmood gudahood, kana soo bilaabmaya 26 September 2016 oo ah maalintii go’aanku soo baxay.
“Guddida Diiwaangelinta Ururrada Siyaasadda iyo Ansixinta Axsaabta Qaranku waxa ay faraysaa labada garab ee xisbiga UCID inay joojiyaan labada shir ee ay ku kala dhawaaqeen oo aan midna waafaqsanayn sharciga. Waxa la qaban karaa oo qudha shirka ku xusan qaraarkii Maxkamadda Sare inta aanay dhammaan muddada 60-ka maalmood ah ee ay u cayintay.
Sidaa darteed, waa in aad u hoggaansantaan amarkan ka soo baxay Guddida Diiwaangelinta.
Guddidu waxa ay xisbiyada ku dhaqdaa, kuna ilaalisaa shuruucda qaranka iyo kuwa ay dhigteen (xeerarka xisbiyada u yaal), markaa qaraarka ka soo baxay Maxkamadda Sare waxa uu u dhigan yahay, lana mid yahay sharci, waxaanan leenahay ha la dhawro shuruucda qaranka, hana lagu ekaado waxa uu sharcigu idiin banneeyey, mana jiro shir la qaban karo oo aan ahayn shirka aan caadiga ahayn oo ahaa kii ku xusnaa qaraarkii Maxkamadda Sare ee salaysnaa heshiiskii labada garab,” ayuu yidhi Guddoomiye Ciyaalle ku yidhi qoraalkiisa amarka iyo digniinta xambaarsan.
Hasa yeeshee, ma cadda go’aanka ay Guddida Diwaangelintu qaadan doonaan haddii ay labada dhinac ee xisbiga UCID qabsadaan shirar iska soo horjeeda.