Tehran(ANN)-Iiraan waxay shaaca ka qaadday tikniyoolajiyad caqli ku dhisan oo wadaniga ah oo awood u leh inay ku oggaato caabuqa cudurka ‘coronavirus’ cusub, iyadoo la kaashanayo sirdoonka macmalka ah iyo adeegsiga sawirka ‘CT scan’.


Iiraan waxay shaaca ka qaadday Tiknoolajiyad caqli ku dhisan oo wadaniga ah oo awood u leh inay ku ogaato infekshanka cudurka ‘coronavirus’ cusub iyadoo la kaashanayo sirdoonka macmalka ah iyo adeegsiga sawirka ‘CT scan’.


Tiknoolajiyadda ay soo saareen khubaro u dhashay dalka Iiraan oo ku takhasustay cilmiga sayniska iyo shirkadaha ku Tiknoolajiyadda ee Iiraan ayaa la shaaciyay, iyadoo uu goobjoog ka ahaa ku-xigeenka Madaxweynaha Iiraan ee Sayniska iyo Tiknoolajiyada, Dr. Sourena Sattari, Sida ay shebekada Araweelo News Network, kasoo xigatay warkan oo uu baahiyay Press Tv, kaas oo soo xiganaya Wakaaladda Wararka Fars Sabtidii werisay warka cusub ee kasoo yeeshay khuburada Sayniska Iiraan.


“Tiro badan oo ka mid ah shirkaddaha waxay ku guuleysteen inay soo bandhigaan hanaan cusub oo lagu baadhayo Caabuqa Cudurka Coronavirus, iyagoo adeegsanaya sirdoon macmal ah, (artificial intelligence ,” ayuu yidhi, Dr. Sourena Sattari, ku xigeenka Madaxweynaha Sayniska iyo Tiknoolojiyada Iiraan oo sharaxaya sharraxaya hal-abuurka sida ay ugu guulaysteen hindisaha cusub ee ay xalka ugu raadinayeen Cudurka Coronavirus ee dunida khal-khaliyay.

Wuxuu sheegay in qalabkan cusub iyo arrinta ay ku guulaysteen uu nqqonayo mid dariiq cusub u furi doona dunida, kaas oo ah ogaanshaha saxda ah ee baadhista Coronavirus, iyadoo la adeegsanayo baadhitaanka CT-scan, wuxuuna intaa ku daray Dr. Sourena Sattari, in farshaxanka-casriga ah ee qalabkan hadda lagu geynayo Cusbitaalo badan oo dalka oo dhan ah, si ay dhakhaatiirtu u adeegsadaan durba.


Dr. Sattari wuxuu sheegay in shirkadaha ku guulaystay qalabka cusub iyo kuwo kale oo wadani ah ay horre sidan oo kale ugu guulaysteen sannadihii hore inay ikhtiraacaan waxyaabo cusub iyo horrumar, isla markaana xilligan safka hore ee dagaalka ka hortaga cudurka COVID-19, ay ku jiraan, isagoo ku amaanay dedaalkooda iyo juhdiga ay geliyeen soo saarista qalabkan iyo Tiknoolojiyada cusub.
Sarkaalku wuxuu sheegay in heerka wax soo saarkii uu kordhay dalka oo dhan tan iyo markii uu cudurka ka dillaacay dunida, isla markaana dhiiranaanta iyo khibrada khuburada Sayniska iyo Tiknoolojiyada Iiraan oo kaashanaya shirkadahooda u horseedeen Jamhuuriyadda Islaamiga ah in aan loo baahnayn in dalka loo soo dhoofiyo dhammaan wixii daawo ah ee la xidhiidha Fayriska Coronavirus.


Shirkadaha cilmiga deegaanka iyo hal-abuurka leh ee gacan ka geysanaya la-dagaallanka fayriska, ayaa sidoo kale ka kooban xarumaha cilmi-baadhista iyo jaamacado kala duwan, kuwaas oo ka hawl gala aagga cilmiga Bayoolajiga (biotechnology), sida uu sheegay Dr. Sattari.

Wareega cusub ee hal abuurka ayaa horseeday horumarinta qalabka xirmooyinka ogaanshaha ee casriga ah, iyada oo laba ka mid ah shirkadaha ay soo saareen 250,000 oo aaladaha ilaa hadda ah, ayuu raaciyay. Shirkaduhu waxay leeyihiin awood ay ku soo saaraan ilaa 100,000 oo xirmooyinka ah usbuucii, ayuu raaciyay.
Ku xigeenka Madaxweynaha Iiran ee Sayniska iyo Tiknoolojiyada, Sourena Sattari, ayaa Wakaalada Wararka Fars sida ay werisay sheegay in wareega cusub ee hal-abuurka uu horseeday horumarinta qalabka xidhmooyinka ogaanshaha ee casriga ah, iyada oo laba ka mid ah shirkaddaha ay soo saareen 250,000 oo aaladaha ilaa hadda ah, Shirkaduhu waxay leeyihiin awood ay ku soo saaraan ilaa 100,000 oo xidhmooyinka ah todobaadkii, ayuu raaciyay.

Dhinaca kale, wuxuu sheegay in Hay’addaha dhanka sayniska ay sidoo kale si xooggan ugu hawlanaayeen baadhitaanno caafimaad oo kusaabsan nidamka dawooyinka, taas oo ah dadaal kor u qaaday baahi kasta oo dawooyinka la soo dejiyo lagaga maarmayo, iyada oo waddanku wajahayay xilli adag oo cudurka dillaacay, ayuu yidhi.