Qore: Maxamed Cabdalla Cilmi


Tan iyo markii dadka Soomalida ah lagu xasuuqay xeebta Gobolka Xudeyda ee Dalka Yemen, saddex jeer ayuu hadlay Afhayeenka xulafada Carbeed Sareeye Guuto Axmed Casiiri, mar wuxuu iska riixay in haba yaraatee ay wax lug ah ku leeyihiin dhacdadaas dadka Soomaalida ah lagu xasuuqay, laba jeer oo ka dambeeyayna wuxuu codsi u jeediyey Qarammada Midoobay, kaas oo ku dalbaday inay kor joogto ka sameeyaan Dekedda Xudayda, isagoo xusay inay halkaa ka bilaabmeen ka ganacsiga dadka oo lagu daray hub sharci-darro ah oo laga dhoofiyo, waxaannu hadalkaas ka sheegay waraysi uu siiyey telefishan lagu magacaabo Xadas.
Mar keliya muu soo hadal qaadin xasuuqii Soomaalida loogu geystay goobtaa ay dagaalka kaga jiraan ciidammada uu magacooda ku hadlayaa, waana mid nusqaan weyn kugu ah Casiiryow, waxanna sharafku ahaa ugu yaraan inaad baadhis madaxbannaan ku baaqdo, sida aad haddaba u leedahay Qarammada Midoobay ha kormeeraan dekedda Xudeyda, waxaanan ku leenahay dib isugu noqda xulufo Soomalidaa la laayayna meel ku tiiriya.
Ilaa maanta dunidu kamay dhii-dhiyin falkaa naxariis-darrada ah, wax tallaabo ahna lagama qaadin ciddii ku kacday, marka laga reebo baaqyo cambaarayna oo ka soo baxay madax Soomaali ah iyo ururro maxalli ama dibadeedba.
Falkani wuxuu ka marag furayaa qiimayn la’aanta dunidu u hayso dadka ku abtirsada magaca Soomaaliga, waayo haddii ay jinsiyad kale ahaan lahaayeen dadka halkaas ku dhammaaday (Xudeyda) xaalku sidan muu ahaadeen.
Hay’adda Qaxootiga ee Qarammada Midoobay oo dadkani hoos tegayeen weli caddayn dhab ah umma hayso cidda weerarkaa geystay, marka laga reebo inay dalbanayaan baadhis iyo inay kaalmo u fidiyeen dadkii intii bad-baaday iyo dhaawicii.
Dhammaan waraysiyada warbaahinta Af-soomaliga ku hadla ka qaadeen dadka ku sugan gudaha Yemen waa qaar aan iftiimin wax xog ah oo la xidhiidha cidda weerarkaa geysatay, sidoo kalena warbaahinta dunida Carabtu xil weyn iskama saarin in ay raadiyaan xaqiiqda dhibaatada loo geystay dadkaa aan waxba galabsan.
Maadaama ay tahay mandaqadda dhibtu ka dhacday meel dagaal ka socdo, waxa adag in la helo cid ku dhiirrata sheegista xaqiiqda, sidaa marka xaal yahayna waxa lagama maarmaan ah in la hello cadaadis dibadeed oo dhinacyada ku khasba sidii loo heli lahaa danbiilayaasha ku lug lahaa falkaa arxan-darrada ah.
Taariikhdu markay ahayd 8/10/2016 waxa weerar dhinaca cirka ah lagu qaaday goob ay ka socotay tacsi oo ku taal magaalada Sanca ee Xuutiyiintu ka taliyaan, weerarkaas oo dad badan ku dhinteen waxa muddo yar kadib masuuliyaddiisa qaatay xulafada Carbeed, kadib markii dunidu qaylisay, iyaguna baadhis degdega sameeyeen.
Arrinkani kuma filna keliya cambaarayn afka ah, waa se in si mug leh looga hawlgalaa cid kastoo awood u leh inay wax ka qabato falkaa naxariis-darrada ah ee lagu fuliyey maatada aan waxba galabsan.
Maxamed Cabdalla Cilmi, suxufi madaxbannaan, Hargeysa, Somaliland