Araweelo News Network

guddoomiyecirro2Hargeysa (ANN) Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, ahna murrashaxa Madaxweynaha xisbiga WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa ka hadlay kulan uu masuuliyiinta Khaatumo kula yeeshay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.
Murrashax Cirro oo ka soo laabtay safar uu ugu maqnaa dalalka Imaaraadka Carabta iyo Itoobiya shalay, waxa uu ku bogaadiyey xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo inay wadahadal rasmi ah la furto Prof. Cali Khaliif Gallaydh iyo masuuliyiinta kooxda Khaatumo.
“Waxa aan ogaysiinayaa dhammaan shacabka iyo cid kastoo danaynaysa Somaliland iyo saaxiibbadeedaba in aannu xalay (habeenkii Isniinta) Addis Ababa kula kulannay wefti ballaadhan oo uu hormuud u yahay hoggaamiyaha Khaatumo Dr. Cali Khaliif Gallaydh oo aannu ka wadahadalnay arrimo badan oo khuseeya Somaliland, markaa marka hore waxaan jecelahay in aan ku bogaadiyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland in uu go’aansaday oo Somaliland oo xukuumaddiisu metelaysaa la hadasho, isla markaana wadahadal rasmi ah la gasho Khaatumo, waxaanan qabaa in arrintaas guud ahaan dhowr qodob soo dhaweynayso; mid waxa weeye arrinta nabadgalyada Somaliland oo runtii gaar ahaan degaannadaas aan Somaliland maamulkeedu weli hadda si fiican u wada gaadhin ay suurtogalinayso in nabadgalyadu guntanto oo la xidho haddii wadahadalkaasi guulaysto, xukuumadduna iyada ayaa qaranka hadda ka mas’uul ah, haddii ay keligeed wadayso hawsha oo ku filan tahay waannu ku bogaadinaynaa,” ayuu yidhi murrashaxa Madaxweynaha WADDANI.
Waxa kale oo uu ka faahfaahin ka bixiyey shirar iyo kulamo uu ku yeeshay dalka Imaaraadka Carabta, waxaannu yidhi; “Waqtigii aan Imaaraadka joogay waxa aan ka qeybgalay shir weyn oo ay ka qaybgaleen 140 waddan, halkaasna arrimaha Somaliland ayaannu aad ugu soo hadal qaadnay, dad badan oo aan la kulmay oo isugu jira ganacsato, siyaasiyiin iyo masuuliyiin kaleba waxa aan kala hadlay in laga qaybqaato abaaraha ka taagan Somaliland.”
Guddoomiye Cirro waxa uu Ilaahay (SWT) ka baryey inuu abaaraha ka dulqaado degaannada kala duwan ee Somaliland, isagoo ballanqaaday in xisbigiisu ka qaybqaadan doonaan gurmadka abaaraha.
“Marka hore Ilaahay (SWT) ayeynu ka baryeynaa in uu abaarta innaga soo jabiyo isaga uun baan awood u leh, waxaanan u soo jeedinaynaa dhammaan shacbiga reer Somailand in ay salaad kasta marka ay tukanayaan Alle baryaan si uu raxmaadkiisa innoogu shubo, annaguna xisbi ahaan arrimaha abaaraha si aad ah ayaannu uga qeybqaadnaynaa taakuleynta dadka iyo duunyada abaarahu saameeyeen.”
Dhinaca kale, Mr. Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo ka mid ah weftiga Guddoomiyaha WADDANI ee dalka ku soo laabtay shalay, ayaa sharraxaad ka bixiyey wadahadalka ay Prof. Cali Khaliif Gallaydh iyo masuuliyiinta Khaatumo kula yeesheen magaalada Addis Ababa.
“Muddo hadda ku dhow tobaneeyo maalmood waxa aan joogay magaalada Addis Ababa oo aannu ku wadahadlaynay, iskuna aragnay wefti ka socda Khaatumo oo uu hoggaaninayo Dr. Cali Khaliif Gallaydh oo ay ka mid ahaayeen xubno muhiim ah oo ka tirsanaa Khaatumosida Dr.Cali Ciise Cabdi, Maxamuud Ismaaciil Shabbac iyo Maxamed Mahdi Baayar oo runtii ay waqtigaas wada joogeen Madaxweynaha Somaliland iyo xubno kaloo xukuumadda ka tirsan oo halkaas wadahadal uga furmay, markaa waxa isna shalay (maalintii Axadda) nagu soo biiray aniga iyo Maxamed Biixi Yoonis murrashaxa Madaxweynaha ee xisbiga WADDANI Md. Cabdiraxmaan Cirro, runtiina halkaas waxa aanun ku wada yeelanay kulan aad u wanaagsan oo isfaham ah labadayadii dhinacba,” ayuu yidhi Mr. Khaliif oo ka mid ah siyaasiyiin dhowaan ku biiray xisbiga WADDANI.