Maxaynu ka metelnaa? Maxaynu se kaga dayan karnaa?

By Mustafe Adam Muse

Xanuunka Coronavirus sida ay Soomaalidu u haysato wuu ka culus yahay. Dalalkii dhaqaalaha iyo awoodda isbidayay ayaa YAABBAN. Sida keliya ee lagaga badbaadayaa waa in LAGA HOR-TAGO, haddii uu dilaacana LA-XAKAMEEYO. Ka-hor-tagga ugu wacan ee ay dalalka ay Taiwan ka mid tahay qaadeen waxa ka mid ah: (1) Dadka ka imanaya dhammaan dalalka COVID 19 uu ka dillaacay ayay joojiyeen. (2) Waxa ay fasaxeen goobihii waxabarashada iyo meel kasta oo la isugu yimaado. (3) Waxa ay amar buuxa siiyeen shacabkooda in aanay guryaha ka soo bixin. (4) Wararka been-abuurka iyo buunbuuninta ah ayay xakameeyeen. (5) Hal guddi oo hal af-hayeen leh ayaa warbixin maalinleh ah baahiya.

Dalalka ilaa hadda lagu majeertay tallaabooyinka ay qaadeen ee ku guulaystay waxa ka mid ah, TAIWAN oo kanbalka u saaran dhulweynaha China oo uu xanuunkan ka bilaabmay; Australia oo xidhiidh joogto ah la leh Maraykanka, Ingiriiska, Kanada iyo Yurub oo la daala dhacaya xakamayntiisa iyo Sucuudiga oo adduunka oo dhan u furan oo ay ku yaalaan xaramaynku.

Taiwan oo ay ku nool yihiin 24 milyan oo qof waxa uu noqday dalka keliya ee lagu ammaanay tallaabooyinka uu qaaday. Coronavirus waxa uu haleelay 363 oo qof, keliya waxa u dhintay 5 qof. Sucuudiga waxa uu ku dhacay 2,370 oo qof, dhimasho 29 qof oo keliya, waxa ka bogsaday 420 oo qof. Khubarada caafimaadku waxa sheegayaan in ay Taiwan ka faa’iidaysatay khibradii ay ka heshay xanuunkii SARS ee dilaacay 2003 oo ay noqotay dalkii dhibaatada ugu weyn ka soo gaadhay marka loo barbar-dhigo dalalkii kale ee uu haleelay. Waxa xusid mudan in Taiwan ay hadda ku guulaysatay in noloshadii caadiga ahayd la soo celiyo, xataa dugsiyadii waxbarashada ayaa dib loo furay.

Somaliland tallaabooyinka ilaa hadda ay qaaday waxa ahaayeen kuwo aad u habboon oo la odhan karo xakamayn ayay u noqotay in u xannuunku fido, laakiin, tallaabada ay dhammaan dawladaha waaweyn ee caalamku isku raacsan yihiin ee ka-hor-tag weyn u ah ee aan la fulin waxa mid ah xuduudaha iyo diyaaradaha, inkasta oo su’aasha isweyntiinta mudan ay tahay ma ka maarmi karnaa?

Haddii uu dilaaco, siday dhakhaatiirtu sheegeen, waxa ugu muhiimsan: (1) Gacmo-dhaqasho joogto ah; (2) Meelaha ay dadku ku badan yihiin oo laga fogaado. (3) Wajahadda (indhaha, sanka, afka) iyo duburta oo laga ilaashado gacmaha oo aan maydhnayn. (4) Asluubta wanaagsan ee qufaca iyo hindhisada oo la dabaqo iyo (5) Hoygaaga oo ku deeqa.

Wixii intaas dheer dhakhaatiirta ayaa la waydiin.

Mustafe Adam Muse

kibaaro@gmail.com