Waxay Soo Saareen QodoboTalooyin Muhiim Ah Oo Loo Gudbiyey Guddiga Heer Qaran ee Ka Hortagga Covid-19 iyo Bulshada

Hargeysa(ANN)- Xubno ka mid ah Culimada Somaliland oo maalmihii u danbeeyay ka arrinsanayay Culimada sidii xaallada dalku marayo ee cabsida xannuunka dunidu ka qaylisay iyo sidii laga yeeli lahaa, isla markaana muujinaya doorkooda Culmi ahaan ayaa soo saaray tallooyin wax ku ool ah oo ku waajahan xukuumadda Somaliland iyo Bulshada.


Culmida, ayaa talllooyinka ay soo gudbiyeen sheegay inay kasoo baxeen kulamo ay yeesheen xubno ka mid ah Culmida Somaliland oo kala yimi gobollada kala duwan ee dalka oo maalmihii u dambeeyeyba, kuwaas oo ka hor intii aannay soo gudbin tallooynka la yeeshay kulammo Guddida ka hor-tagga heer Qaran ee cudurka Covid-19.


Kooxda Culmida ah, ayaa markaa kadib yeeshay kulamo gaar ah, kuwaas oo gebo-gabadii ay kasoo saareen go’aano iyo tallooyin isugu jira toban qodob oo ay sheegeen inay yihiin kuwo u badan talo soo jeedin ku waajahan Xukuumadda Somaliland, gaar ahaan guddida ka hor-tagga heer Qaran ee Cudurka Covid-19, iyo Bulshada Somaliland.

Arrimaha Culimada Somaliland oo ka arrinsadeen waxa ka mid ahaa waxa laga yeelayo Jamaca Salaadaha ee Masaajiddada, maaddaama oo laga cabsi qabo faafitaanka xannuunka dunida sadheeyey ee Coronavirus )Covid-19), kaaas oo kiisaskii ugu horreeyey toddobaadkii hore dalka laga helay gudaha Somaliland, sida ay shaaciyeen guddida heer qaran, isla markaana dalal badan oo dunida Islaamka ahi hakiyeen muddooyin kala duwan isu imashada Salaadaha Jamaca ah.


Sidaa awgeed Culimadu ka dib kulammada wada-tashiga ah, waxay soo saareen tallooyin ay u jeediyeen Guddiga heer Qaran ee ka hortagga Coronavirus iyo guud ahaan Bulshada Somaliland.

Qodobbadaa tallooyinka ah ee Culimada Jamhuuriyadda Somaliland oo xambaarsan nuxur muhiim ah oo waafaqsan shareeca Islaamka, waxaa Shir Jaraa’id oo gelinkii dambe ee maanta oo Sabti ah ay Culimadu ku qabteen xarunta Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland ee Hargeysa ka akhriyey Sheekh Cabdiraxmaan Sheekh Axmed, isagoo yidhi;

“Culimada oo tix-raacaysa kulankii wada-tashiga ahaa ee ay la yeesheen Guddida qaran ee ka hor-tagga xannuunka Covid-19 iyo Dhakhaatiirta ee Arbacadii iyo wada-tashigii Culimada Somaliland ee gobollada dalka isaga yimi, ka dib, waxay Culimadu soo saartay qodobbadan soo socda:-

1- Waa In ay Dadku Illaahay isku xidhaan, xaggiisana u noqdaan oo ay toobbad keenaan, oggaadaanna in wax kastaa ku dhacayo Qaddarka Allah oo keliya, iyadoo aan laga tegaynin asbaabta ka hortagga Xannuunka.

2- Waa In aan la sugin inta cudurku ku faafayo Bulshada, isla markaana si dhaqso ah looga hawlgalo wax ka qabadkiisa.

3- Waa In la dedejiyo, lana dardar-geliyo si dhakhsa ah baadhista Dadkii looga shakisnaa inuu haleelay cudurka COVID-19.

4- Waa In la joojiyo dhammaan goobaha lagu kulmo, sida Hudheellada, Makhaayadaha, goobaha Qaadka lagu cuno iyo wixii la mid ah oo aan lagu degdegin xidhitaanka Masaajidda Alleh lagu caabudo ee shacaa’irta Allah SWT lagu ooggayo.

5- Culimadu waxay cadaynayaa In aanay ku waajibin Jamaca Salaadda ee Masjidka, Dadka xanuunsanaya, Dumarka, Carruurta iyo Dadka Safarka ah, isla markaana waxa loo soo jeedinayaa inay ku tukadaan guryahooda oo aanay Jamaca Masaajiddada iman.

6- Shareecada suubban ee Islaamku, waxay u bannaysay ummadda in Jimcaha iyo Jameecada laga maqnaan karo haddii la helo, lana xaqiijiyo daruuro adag, sida Xanuunnada faafa iyo wixii la mid ah.

7- Waa In la joojiyo Qaadka, maaddaama oo uu leeyahay dhammaan sifooyinka iyo astaamaha uu ku faafo cudurka halista ah Coronavirus (Covid-19), sida taabashada, kulanka goobaha lagu iibiyo iyo goobaha lagu cunayo. Sidoo kale waa in xal loo helo Diyaaradaha Rakaabka sida ee dalka yimaadda.

8- Waa in Dadka oo dhami ay iska kaashadaan wax kasta oo lagaga hortegi karo faafidda cudurka Coronavirus, isla markaana loo dhega-nuglaado tallooyinka Dhakhaatiirta iyo amarrada Guddiga heer Qaran ee ka hortagga Cudurka COVID-19.

9- Bulshaweynta Somaliland, waxaan ugu baaqaynaa in wakhtigan adag ay taageeraan, kana war-hayaan Dadkooda danyarta ah ee jilicsan.

10- Culimadu, waxay diyaar u yihiin inay ku taageeraan wixii talo iyo tusaale ah ee ay uga baahan yihiin Guddida ka hortagga Covid-19, ee heer qaran.

AKHRI: Somaliland Oo Shaacisay In COVID-19 Laga Helay

Dhinaca kale, waxa kulanka Culimadu ku shaacisay Tallooyinkaa ka hadlay Wasiirkii hore ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland, Sheekh Maxamuud Suufi Muxumed iyo Sheekh Yaasiin Ibraahin Cabdiraxmaan oo ka mid ah Culimada dalka ee tobankan qodob ee talada ah soo saaray, waxaanay takiidiyeen, isla markaana ku adkeeyeen xukuumadda, guddida heer qaran ee diyaargarawga Covid-19, iyo Bulshadaba Somaliland sidii loo hirgelin lahaa Qodobbadaas, iyaga oo Shacabkana ugu baaqay inay la yimaaddaan taxaddir badan iyo is dhawris.


Culimada, ayaa gebagebadii kulanka ay ku shaacinayeen qodobada iyo tallooyinka ay soo jidiyeen, waxay u duceeyeen guud ahaan Ummadda Islaamka, gaar ahaan Bulshada Somaliland, iyagoo Allah uga baryay in kuwa uu hayona Allah ka dulqaado Cudurka Coronavirus, kuwa aannu weli soo gaadhina Allah ka salamaad yeelo.

READ: Somaliland find the first two cases of Covid-19