Araweelo News Network

Hargeysa (ANN)- Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland Md. Maxamed Cabdillaahi Ibraahim (Dhoobaale), ayaa ka hadlay qorshe lagu doonayo in hoos loogu dhigo qiimaha sarrifka doollarka, isla markaana sare loogu qaado qiimaha shillinka Somaliland.
Guddoomiyaha Baanka Dhexe, ayaa sheegay in ololahan oo Baanka Salaama ee Shirkadda Telesom lacag doollar ah ku sii daysay suuqyada isku-beddelka lacagaha uu yahay mid loogu talogalay in wax lagaga qabto qiimaha sarrifka oo muddooyinkii u dambeeyey si aad ah kor ugu kacay, gaadhayna in halka doollar lagu beddelo 8500 SLSH ah.
“Waxa aannu maalmahan ku gudo jirnay la-dagaalanka sarrif-bararka ee ka jira suuqyada Somaliland, iyadoo ay tahay in aannu ka shaqayno sidii qiimaha shillinka Somaliland kor ugu kici lahaa, kaasoo ay iska kaashanayaan muwaadiniinta sarriflayaasha ah ee suuqa, waxaanan ku baraarujinaynaa shacbiga Somaliland iyo dadka ka ganacsada lacagtaba inay shillinka kor u qaadaan oo ay ka dhigtaan lacagtooda, lexejeclana kaga jirto, kana hortagaan cidhiidhiga lacagaha qalaad ku hayaan shillinka Somaliland,” ayuu yidhi Guddoomiyaha Baanka Dhexe.
Waxaannu intaas ku daray; “Qofkasta oo u jiidh-damqanaya Somaliland waa inuu u jiidh-damqadaa oo uu gacan ka siiyo cidda ku hawlan hoos-u-dhaca sarrifka doollarka amma kor-u-qaadista shillinka Somaliland oo aynu uga hiilino lacagaha kale, haddii aynaan waddaninimo ugu hiilin ma soconayso, sidaa darteed waa in aynu ka wada shaqayno sidii loo qiimayn lahaa, loona xoojin lahaa shillinka Somaliland.”
Dhinaca kale, Mr. Cabdiwahaab Maax oo u hadlay baanka Salaama, waxa uu sheegay in shirkadoodu lacago badan oo doollar ah ku sii daayeen suuqyada si looga wada shaqeeyo kor-u-qaadista qiimaha shillinka Somaliland.
“Waxa aannu ka shaqayn doonnaa in aannu suuqyada soo gelin doonno doollarka suuqu u baahan yahay, waayo waxa nagu qasbaya dadkayaga iyo bulshada jilicsan, waxayna u baahan tahay in shillinkeedu shaqeeyo, lacagta shillinka ahna waa lacagta rasmiga ah ee dalka Somaliland, waana lacagta uu dalkeennu leeyahay, waana waxa aynu wax ku kala iibsano, cid kasta oo isku dayda inay kor u qaado (sarrifka doollarka) ha ogaato inay ummadda waxyeelayso, markaa annaga oo dalka iyo dadka u naxariisanayna oo eegayna danta dadka iyo qarankeenaba, annaga oo eegayna wada-tashigii na dhexmaray dawladda dhexe iyo Baanka Dhexe, waxa naga go’an in shillinka Somaliland aannu halkiisii ku soo celino oo aannu lacagta doollarka ah ee suuqu u baahan yahay soo gelino, oo iibino, maantana waa maalintii saddexaad ee aannu wadno, waanan wadaynaa,” ayuu yidhi Mr. Maax.