Suurto gal maaha in qoraalkan kooban lagu soo koobi karo taariikhdii madoobayd ee soo kala dhexmartay Soomaaliya iyo Somaliland balse kaliya waxaan si guud u tilmaamaya in shicibkii reer Somaliland ee jibbada Soomaali weyn iyo waddaniyaddu madax martay in ay Soomaaliya ka noqdeen muwaadinka darajada labaad(Second citizens) israacii labada dal kadib.
Marxaladdii ka dambeysayna waxa la gaadhsiiyay in naftooda iyo maalkoodaba la xalaashado oo inta konton-konton la iskugu xidhxidho lagu dhugtamo; aan idin xasuusiyo toogasho wadareedyadii Burco, Sheekh, Berbera, Hargeysa, madbaxaddii xeebta Jasiira iyo xasuuqii balaadhna ee sanadihii 1988-9.Si kastaba ha ahaatee halgan hubaysan oo naf hurid ah iyo jabkii ciidamadii rajiimkii dhiigya cabka ahaa Somaliland mar kale waxay noqotay dal xor ah oo Madax bannaan.
Soomaaliya muddo 26 sannadood ah kama ay dhismin wax lagu tilmaami karo dawlad dal ka talisa xataa sugi karta amniga caasimadda; sidaas oo ay tahay muddadaa dheer maamul kasta oo yimaadda iyo madax kasta oo loo doortay mudnaantooda koowaad waxay ka dhigtaan oo wakhtiga oo dhammi kaga luma la dagaallanka Somaliland iyo sidii loogu soo dabaali lahaa midnimadii bari hore dhimatay sidii fikraddii Soomaali weyn ba u dhimatay.
Haddaba Maxamed Cabdillaahi Farmaajo oo kursiga ku yimid doorashadii beesha caalamku dabada ka riixaysay waxa laga filayay in uu cashar ka barto kuwii isaga ka horeeyay oo dhammaantood ku habsaamay xifaaltanka iyo xasadka JSL, balse waxaaba aad moodda in uu dardar galiyay dagaalkii iyo faro galintii Somaliland lagu hayn jiray.Tusaale ahaan muddo yar oo uu madaxweyne sheeganayay waxa uu safarro ku tagay waddamo ay ka mid yihiin Imaaraadka, Sucuudi Carabiya, Kenya iyo Itoobiya.
Liiska waxyaabaha uu ka dalbanayay waxa kow ka ahaa in gacan laga siiyo amba laga caawiyo sidii JSL loola burburin lahaa, hase ahaatee Madaxdii uu la kulmay uma ay cuntamin waxaanay u arkeen codsi aan la aqbali Karin in lagu duulo dal xasiloon oo nabad iyo kala dambeyni ka jirto, islamarka waxa loo sheegay xasilooni darro Somaliland lagu abuura in ay wiiqi karto amniga iyo ganacsiga waddamada gobolka, hase yeeshee Farmaajo kuma qancin talooyinkii laga siiyay arrimaha Somaliland waxaanu ku talo jira in uu sii xoojiyo ololaha dagaalka ka dhanka ah JSL xataa qorshihiisa kama madhna in uu xoog militari adeegsado haddii wakhtigu u saamaxo.
Cajiib! Iyagaaba wali ciil qaba, waaba kala maan Farmaajo oo la yaaban gooni isku taaga JSL iyo jiil dhan oo agoomo ah oo aabbayaashood lagu hor toogtay iyaga oo arkaya. Gabay laga tiriyay xaaladdan xaalad u eeg waxa ka mid ahaa “Isma oga agoon iyo ninkii aabahood dilaye”. Si kastaba ha ahaatee xukumadda Madaxweyne Siilaanyo ee dalka iyo dadkiiba gabtay ama kuwa ka dambeyn doona waxaan u soo jeedinaya arrimahan soo socda:
1. Farmaajo wuxuu si dadban u iclaamiyay oo laakiin, aan qarsoodi ahayn dagaal Somaliland ka dhan ah, sidaas oo kale Madaxweyne Siilaanyo waa in uu ku dhawaaqo in maamulka Farmaajo lagula dagaallamo gudaha Muqdisho iyada oo la adeegsanayo shakhsiyaad miisaan ku leh bulshada iyo qaar ka mid ah beelaha Soomaaliya sida ay iyaguba u adeegsadaan qaar inaga mid ah;
2. In xoogga la saaro sii xoojinta iyo casriyaynta saanadda Militari ee Ciidanka Qaranka si lagaaga baydho oo aad nabad u hesho. Edward Goschen oo ahaa diblamaasi Ingiriis ah waxa laga haya ‘You cannot have peace without power;
3. In wax laga bedelo siyaasadda dabacsan iyo saamaxaadda sida fudud loogu fidiyo kuwii dalkooda khiyaameeyay ee cadawga la soo saftay;
4. In la sameeyo dhaqdhaqaaq diblamaasiyadeed iyo in caddaadis la saaro dawladdaha danaha ku leh Somaliland si taageeradooda loo helo;
5. Madaxda Qarankana hankoodu ha ka waynaado siyaasadda liidata ee xaqul qalinka iyo maxaan sii qaata.
Cabdiraxmaan Cadami
Abdirahmanadami22@gmail.com